Ma ogtahay in xawayaanku tirada garan karo laakiin aadamuhu xisaabta kaga duwan yahay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tirintu waa wax u sahlan dadka waaweyn lagamana yaabo inay xusuustaan goorta ama sida ay ku barteen xirfadan ay sida fudud ay wax ugu tiriyaan.
Hase yeeshee markaad ka fikirto tirinta waa hal abuur aann caadi ahayn.
Waxay u fududaysay dadkii hore inay ganacsadaan, cunada qaybasadaa iyo inay dhisaan ilbaxnimo iyaga oo aasaaska u dhigay nolosha aan maanta naqaanno. Laakiin garashada tirintu maaha wax u gaar ah aadanaha.
Nooc ka mid ah kalluunka, shinnida iyo sidoo kale waraabaha iyo eyda ayaa la ogaaday inay leeyihiin karti ay ku fahmaan tirada.
Haddaba tirintu awood soo kortay oo aan la wadaagno xayawaanka qaarkood oo sidoo kalena ah xirfad ay ina bareen waayadii hore ee noloshu.
Cilmi -baadhe xagga garashada tirada ah oo muddo baadhayey qaabka tirinta iyo garashada tirada ayaa ka waramaya.
Dadka iyo xawayaanku dhab ahaantii waxay wadaagaan xirfadda tirinta oo cajiib ah, waxaanay tiradu inoo sahashaa in aan qaadano go'aanno maangal ah oo ku saabsan sida loo helo cunto iyo hoy.
Laakiin marka hadalku meesha soo galo aadamuhu wuu ka badiyaa xawayaanka waxaana muuqata in ereyada iyo tiradu noqdeen waxa sahlay in aadamuhu cilmiga xisaabta horumariyo.
Laba qaab tiro
Markaan ka fikirno tirinta waxaan ka doonayanaa tirinta ah "kow, laba, saddex." Laakiin taasi waxay ku salaysan tahay hadal aanay awoodin aadanuhu markay dhashaan iyo xawayaanku ba.
Laakiin waxay adeegsadaan laba qaab tiro oo kala duwan.
Marka ilmaha yari gaadho toban bilood waxay bilaabaan in ay fahmaan tirada. Laakiin kartidoodaasi way xadidan tahay oo waxay garan karaan oo keliya sida tiradu isku bedesho kow ilaa saddex tusaale ahaan in marka xabbad tufaaha oo saddex ka mid ahayd laga saaro way garan karaan in laba soo hadhay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kartidan waxa dadka la wadaaga xawayaanno badan maskax aad u yar sida kalluunka iyo shinnida.
Qaabka tiro ee ugu horreeya ee u sahla dhallaanka iyo xawayaanku inay gartaan tiradu waxay u badan tahay inuu ku salaysan yahay xusuusta oo fiiro gaar ah u leh waxa u muuqda.
Markaan sii weynaano waxaan garan karnaa tiro aad u badan iyadoon markan loo baahnayn inuu qofku tixraac helo.
Ka soo qaad inaad tahay ugaadhsade ama qadhaabsade gaajaysan waxaad arkeysaa laba kaymood oo mid ay ku yaallaan midho 400 ah ta kalena 500. Waxaad doorbidaysa inaad u weecatid ta midhaha badani ku yaallaan adoon u baahan inaad tiriso.

Xigashada Sawirka, WIKIMEDIA
Marka la eego inay jirto faa'iido cad oo horumar leh oo loogu talagalay kuwa si dhakhso ah u dooran kara ilaha cuntada ugu badan, la yaab ma leh in kalluunka, shimbiraha, shinnida, hoombarada iyo maroodiga dhamaantood la ogaaday in ay leeyihiin karti ay tirada ku gartaan.
Dadka waxa ay kartidooda ay tiro saxan ku garan kartaa korodhaa marka ay sii koraan ba. Ilmaha yari marka uu dhasho aad wax uma garto laakiin marka uu qofku garaadkiisu kobco wuxuu garan karaa sida muuqaallada uu arkayaa u kala tiro badan yihiin.
Astaamaha tirada
Waxa kala sooca aadanaha iyo xawayaanku waa awoodda aan u leenahay inaan ku astaani y sanatb jarbi tirada.
