Kuuriyada Waqooyi: 'CIA-daa maleegtay shirqool lagu dilayo Kim Jong-un'

Xigashada Sawirka, Reuters
Kuuriyada Waqooyi ayaa Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysay in dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hogaamiyahooda Kim Jong-un.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay "Kim" bas ah ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha.
Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna "uu baaritaan samayndoono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono" dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kama aysan hadlin eedaymahaas.

Xigashada Sawirka, AFP PHOTO/KCNA VIA KN
Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu "xallin doono" arrinta Kuuriyada Waqoyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.






