Markii amiirada William iyo Harry ay dhaxgaleen shacab u soo baxay tacsi

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: William, Kate, Meghan iyo Harry oo kusugan Windsor

Amiirrada William iyo Harry waxaa ku soo biiray xaasaskooda Catherine iyo Meghan oo ku sugnaa qasriga Windsor markii ay daawanayeen ubaxyada tacsida ee boqoradda iyagoo sidoo kale waqti ku qaatay inay la hadlaan dadkii badnaa ee ku soo xoomay dibeda qasrigan ku yaalla London.

Amanda Goldsmith waxay ka mid ahayd dad badan oo u yimid Windsor si ay ubax dhigaan, halkaas oo ay kula kulantay amiirka cusub iyo amiirada Wales.

"Gacanta ayaan ku salaamay William iyo Catherine. Aad bay u qurux badan tahay oo soo jiidasho ayay leedahay. Safiican ayay ila hadlayeen.

Amanda Goldsmith iyo seygeeda Andrew Mitchell

Xigashada Sawirka, BBC News

Qoraalka sawirka, Amanda Goldsmith iyo seygeeda Andrew Mitchell

"Waxaan u sheegay inaan ka xumahay geerida ku timid waxayna igu tiri Catherine "Maanta waa ay ka duwantahay qalcaddii boqoraddu markii ay nooleyd."

Ms Goldsmith, oo ka timid West Byfleet, ee Surrey, iyada iyo ninkeeda Andrew Mitchell, ayaa sheegtay in amiirka Wales uu ka faallooday ubaxyada iyo kaararka ay carruurtu ka tageen isagoo sheegay in ay ahaayeen kuwo cajiib ah.

Duchess of Sussex ayaa waqti ku qaatay la hadalka dadkii tacsida u yimid

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Duchess of Sussex ayaa waqti ku qaatay la hadalka dadkii tacsida u yimid

Maalintii Khamiista Amiir William iyo walaalkii Amiir Harry waxay ku biireen aabahood iyo xubnaha kale ee sarsare ee qoyska boqortooyada ee Balmoral ee Scotland, iyadoo bayaan lagu sheegay in dhakhaatiirtu ay ka walaacsan yihiin xaalada caafimaad ee boqoradda ka hor intaanay maalintaas dambe la shaacin inay dhimatay.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ayaa ogaaday in qoyska boqortooyada ay soo muuqan doonaan kaddib markii bar koontorool laga sameeyay hareeraha albaabka Cambridge Gate.

Dabadeed waxa si lama filaan ah u dhacay farxad, caruurta ayay waalidiintooda garbaha saarayeen si ay u daawadaan, iyadoo qof walbana uu talefoonkiisu la soo baxay si uu sawir ula qaato amiirrada William iyo Harry iyo xaasaskooda Catherine iyo Meghan.

Amiir Williams oo la kulmay dadweynaha

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, William waxaa Amiirka Wales ka dhigay aabihiis, King Charles III

Markii ugu dambeysay ee William uu meel fagaare ah kala soo muuqdo walaalkiis waxay ahayd mar ay Windsor Castle joogeen markaas oo ahayd aaskii awoowgood Duke of Edinburgh ee dhacay bishii Abriil ee sanadkii hore.

Sacab ayaa mar kale la isku daray ka dib markii ay afartooda u soo baxeen si ay u salaamaan dadweynihii sugayay, halkaas oo ay ka heleen daraasiin ubaxyo ah.

Priti Vyas, oo ka timid Pinner, ayaa sheegtay inay "Farxad iyo qiiro labaduba dareentay" ayna ku faraxsan tahay inay u suurogashay inay la hadasho ammiirada si ay ugu tacsiyeyso.

Priti Vyas, oo ka timid Pinner, ayaa sheegtay inay "Farxad iyo qiiro labaduba dareentay"

Xigashada Sawirka, BBC News

Qoraalka sawirka, Priti Vyas, oo ka timid Pinner, ayaa sheegtay inay "Farxad iyo qiiro labaduba dareentay"

"Waxaan ka wada hadalnay boqoradda, Harry wuxuu rabay inuu ogaado inaan horay ula kulmay iyo in kale," ayay tiri Ms Vyas, iyadoo raacisay inay u sheegtay inay hal mar ka aragtay meel fog.

"Dhammaan afartooduba way ii mahadceliyeen inaan halkan ku sugayay, waxaana u hambalyeeyay Kate iyo William.

"Waxaan jeclaan lahaa in ay ayeeydood sidoo kale halkaan joogto," ayay tiri.

Sukhjit Johal oo ka timid Coventry ayaa iyaduna u timid inay ixtiraam u muujiso boqoradda wayna ku faraxsanayd inay aragto qoyska boqortooyada.

Sukhjit Johal oo ka timid Coventry ayaa iyaduna u timid inay ixtiraam u muujiso boqoradda

Xigashada Sawirka, BBC News

Qoraalka sawirka, Sukhjit Johal oo ka timid Coventry ayaa iyaduna u timid inay ixtiraam u muujiso boqoradda

"Runtii waxay u muuqdaan inay fahmeen in dalka oo dhan sidoo kale waayey boqoradda oo aysan keligood ahayn- waxay noo oggolaanayaan inaan la murugoonno iyaga," ayay tiri.

Julia, oo ka timid London, ayaa u dhawaatay si ay u aragto Amiirka Wales iyo walaalkiis.

Amiirka iyo amiiradda Wales, oo ay weheliyaan carruurtooda Prince George iyo Louis iyo Princess Charlotte waxay u guureen Windsor bishii hore, halka Duke iyo Duchess ee Sussex ay ku nool yihiin Mareykanka, iyagoo ka tagay Boqortooyada bishii Maarso ee sannadkii 2020.