Gebi ahaanba ma cadda goorta aadanuhu bilaabay inuu sidan sameeyo, in kasta oo la soo jeediyay in calaamadaha lagu sameeyay lafaha xawayaanka ee dadkii la odhan jiray Neanderthal oo 60,000 oo sano ka hor jiray ay yihiin dadkii ugu horeeyey ee astaan tiro u qaata oo ku qoray lafahaas.
Faraha ayaa ah qalab tirinta dabiiciga ah, laakiin waxay ku kooban yihiin toban.
Nidaamkii tirinta ee ay wax u tirin jireen qoomiyada Yupno ee Papua New Guinea ayaa gaadhsiiyey 33 iyaga oo tiriyey qaybo jidhka ku yaal oo kale. Laga bilaabo suulasha ka dibna dhegaha, indhaha, sanka, naasaha, xudunta iyo xiniinyaha.

Xigashada Sawirka, iStock
Laakiin markii ay korodhay baahida aadanuhu u qabo wax intaa ka badan wuxuu bilaabay inuu adeegsado qaabab astaan ah oo aad u horumasan si ay astaantiiba u noqoto mid u dhiganta tiro cayiman.
Maanta dadka intiisa badani waxay isticmaalaan qaabka tirada ee Hindu-Carabi oo ah hal abuur la yaab leh oo waxa la isticmaalaa astaamaha ah 0-9 oo keliya oo kolba laga dhigi karo tiro inta la doono
Marka carruurtu baranayaan macnaha tirooyinka lambarrad ah waxay hore u yaqaanaan ereyada tirada.
run ahaantii erayada tirada yar ayaa sida caadiga ah laga helaa boqolaalka erey ee ugu horreeya ee carruurtu bartaan iyaga oo si taxaddar leh u akhriyaya "kow -laba-saddex-afar-shan".
Waxyaabaha xiisaha leh ee jiraa waaa inay waqti yar ku qaadato carruurta yar yar si ay u fahmaan xaqiiqda ah in erayga ugu dambeeya ee taxanaha tiradu aanu qeexayn oo keliya shayga ku jira liiska tirinta laakiin sidoo kale tirada dhammaan walxaha la tiriyay.
In kasta oo taasi u sahlan tahay dadka mar ay wax tirinayaan, hadana fikrad kakan oo muhiim u ah carruurta oo ay muddo ku qaadato in ay caruurtu bartaaan
Munduruku oo ah qoomiyadihii asalka u ahaa Amazon ayaa waxay leeyihiin ereyo aad u tiro yar oo tirooyin saxan ah waxayna beddelkeeda adeegsadaan ereyo qiyaas ah si ay u muujiyaan tirooyinka kale ee badan.
Marka laga reebo erayada tirooyinka kooban ee saxda ah qaabka tirinta Munduruku had iyo jeer waa qiyaas.
Tani waxay muujinaysaa sida deegaanka iyo afku ba u saameeyaan saxnaanta dadka marka laga hadlayo tirinta iyo tirada saxda ah.
Tirinta xisaabinta
Carruur iyo dad waaweynba waxa ku adag xisaabta. Laakiin su'aashu waa qaababkan tirintu xidhiidh ma la leeyahay kartida xisaabta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah daraasadaha ku saabsan kobcinta hore ee ubadka oo leh qaab tiro qiyaas ah oo sax ah ayaa lagu ogaaday inay u badan tahay inay ku fiicnaadaan xisaabta sannadada dambe marka la barbardhigo kuwa dhiggooda ah ee aan lahayn qaabka tiro qiyaaseed ama uu ku yaryahay.
Laakiin guud ahaan, saameyntani waxay ahayd mid yar oo muran badan dhalisay.
Haddaba inta xawayaanka iyo aadanuhu ay sida joogtada ah uga soo saaraan macluumaadka tirooyinka deegaankooda, waa luuqada kama dambaysta ka caawinaysa in ay yeeshaan karti ay ku kala dooran karaan in ay sheedda ka gartaan waxa badan iyaga oo aan tirin iyo sidoo kale in ay dhisaan ilbaxnimo ku salaysan xisaabin.










