Madaxweynaha Tanzania: Waxaan caddeynayaa inay haweenku wax hoggaamin karaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay inay jireen dad ka shakisanaa inay u qalanto inay wax hoggaamiso markii ugu horreysay ee ay madaxweyne noqotay iyadoo lagu xaglinayo inay haween tahay.
Dadka qaar "ma rumeysna in haweenku ay noqon karaan madaxweyneyaal fiican annaguna waxaan halkan u joognaa inaan taas tusinno," ayay Samia Suluhu Hassan u sheegtay BBC.
Bishii March, haweeneydan 61 jirka ah ayaa xilka loo dhaariyay kaddib markii ninkii talada kaga horreeyay uu geeriyooday.
Hadda waa haweeneyda keliya ee madaxweyne ka ah dal Afrika ku yaalla. Madaxtinnimada Itoobiya waa mid sharafeed.
"Xitaa qaar ka mid ah shaqaalaha dowladdeyda ayaa markii hore i dhayalsaday balse markii dambe way aqbaleen hoggaankeyga," ayay tiri Samia.
"Balse tan keliya kama jirto Afrika, ee xitaa Ameerika ayay ka jirtaa, [Hillary] Clinton waxay gaartay heer aan u maleynay inay noqoneyso madaxweynaha balse ma aysan noqon," ayay intaas raacisay.
Ms Samia, oo ahayd madaxweyne ku xigeen, ayaa ku talineysa in diirad saaridda hirgelinta qorshooyinka horumarineed iyo muhiimad siinta baahiyaha dadka ay ahaayeen sida ugu wanaagsan ee la isaga dhicin karay kuwii dhaliilsanaa wax hoggaaminteeda.
Waxay intaas ku dartay in iyadoo ay jiraan caqabado, haddana ay dalalka kale wax ka baran karaan dowladaha Liberia iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo ay ku jiraan haween hoggaamiyeyaal ah.
Madaxweyne Samia waxay beddeshay John Magufuli oo wadno xanuun u geeriyooday.
Magufuli waxaa lagu eedeeyay ugaarsasho iyo inuu dadka qaar xoriyadda ka qaaday. In booskiisa lagu beddelo ayaa loo arkay inay tahay qof isbeddel ku keeni karta hoggaanka dalkaas.
Balse xariggii dhowaan loo geystay hoggaamiyaha mucaaradka Freeman Mbowe oo loo heystay eedeymo la xiriira argagixisannimo, ayaa dadka qaar waxay ku abuurtay inay ku fekeraan in madaxweyne Samia ay sii waddo syaasadda ninkii xilka kaga horreeyay.

Xigashada Sawirka, AFP
Si kastaba, hoggaamiyaha Tanzania ayaa difaacday tallaabadaas iyadoo sheegtay in eedeymaha Mbowe "aysan ahayn kuwo siyaasadeed" iyadoo sheegtay in baaritaan lagu waday tan iyo bishii September sanadkii hore.
"Muddo dheer ayuu dalka ka maqnaa. Ma garanayo sababta uu u baxsaday balse markii uu soo laabtay wuxuu bilaabay inuu dhibaato abuuro isagoo ku baaqaya dastuur cusub.
"Waxaan ka shakisanahay, in isagoo og eedeymaha uu wajahayo, inuu is yiri haddii lagu xiro waxaad sheegan kartaa in laguu xiray sababo la xiriira inaad dabada ka rixeysay dastuur cusub," ayay tiri
Mbowe ayaa la xiray kaddib markii uu sheegay in doorashadii ugu dambeysay ay tahay mid musuqmaasuq uu hareeyay.
Madaxweyne Samia ayaa sheegtay inay maxkamadda u dhaafeyso go'aanka ah inuu dembi leeyahay iyo in kale.
Hoggaamiyaha Tanzania ayaa sidoo kale sheegtay inay diyaar u ahayd in xilliga ku habboon ay la kulanto xubnaha mucaaradka iyo hoggaamiyeyaal kale si ay ugala xaajooto isbeddellada dastuurka" balse ma aysan sheegin xilliga ay taasi dhici doonto.
Dadka dhaliila dowladda ayaa sheegaya in dastuurka la sameeyay xilligii uu dalkaasi xornimada helay uu u xaglinayo dhanka xisbiga talada haya ee Chama Cha Mapinduzi.

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha ayaa xanuunka safmarka ah u martay waddo ka duwan tii Magufuli, kaas oo lagu yaqaannay inuu ka soo horjeeday Covid.
Samia ayaa sheegtay inuu jiray olole dadka lagu dhiiriigelinayo inay qaataan tallaalka. Madaxweynaha ayaa sheegtay inay go'aansatay inay si shaac ah u qaadato tallaalka si shakiga looga saaro dadka ka walaacsan.
"Balse hadda walaaceyga ugu weyn maaha ka cago jiididda tallaalka balse waa helitaanka tallalaka, waxaan deeq ka helnay Mareykanka waxaana tallaal ka helnay Covax, balse way dhammaan doonaanaan," ayay Ms Samia u sheegtay BBC.
Isbeddelkan siyaasadeed ayaa aad loo soo dhoweeyay, sababtoo ah ninkii xilka kaga horreeyay ayaa shaki ka muujiyay jiritaanka xanuunka wuxuuna diiday tallaabooyinka sida kala fogaanshaha bulshada iyo xirashada af-saabka. Taas beddelkeed wuxuu dadka ka codsaday inay duceystaan.

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweyne Samia ayaa sidoo dowladdeeda ka difaacday arrimaha ku saabsan inay sii waddo xoojinta shuruucda lagu xaddidayo warbaahinta.
Waxay sheegtay in weriyeyaashu "ay xor u yihiin inay shaqeystaan haddii ay raacayaan shuruucda dalka".
Waxay sidoo kale sheegtay inay dhegeysaneyso cambaareynta ay baraha bulshada ku soo bandhigaan xubnaha mucaaradka iyadoo intaas ku dartay inay la qabsatay, balse ay taasi ka caawineyso inay ogaato waxa ay dadku ku fekerayaan, oo haddii la mamnuucana aan la ogaan karin.










