Talaal lagu xakameynayo cudurka Ebola oo maanta ka bilaabanaya Congo

Cudurka Ebola oo ka dillaacay JD Kongo

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Cudurka Ebola oo ka dillaacay JD Kongo

Wasaarada caafimaadka ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegtay in ay bilaabayso olola talaal oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo cudurka Ebola.

Ololahani ayay saraakiisha caafimaadka ee dalkaasi sheegeen in uu bilaabanayo maanta oo Isniin ah.

Waxaa goobaha daawooyiinka talaalka loo diray ka mid ah magaalada Mbandaka, oo ah magaalo la xaqiijiyay in 4 kiis oo cudurka Ebola ah laga helay.

Waxaa laga cabsi qabaa in cudurka Ebola uu ku soo fidi karo magaalada caasimada ah ee Kinshasa.

Ilaa imika intii uu cudurka ka dilaacay dalkaasi waxaa u dhintay 25 qof.

Xukuumadda Kinshasa ayaa sheegtay in sidoo kale hay'adaha caalamiga ah ay ka qayb qaadan doonaan dadaalka talaalka.

Tani iyo 1976 waa marki lixaad uu cudurka Eboolaha uu ka dillaaco Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo.

Cudurka Ebola ayaa la aaminsan yahay inuu si xowli ah uu u faafo dadkuna ay ka qaadaan hilibka fiidmeerta ee dlkaasi Kongo si weyn looga cuno.