Samia Suluhu: Maxaa u qabsoomay sannad ka dib markii madaxweynenimada loo dhaariyey?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sannad ayaa ka soo wareegay tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay Samia Suluhu, oo ah madaxwenahihii ugu horreeyey ee haweneey ah ee dalkaasi uu yeesho.
Toddobaadkan waxa ay ku beegan tahay hal sano tan iyo markii Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Tanzania Samia Suluhu Hassan ay xilka la wareegtay iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota dalka Tanzania
Ka sokow in ay tahay haweenaya kaliya ee dal Afrikaan ah haatan madax ka ah, ma jecla in aad loo buunbuuniyo balse waxay jeceshahay in loogu Waco magaceeda koowaad ee Samiya ama "Mama Samiya"
Waxaa xafiiska loo dhaariyey intii lagu guday jiray cudurka safmarka ah ee Covid-19, bishii Maarso ee sannadkii hore ka dib markii si lama filaan ah uu u geeriyooday madaxweynihii hore John Magufuli.
Tan iyo markaas, waxay doonaysay in ay horumariso Tanzania guud ahaan. Waxaana bisha April ee sannadkan la soo bandhigi doonaa filim la yiraahdo "The Royal Tour".
Mama Samia waxay safar ku kala bixisay guud ahaan dalkaas, iyadoo ay la socdeen filim sameeyayaal Ameerikaan ah si ay u soo arkaan waxyaabaha ay tahay in dalkaas loo qabto.
Filimka ayaa waxaa ku jira, iyada oo kaftamaysa, iyada oo hubinaysa in dunidu ay ogtahay in Buuraha Kilimanjaro iyo Serengeti ay ku yaallaan dalka ay ka taliso.
Haddaba, sidee ayay dadka Tansaaniya ula qabsadeen in Mama Samia ay madaxweyne u noqoto?
"Tag oo maanta soo waydii dadka reer Tanzania. Waxaan dareemayaa inaan qabanayo shaqadeyda, waxaan dareemayaa in aan ka soo dhalaalay," ayay tiri.
Ka dib markii ay talada dalka ka dhaxashay madaxweynihii Covid-19 shakiga ka qabay ee Magufuli, ayaa waxay tiri: "Intii aan lacagta ku maalgelin lahayn waji-xidhka iyo nadiifiyaha gacmaha iyo tallaalada, waxaan ku maalgelinay inaan daryeel caafimaad oo wanaagsan gaarsiinno tuulooyinka - dhisitaanka xarumaha daryeelka caafimaadka iyo in aan iskuullada horumarinno"
Maxaa ka mid ah guulaha la taaban karo ee ay gaartay intii ay madaxweynaha ahayd?
"Waxa ugu muhiimsan ee aan [ku guuleystay] waa nabadda, amniga iyo xasilloonida dalkayga. Taasi waa shayga ugu muhiimsan ee aan dhihi karo waxaan ku guuleystey inaan sii wado."
Saas oo ay tahay, waqtigii koobnaa ee ay madaxweynaha ahayd waxaa aad loogu dhaliilay xariggii lagula kacay oggaamiyaha mucaaradka Freeman Mbowe bishii July ee sannadkii hore.
Laakin sii dayntiisa horraantii bishan ayaa ah isbedel weyn, waxaana loo arkay in dowladdu ay ku dhowdahay inay u ogolaato mucaaradka inay si xor ah u shaqeeyaan.










