Theresa May: Waxaa calaamad su'aal saarantahay sharciyadda qorshahan

Theresa May

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Theresa May

Ra'isal wasaarihii hore ee Ingiriiska, Theresa May, ayaa dhaleecaysay qorshaha xukuumadda ee ah in ay qaar ka mid ah dadka magan gelyo doonka ah u dirto Rwanda.

Theresa May ayaa u sheegtay baarlamanka in aanay taageersanayn siyaasaddaas sababtuna tahay shaki ay ka qabto in waafaqsantahay "sharciyadda, maangalnimada iyo sax ahaanta ba".

Hase ahaatee,wasiirka arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa sheegtay in qorshahaasi noqon doono "mid caqabad ku noqda kuwa dadka tahriibiya" sidoo kalena uu joojin doono dadka ku dhimanaya marinada halista ah ee ay Ingiriiska u maraan.

Siyaasaddan waxa iyaguna dhaliilay hay'adaha gargarka iyo xisbiyada mucaaradka ah.

May oo sidoo kale mar noqotay wasiirka arimaha gudaha Ingiriiska intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2016 oo waaxda socdaalkuna hoos timaad ayaa su'aal gelisay qorshahan oo sheegtay in uu keeni karo in ay korodho tahriibinta dumarka iyo ciyaalku madaama oo wararka qaarkood tibaaxeen in ragga soolanaha ah ee sharci darrada ku galay Ingiriiska oo keliya loo dirayo Rwanda.

Raysal wasaare Boris Johnson ayaa hore u sheegay in qorshuhu uu "badbaadin doono dad aan tiro lahayn" isla markaana uu wax u dhimi doono habka ay u shaqeeyaan dadka wax tahriibiya, balse dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa qorshahan ku tilmaamay mid ka baxsan bini'aadantinimada.

Weriyaha BBC-da Simon Jones ayaa sheegay in laba kale oo muhaajiriin ah la arkay subaxnimadii Jimcaha inkastoo ceeryaamo badan ay jirtay.

Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka Andrew Griffiths, oo ah agaasimaha waaxda maamulka siyaasadda ee Downing Street, ayaa sheegay in qorshuhu aanu u baahnayn sharci cusub oo lagu fulin karo "heshiisyada jira".

Wuxuu BBC Newsnight u sheegay in qorshahan la bilaabi karo "toddobaadyo ama dhawr bilood gudahood".

Waxa uu intaa ku daray in haddii qulqulka socdaalka sharci darrada ah la joojin karo, ayna abuuri doonto "awood badan oo deeqsinimo, ammaan ah iyo waddooyin sharci ah" ee UK.

Ciidanka Badda ee Boqortooyada ayaa la wareegay taliska hawlgelinta Kanaalka Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ee Ingiriiska, iyaga oo isku dayaya in ay ogaadaan doon kasta oo ku socota UK.

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, .

Sannadkii hore, 28,526 qof ayaa ka tallaabay kanaalka Ingiriiska oo galay Britain, marka la barbar dhigo 8,404 oo qof sanadkii 2020.

Tony Smith, oo hore u ahaa agaasimaha guud ee ilaalada xuduudaha ee Ingiriiska, ayaa sheegay in ay qaadan karto toddobaadyo ka hor inta aan la caddayn in qorshahan cusub ee "adag" uu suurtogal yahay iyo in kale.

Wuxuu BBC-da u sheegay in ay u badan tahay in dowladdu ay la kulmi doonto caqabad dhanka sharciga ah marka dadka la saaro diyaaradda u socota Rwanda.

"Laakin ma garanayo waxa uu xalku ku yahay in la joojiyo doonyaha in ay gudbaan, sababtoo ah haddii aan wax la qaban, dad badan ayaa ku qaraqmi doona," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo xusay in UK ay wajahayso tiradii ugu badnayd ee codsiyo magangalyo doon ah.

Boris Johnson ayaa khudbad uu jeediyay Khamiistii ku sheegay in heshiiska Rwanda uu bixin doono "dariiqo ammaan ah oo sharci ah oo lagu helo magangelyo".

Wuxuu intaa ku daray: "Muhaajiriinta dhaqaalaha ee ka faa'iidaysta nidaamka magangalyada ma awoodi doonaan inay sii joogaan UK, halka kuwa dhabta ah u baahan la siin doono ilaalin ku filan."

Wuxuu sheegay in qorshahan ay ku jiraan cid kasta oo si sharci darro ah ku soo gashay dalka Ingiriiska tan iyo bilowgii sanadkan.

In ka badan 160 hay'adood oo samafal iyo ololeeyayaal ayaa ugu baaqay dowladda inay meesha ka saarto qorshahan, iyagoo warqad furan ku tilmaamay mid "wax laga xishoodo ah oo naxariis darro ah".

Madaxa fulinta ee golaha qaxootiga Enver Solomon ayaa sheegay in ay wax yar ka tari doonto sidii dadka quusta ah looga joojin lahaa oo ay "kaliya u horseedi doonto dhibaato badan oo biniaadmi ah."

Hogaamiyaha xisbiga Labour-ka Sir Keir Starmer ayaa tilmaamay in Johnson uu isku dayayay in uu dalka ka weeciyo fadeexadii ka soo baxday ka qeyb galka isu soo bax loogu dabaal dagayay dhalashadiisa xili dowladiisa ay soo rogtay xiritaan guud oo dalka ah, iyada oo wadata qorshe "wax aan macquul aheyn, anshax xumo iyo aflagaado" .

Xisbiga Liberal Democrats ayaa sheegay in dowladdu ay "albaabka ka soo xireyso" qaxootiga, halka Ian Blackford oo ka tirsan xisbiga qaranka Scotland uu qorshahan ku tilmaamay mid laga naxo.

Nigel Farage, hoggaamiyihii hore ee xisbiga Brexit, ayaa sheegay in aysan ahayn "wax aan dhaafsiisnayn xal waqti gaaban ah".

Su'aalo ayaa sidoo kale laga keenay qarashka ku baxaya qorshahan, iyadoo wargeyska Times uu sheegay in qarashka ku baxa daabulida soo galooti kasta ee Rwanda uu u dhaxeeyo 20,000 ilaa 30,000 oo Pound.

Balse wasiirka cadaalada iyo socdaalka Tom Berglove ayaa beeniyay in qarashku uu gaari doono tiradaas, isagoo BBC-da u sheegay inay ku xirnaan doonto dhowr arrimood.

Waxa uu sheegay in UK ay ku bixinayso ku dhawaad 5 milyan ginni maalintii huteelada ay degan yihiin dadka qaxootiga ah, halka qorshaha cusub uu marka hore ku kacayo 120 milyan ginni, iyadoo lacag badan ay soo gali doonto hadhow.

Barnaamij la mid ah oo Australia ka dhacay ayaa lagu qiyaasay £460m sanadkii 2021 laakiin waxa uu ku guulaystay kaliya in uu dib u dajin u sameeyo 239 qof oo ay ku kacayso ku dhawaad £1.9m qofkiiba.

Waxaa walaac laga muujiyay xaaladda xuquuqda aadanaha ee Rwanda iyo madaxweynaheeda Paul Kagame.

Wasiirka cadaalada iyo socdaalka Tom Berglove ayaa sheegay in Rwanda ay tahay wadan horusocod ah oo doonaya in uu magangalyo siiyo magangalyo doonka uuna sameeyay "horumar weyn" sodonkii sano ee lasoo dhaafay.

Waxa uu xusay in Rwanda ay hadda ka mid tahay labada waddan ee adduunka ugu badan ee leh baarlamaanka aqlabiyadda haweenka iyo sharciga ka hortagga takoorka oo si sax ah loo soo maray dastuurkeeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxay ahayd sannadkii la soo dhaafay oo kaliya markii dawladda UK ay walaac ka muujisay Qaramada Midoobay "xakamaynta joogtada ah ee Rwanda ee xuquuqda madaniga ah iyo kuwa siyaasadeed iyo xorriyadda warbaahinta".

Steve Valdez Symonds oo ka tirsan Amnesty International UK ayaa ku tilmaamay in dadka loo diro dalka ku yaal bariga Afrika inay tahay "mas'uuliyad-darrada sare ee sare".

Af hayeenka dawlada Rwanda Yolande McCullough ayaa BBC u sheegtay in wadankeedu uu yahay "dal nabdoon, si xawli ahna uu u horumarayo, waxaana u danaynaynaa sida wadamada kale oo dhan xuquuqul insaanka".

Heshiis ay wada gaareen labada dowladood ayaa dhigaya in dadka loo diro Rwanda ay heli doonaan hoy iyo taageero, waxaana loo ogol yahay in ay ka baxaan goobaha ay ku nool yihiin mar kasta.