Gabadh xallisay xisaab 50 sanno lagu wareersanaa

Lisa Piccirillo

Xigashada Sawirka, University of Texas

Qoraalka sawirka, Lisa Piccirillo

Gabadh ku sugan dalka Mareykanka ayaa wax ka yar toddobaad ku xallisay xisaab la xallin waayay muddo 50 sanno.

Lisa Piccirillo waxay ku gudo jirtay waxbarashada PHD-ga ee jaamacadda Texas markii ay ka shaqeyneysay xisaabta madax xannuunka ku reebtay aqoonyahano badan.

Xisbaatan xalka loo waayay ayaa waxaa sannadkii 1970-kii curiyay aqoonyahan maaddada xisaabta oo u dhashay Ingiriiska oo la yiraahdo John Horton Conway balse ayaa markii ugu horreysay maqashay xisaabtan xilli ay kulan aqoon weeydaarsi ka qeybgaleysay sannadkii 2018-kii.

A nautical knot

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xisaabta ay xallisay Lisa Piccirillo waxaa horraantii sannadkan lagu daabacay jornaal ka faalooda arrimaha xisaabta iyo seyniska, waxay noqotay profesoor ku-xigeenka jaamacadda teknooloojiyadda ee Massachusetts.

John Horton Conway waxaa uu u geeriyooday xannuunka Covid-19

Xigashada Sawirka, Denise Applewhite/Princeton University

Qoraalka sawirka, John Horton Conway waxaa uu u geeriyooday xannuunka Covid-19

"Jahwareerka ka dhashay in la xalliyo xisaabta waxay aheyd arrin in muddo taagneyd, aqoonyahanno ku xeeldheer dhanka maaddada xisaabta kuwaas oo ku guuldareystay xallinteeda" ayuu yiri Javier Aramayona, oo ah cilmi baare ka tirsan jaamacadda Autónoma de Madrid, xubina ka ah macadka xisaabta iyo seyniska ee Spain.

Xisaabtan waxay tobonaan sanno wareerisay aqoonyahanada xisaabta
Qoraalka sawirka, Xisaabtan waxay tobonaan sanno wareerisay aqoonyahanada xisaabta

Xisaabtan waxaa loo adeegsadaa qeybo kala duwan oo ka tirsan cimiga seyniska, waxay seynisyahanadu u isticmaalayeen inay ku darsaan walaxaha qaar , sida inay kula socdaan isbaddallada dhaqaale ee suuqyada iyo muuqaalka maaddada DNA-ga.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xisaabta Conway

Ninkii curiyay xisaabtan John Horton Conway, waxaa bishii Abriil u dhintay cudurka Covid-19, wuxuu markaas ahaa 82 jir.

Ninkan kasoo jeeda Liverpool waxaa uu ahaa aqoonyahan caan ah oo si weyn loogu qaddariya maaddada xisaabta, waxaa uu bare kasoo noqday jaamacadaha caanka ah ee dunida sida Cambridge iyo Princeton.

John Horton Conway waxaa uu u geeriyooday xannuunka Covid-19

Xigashada Sawirka, Denise Applewhite/Princeton University

Qoraalka sawirka, John Horton Conway waxaa uu u geeriyooday xannuunka Covid-19

Su'aasha lais weydinaya waxay tahay, sida ay ugu suurogashay in gabdhan dhawaan kasoo qalin jebisay jaamacadda inay xal u hesho xisaabtan caanka ah ee la dhaqaajin waayay?

Piccirillo waxay sheegtay in xisaabta ay xalisay markii ay fakar iyo dadaal badan gelisay.

"Maalinkii kama aanan shaqeyn jirin xisaabta sababta oo ah uma arkeyn inay tahay xisaab dhab ah oo adag" ayay u sheegtay jariiradda Quanta.

"Waxay aheyd oo kale sida aniga oo ka shaqeynaya casharrada leyliga ah, marka waxaan tegay guriga, waan sameeyay xisaabta"

Ms Piccirillo haatan waxay ka howlgashaa macadka teknooloojiyadda ee Massachusetts

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ms Piccirillo haatan waxay ka howlgashaa macadka teknooloojiyadda ee Massachusetts

Ms Piccirillo waxay ku dhalatay degmada Maine oo ah deegaan miyi ah oo ku yaalla Mareykanka, waxay maaddada xisaabta ka baratay Kuleejka Boston.

Sannadkii 2013-kii waxay waxbarasho ka bilowday kuliyadda qaran ee seyniska.

"Markii ay bilaabeysay kuliyaddan, waxbo kalama socon cilmiga ku saabsan xujo furka xisaabtan iyo sidoo kale ma aysan laheyn tababar dhanka xisaabta marka laga reebo xisaabta Linear Algebra oo ay taqaanay" waxaa sidaas wargeyska Boston u sheegay Elisenda Grigbsy oo kamid ah macalimintii wax bareysay gabadha.

Wuxuu intaa raaciyay "Toddobaad gudihiisa, waxay ku guuleysatay xallinta xisaab ay ku guuldareysteen ardeyda ay wax isla dhiganayeen"

Guusha ay xisaabta ka gaartay Ms Piccirillo waxay dhiirigelin u horseedi kartaa in haween badan ay diiradda saaraan cilmiga xisaabta halkaas oo ay raggu ku badan yihiin.

Waaxda arrimaha shaqaaleysiinta qaabilsan ee Mareykanka ayaa sheegtay in haweenka ka shaqeeyo shaqooyinka xisaabta iyo koombiyuutarada ay bulshada dalkaas ka yihiin boqolkiiba 26.