Ciyaaryahan dhintay isagoo dheelaya

Laacibka dalka Cameroon u dhashay ee Patrick Ekeng, ayaa geeriyooday ka dib markii uu istaaga ka dhacay, xilli uu ka dheelayay horyaalka dalka Romania.
Ekeng oo 26 jir ahaa, ayaa miyir beelay todobo daqiiqo markii uu dheelay, isagoo bedel ugu soo galay kooxdiisa, Dinamo Bucharest.
Ma jirin ciyaartooy kale oo uu ku dhacay ama waxyeelo kasoo gaartay.
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa cisbitaal ula cararay, balse waa uu soo kici waayay.
Sanadihii lasoo dhaafay, tiro ciyaartooy Afrikaan ah ayaa dhintay xilli ay dheelayeen.






