Afrikaan horay loo geeyay Rwanda iyo sida ay ugu suurtagashay inay Yurub tagaan

Xigashada Sawirka, BBC / Derrick Evans
Iyadoo UK ay ku adkeysaneyso qorshaheeda ah in dadka magangalyo-doonka ah la geeyo Rwanda, BBC-da waxay heshay caddeymo muujinaya, in sanadkii 2017, qaxootigii ay Israa'iil u dirtay Rwanda ay hadda ku sugan yihiin Yurub.

Bahabelom Mengesha, waa 36 jir Eriteriyaan ah, wuu garanayaa sida ay tahay in Rwanda loo diro qof qaxooti ah oo laga soo celiyay waddan kale, laakiin muddada joogistiisa meeshaas isagoo ah magangalyo-doon ayaa ahayd mid kooban.
Wuxuu ka tagay Eritrea si uu uga badbaado dagaalkii 2007, waxa uuna u guuray Israa'iil si uu magangalyo u dalbado. Toddobo sano kaddib, ruqsaddiisii waa lagala noqday waxaana la kala dooransiiyay - in dalkiisa lagu celiyo, ama in la geeyo meel lagu hayo muhaajiriinta, ama uu qaato $3,500 dalka Ruwandhana la geeyo.
Wuxuu sheegay in ay adag tahay in uu doorto in dalkiisa dib loogu celiyo sabatoo ah wuxuu yiri 'waxaa hubaal ah inaan xabsi galayo' sidaa darteed wuxuu doortay inuu Rwanad la geeyo.
Laakiin, Bahabelom isla markiiba wuxuu ogaaday inaan lagu soo dhawaynayn waddanka Bariga Afrika ku yaal. Kaddib markii uu ka degay magaalada caasimadda ah ee Kigali, ayaa loo sheegay in uu mar kale u ambabaxayo dalka deriska la ah ee Uganda oo si bilaash ah lagu geyneyo.
Ma cadda cidda soo abaabushay in laga eryo Rwanda, balse Bahabelom wuxuu aaminsan yahay in mas'uuliyiinta Rwanda ay ku lug lahaayeen.
Rwanda oo ah meel nabdoon oo la geeyo qaxootiga ayaa la iswaydiiyay, xaaladdeeda kaddib markii uu Ingiriiska la saxiixday dalkaas heshiis lagu geynayo dadka magangalyo-doonka ah ee kasoo gudba biyaha ku yaalla xadka ay Farnsiiska la wadaagaan. Waddamada Reer Galbeedka ayaa soo saaray digniino ku saabsan xaaladda xuquuqul-insaanka ee dadkaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira kala duwanaansho muhiim ah oo u dhexeeya heshiiska UK ee Rwanda iyo kan Israa'iil.
Qorshaha "ka bixista ikhtiyaariga ah" ee Israa'iil ayaa ahaa mid kala doorasho ah, halka qorshaha UK uu yahay mid khasab ah.
Ilaa 4,000 oo magangalyo-doon ah oo Eriteriyaan iyo Suudaaniyiin ah oo ku sugnaa Israa'iil ayaa la geeyay Rwanda iyo Uganda intii u dhaxaysay 2013 iyo 2018.
Bahabelom waxaa la geeyay Kigali bishii Sebtembar ee sanadkii 2014.
"In Ruwaandha naloo soo diro nagama joojin inaan Yurub gaarno," ayuu yiri, isagoo ka warramaya sidii ay uga soo ambabaxeen Rwanda ilaa Uganda.
BBC-da ayaa la hadashay tiro magangalyo-doon ah oo horay looga soo tarxiilay Israa'iil lana geeyay Rwanda.
Dad badan ayaa ka hadlay in nin lagu magacaabo Joon uu kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Kigali. Markhaatiyaasha ayaa yimid sanado kala duwan balse lama xaqiijin in Joon uu yahay isla ninkaas.
Kadib waxaa loo sheegay in ay bixiyaan lacag dhan $500 si koox koox loogu kaxeeyo oo loo geeyo xadka Uganda. Gawaari ayaa u diyaarsanaa oo dhinaca kale ku sugayay.
Bahabelom waxa uu sheegay in aanu dareemayn in uu jiro dookh uu ku sii joogo Rwanda.
Magangelyo-doon kale oo Eritrean ah, oo lagu magacaabo Mebrahtom Tesfamichael, ayaa sheegay in uu "John" ku naqdiyay arrinta uu wado.

Xigashada Sawirka, BBC / Derrick Evans
"Waxaan la yeeshay wadahadal gaar ah," ayuu yiri Mebrahtom, oo sidoo kale yimid Kigali 2014, kaddib markii uu sagaal bil ku qaatay xabsiga Holot ee Israel. "Waa inaad halkan ka baxdaa," ayuu igu yiri, waxaan ugu jawaabay, "Maxaynu u baxaynaa, markii aanu ka soo tageynay Israa'iil, waxay noo sheegeen inaan Rwanda ka helayno aqoonsi qaxootinnimo, halkaasna aanu ku noolaan doono."
Wuxuu yiri oo kaliya, "laga yaabaa in laguu oggolaado inaad joogto saddex maalmood oo keliya, markaas kaddibna waa inaad ka baxdaa."
Tesfay Gush, oo isna Eriteriyaan ah oo Rwanda yimid Febraayo 2015, wuxuu rumeysan yahay in saraakiisha Rwanda iyo kuwa wax tahriibiya ay si isku mid ah u shaqeynayeen.
Bahabelom aakhirkii waxa uu doon yar ku yimid Giriigga, kaddibna wuxuu galay safar dhulka ah ilaa uu ka gaaro Switzerland. Hadda wuxuu joogaa magaalada Zurich. Wuxuu ku dhow yahay inuu galo imtixaankiisii ugu dambeeyay si uu u helo aqoonsi. Wuxuu dareemayaa inuu ka nasiib badan yahay marka loo barbardhigo kuwa kale ee laga soo tarxiilay Israa'iil ee la geeyay Rwanda, kuwaas oo iyaguna ku biiray muhaajiriintii Yurub u tahriibtay.
"Waxaan ogahay ugu yaraan 10 qof ama in ka badan oo naftooda ku waayay Liibiya, oo ay kooxda Dowladda Islaamka ay madaxa ka jartay, amaba ku qaraqmay badda."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Khubarrada ayaa ka digaya in dadka loo tarxiilo waddamada kale ay sidoo kale ka dhigi karto kuwo aad ugu nugul in loo isticmaalo barnaamijka ka ganacsiga dadka.
"Khatarta ka dhalan karta in dadka magangalyo-doonka ah la geeyo dalal aysan garanayn oo laga yaabo in aanay wax xiriir ah la lahayn ay dhibaato xooggan ka dhalan karto," sidaas waxaa BBC-da u sheegay Steve Symonds, oo la shaqeeya hay'adda xuquul Insaanka ee Amnesty International.
Qorshaha magangelyada Ruwaandha ee dowladda Ingiriiska waa tijaabo shan sano ah, taas oo looga golleeyahay in lagu diro qaar ka tirsan qaxootiga si ay ugu suurtagasho qorshahooda dib u dejinta muddada dheer.
Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in heshiiska ay la gashay Ingiriiska uu ahaa "mid aan gabi ahaanba la barbar dhigi karin" qorshihii Israa'iil.












