Xulafada Maraykanka oo ka arrinsaday Kuuriyada Waqooyi

Kuuriyada Waqooyi

Xigashada Sawirka, AFP/KCNA

Qoraalka sawirka, Kuuriyada Waqooyi ayaa Axadii sheegta in ay ku guuleysatay tijaabinta gantaal nukliyeerka qaadi kara

Wasiiradda gaashaandhigga ee Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, ayaa wacad ku maray in ay xoojinayaan isdhaafsiga xogtooda sirdoonka, ka dib markii ay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal nooca ballistic-ga ah ee nukliyeerka qaada.

Maraykanka ayaa carrabka ku adkeeyay in a ka go'antahay sugidda ammaanka labadaasi dal ee saaxiibka la ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed.

Wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap, ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-22 iyo weliba gujis qaada hubka nukliyeerka, ay bisha dambe ka qeyb qaadan doonaan dhoolatus milateri oo ka dhacaya gobolkaasi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Axadii sheegta in ay ku guuleysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaal ballistic ah, isla markaana uu tijaabadaasi goobjoog ka ahaa madaxweyne Kim Jong-un.

Maraykanka, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga baaqay in uu kulan degdeg ah ka yeesho tijaabada gantaal ee Kuuriyada Waqooyi.

Golaha Ammaanka ayaa bishii December ansixiyay qaraar cunaqabateyn dheeraad ah lagu saarayo xukuumadda Pyongyang, kaasoo haddii uu fulo si weyn u xannibi doona dhoofinta dhuxusha iyo birta ee dalkaasi.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo xalay shir jaraa'id la qabtay Ra'iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa ku tilmaamay Kuuriyada Waqooyi "mushkilo aad u weyn".

Maraykanka ayaa marar badan ku eedeeyay Shiinaha in uu minja-xaabiyo cunaqabateynta ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.