Maxaad ka taqaannaa dalka ay dadkiisa maqaayadaha u tagaan inay caano soo cabaan?

Xigashada Sawirka, Dan Nsengiyumva
Maqaayadaha caanaha lagu iibiyo ee caanka ka ah Rwanda ayaa muujinaya sida ay lo'da iyo caanaheeda ay muhiim ugu yihiin dhaqanka dalkaas iyo dadkiisaba.
Weriyaha qortay sheekada sidan ayay ku billowday
Waxay ahayd afar saac barqonimo, caasimadda Rwanda ee Kigali, maqaayaddan ku taalla degmada Nyarujinje, bartamaha caasimadda, waxaa ka buuxa dad, iyo tiro mootooyin ah oo bannaanka saf ugu jira.
Milkiilaha maqaayadda, Yusef Ghatikabisi, ayaa dhoolla caddeyn igu salaamay, isaga oo afka Kinyarwanda, oo ah luqadda looga hadlo gudaha Rwanda, ku dhahaya, "Mwaramutsi!" - Subax wanaagsan.
Afarta miis ayaa dhex taalla maqaayadda, wadayaasha mootootiinka ee dhalinyarada ah na waxay ag fadhiya dhalinyaro iyo waaliddiin carruur wadata.
Qaar ayaa cunaya digir iyo sabaayad, halka kuwo kalena ay doolshe cunayaan. Balse waxaa yaab leh, qof walba wuxuu cabayaa caano, maaha khamri.
Halkan maqaayadda "Kuruhimbi", sida boqollaalka kale ee maqaayadaha la midka ah ee ku yaalla Rwanda, keliya hal cabitaan ayaa laga cabaa - waana caano.
Maqaayadaha caanaha lagu iibiyo, oo caan ka ah Rwanda, waxay hal meel isugu keenaan qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waa goob ay ku kulmaan dadka si ay u cunaan quraac ama qado uga dhigtaan, ayna u wada sheekeystaan dadka iyaga ka duwan, iyo si ay u cabaan koob "ikifogoto" oo ah caano ciir ah, oo qabow oo kor looga daray xunbo, laguna daray malab amaba koob "enchiochio" (caano dhay ah) oo la karkariyay isla markaana kulul).
Inkastoo ay maqaayadahan u muuqdaan goobo lagu iibiyo caano rakhiis ah, haddana waxay ka turjumaan xaqiiqda wax yar uun laga garanayo ee ah sida ay lo'da iyo caanaha muhiim ugu yihiin dhaqanka Rwanda.
Boqolkiiba 70 bulshada Rwanda waxay ka shaqeeyaan beeraha, lo'da na dhaqaalaha dalkaasi ayay qeyb weyn ka tahay. Sidoo kalena, waxay meelaha miyiga ah calaamad ugu tahay hanti iyo darajo gudaha bulshada ah.
Marka aad dooneyso in aad qof u dhashay Rwanda u rajeyso wax wanaag; waxaad leedahay "Jirainka" (fadlan yeelo lo') ama "Amashio" (fadlan lahow kumannaan lo' a); qofkuna wuxuu ku jawaabayaa "Amachungur" (adigana lahow kumannaan lo' ah).
Marka aad dooneyso in aad mahad celin ballaaran sameysana, waxaad leedahay: "Ngohayinka" (waxaan ku siinayaa lo').
Ciyaar-dhaqameedyo badan oo Rwanda laga adeegsado, waxaa laga soo minguuriyay lo'da. Ciyaarta "Omushayu", waxay caan ka tahay Rwanda, haweenka ayaana u ciyaara sida dhaqdhaqaaqyada tartiibka ah ee lo'da, iyagoo muujinaya quruxdeeda.
Cayaaraha kale, sida "Eikinimra" iyo "Ijisakamba", ragga iyo haweenka ayaa gacmahooda kor u taaga iyaga oo ku matalaya geesaha lo'da.
Xaqiiqdii, sida ay lo'du muhiim ugu tahay dadka Rwanda waxaa ka turjumaya, sida magacyada carruurta loogu dheeho lo'da. Waxaa magacyada ka mid ah Monganinka (qaali u ah sida lo'da), Kanyana (lo' yar), iyo Giramata (caano), waana kuwo caan ka ah Rwanda.
Gudaha maqaayadaha caanaha lagu iibiyo, suuqyada amaba meel walba oo Rwanda ah, marka ay dadka donayaan inay ammaanaan haweeney amaba ay ka xishoodsiiyaan, waxay ku yiraahdaan: "Indhahaagu waa sida indhaha weesha."

Xigashada Sawirka, DAN NSENGIYUMVA
Sida uu qabo Maurice Mugabwagaundi, oo ah baare dhanka taariikhda iyo dhaqanka, kana tirsan Machadka Dhaqanka Rwanda, wuxuu sheegay in dadka reer Rwanda ay weligoodba lo'da u adeegsan jireen dabaaldegyada qoysaska ee muhiimka ah.
Dhaqan ahaan, lo'da waxaa loo adeegsadaa sooryada la siiyo qoyska gabadha. Haddii mid ka mid ah lo'daas ay dhasho, weesha waxaa hadiyad ahaan loo siiyaa lamaanaha, si looga caawiyo in qoyskooda uusan dumin.
Inkastoo dhaqankan hadda uu ku soo koobmay qeybo ka mid ah dalkaas, haddana, aroos dhaqameed walba oo Rwanda ka dhacaya, qoyska caruuska waxay yiraahdaan "Waxaan idiin siineynaa kumannaan lo' ah," ama "Waxaa idiin siineynaa lo' iyo weesheeda," xitaa haddii aysan u jeedin in ay sameeyaan.
Mugabwagaundi ayaa sheegay in lo'da sida lacag ahaan looga adeegsan jiray dhulka hadda loo yaqaanno Rwanda, qarnigii 15-aad ilaa sannadkii 1954, markaas oo Boqor Mutara-hii Saddexaad ee Rudhigwa uu arrintan soo afjaray.
Wuxuu sheegay in iibinta caanaha ee dalkas ay mar ahaan jirtay arrin ceeb ah, sababtoo ah waxaa loo arkayay in caanaha ay ka qiimo badan yihiin wax la iibiyo ama la soo gato.
Horraantii qarnigii 20-aad unbay ahayd markii ay shacabka Rwanda bilaabeen in ay iibiyaan caanaha lo'da, xilligaas oo Boqortooyadii Jarmalka ay gumeysan jirtay.
Dadka Rwanda waxay ku qasbanaadeen in ay meelo fog fog ka soo shaqeeyaan. Ganacsatada dalalka qaarkood ayaa bilaabay in ay caanaha ka iibiyaan shaqaalihii Rwanda.
Xilligaas ka dib ayay dadka Rwanda xaqiiqsadeen in aysan ceeb ahayn soo iibsashada iyo iska iibinta caanaha lo'da.

Xigashada Sawirka, RENATO GRANIERI / ALAMY
Magaaleynta laga sameeyay gudaha Kigali, kaddib xasuuqii dalkaas ka dhacay, dadka ma aysan helin dhulal waaweyn oo ay lo' ku dhaqdaan, waxaana soo baxay maqaayado dadka ka iibiya caanaha.
Maanta, dowladda ayaa dadka Rwanda ku dhiirrigelineysa in ay xoolo ku dhaqdaan miyiga amaba dhulka ka fog meelaha la deggan yahay.













