Daawo loo helay cudurka Ebola.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad laga talaalayo cudurka Ebola

Wasiirka caafimaadka ee dalka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo waxaa uu sheegay in labo kamid ah tobanka qof ee la siiyay daawooyin tijaaba oo loogu talo galay cudurka Ebola ay ku caafimaaden.

Daawadan oo loogu magacdaray mAb114 ayaa waxaa ay kamid tahay shan daawo oo si tijaabo ahaan ah loogu ansixiyay in lagu isticmaalo gudaha dalkaasi.

Madaxad hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Ghebreyesus ayaa waxtarka daawadan ku tilmaamay rajadii ugu horeesay ee loo helo daweynta cudurka Ebola.

Seynisyahanada caalamka ayaa soo saaray daawooyin dhowr ah, waxaase aan la ogeyn waxtarka rasmiga ah ee ay u yeelan doonto dadka qaba xanuunka Ebola.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO waxaa kale oo ay sheegtay in 39 qof ay u dhinteen cudurka Ebola, tan iyo markii uu ka dilaacay dalka Congo, halka ku dhawaad 30 kalena loo maleynayo inay u dhinteen isla cudurkaasi.

Collaadaha ka taagan qeybo kamid ah dalkaasi ayaa sababay in shaqaalaha caafimmaadka ay gaari waayaan deegaanada fogfog, taasi oo uga sii dartay xaaladda.