Moon Jae-in oo ku guuleystay doorashada Kuuriyada Koonfureed

Xigashada Sawirka, Reuters
Codbixiyayaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay Moon Jae-in inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalkaasi, sida ay sheegayaan qiyaasihii u dambeeyay.
Jae-in oo ah qareen u dooda arrimaha xuquuqda insaanka ayaa waxa uu doonayaa in uu kordhiyo xiriirka kala dhexeeya Kuuriyada Waqooyi, si ka duwan siyaasadda xukumadda hadda ka talisa dalkaasi taasoo gebi ahaanba xiriirka u jartay xukuumadda Pyongyang.
Wuxuu sidoo kale su'aal geliyay gantaalada difaaca ee uu Mareykanku ku rakibay dalkiisa.
Waxaa la sheegay inuu helay 41.1% codadkii la dhiibtay. Msuahrraxa ku soo xigay Hong Joon-Pyo ayaa helay 23.3%
Doorashadan ayaa si gaar ah isha loogu hayay, maadaama xilligan ay taagan tahay xiisadda Kuuriyada Waqooyi.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xigashada Sawirka, Reuters
- Caro ka dhalatay tijaabada nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi
- Kuuriyada waqooyi oo ku guuldareysatay tijaabo gantaal
- Maraykanka: hubka difaaca gantaallada een K/ Koonfureed ku rakibnay 'wuu shaqaynayaa'
- Kuuriyada Waqooyi: 'CIA-daa maleegtay shirqool lagu dilayo Kim Jong-un'
- Xulafada Maraykanka oo ka arrinsaday Kuuriyada Waqooyi
Bishii Maarso ayaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Ms Park waxaa xukunka looga riday ka dib markii uu baarlamaanka dalkaasi kalsoonida kala laabtay, waxaana dhawaan lagu soo oogi doonaa dacwado ku aaddan laaluush qaadasho iyo ku takri fal awoodeed, eedeymahaasi oo ay beenisay.
Doorashadii Kuuriyada Koonfureed ka dhacday 2012 ayaa waxaa si dirqi ah Moon uga guulaysatay Park.

Xigashada Sawirka, Reuters






