Muhaajiriinta UK: Lix arrin oo ku saabsan Soomaalida iyo dadka kale ee ay UK u daabuleyso Rwanda

The skyline of the Rwandan capital Kigali

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qaar ka mid ah dadka magan-galyo doonka ee ka soo gudba badda u dhexeysa Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa loo diri doonaa Rwanda, sida uu yahay qorshaha dowladda Britain.

Waxa ay sheegtay in qorshahan uu dadka kale ka niyad jebin doono inay ka gudbaan kanaalka Ingiriiska.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira welwel ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo in Rwanda ay ku haboontahay in dadkaasi magangalyo-doonka ah.

Waa maxay qorshaha magangalyada ee Rwanda?

Tijaabada shanta sano ah ayaa looga gol leeyahay in qaar ka mid ah qaxootiga yimaada UK loo diro Rwanda, si ay magangelyo uga dalbadaan halkaas.

Kuwa ugu horreeya waxaa Rwanda la geyn doonaa maanta oo Talaado ah ee ay taariikhda ku beegatahay 14 Juun.

Waxaa loo haystaa in loogu talagalay inta badan tahriibayaasha dhalinyarada ah ee ku yimaada waxa ay dowladda UK ugu yeertay "hababka sharci darrada ah, ee khatarta badan ee aan loo baahnayn."

Xaggee dadka magangelyo-doonka UK ka yimaadaan?

Inta badan dadka magangalyo-doonka waxay ka soo gudbaan kanaalka u dhaxeeya UK iyo faransiiska, waddamada haatan ay dadka ka yimaadaan waxaa ka mid ah Iran. Sannadkii 2018-kii waxaa Iran ka yimid dad magangeliyo doon ah oo lagu qiyaasay 80% 2018, halka sannadkii 2019 lagu qiyaasay 66%.

Laakiin hadda waxaa jira qowmiyado badan oo isku dhafan. Iiraaniyiintu 30% ayay ka ahaayeen doomaha yaryar ee yimid sannadkii hore. Qiyaastii 21% waxay ka yimaadeen Ciraaq, 11% Eriteriyaan ah iyo 9% oo Suuriyaan ah. Waxaa sidoo kale dadka ka tallaaba kanaalka ka mid ah Soomaali aan qiysaatooda lahaynin. Qiyaastii 75% waxay ahaayeen rag da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 39 jir.

Sannadkii 2021-kiina, 28,526 qof ayaa la og yahay inay ku gudbeen doonyo yar-yar oo ka tallaabeen kanaalka Ingiriiska - halka sannadka 2020-kiina ay ahaayeen 8,404. Wadarta guud ee sannadkan ayaa la filayaa inuu aad uga sarreeyn doonto labadii sannadood ee la dhaafay.

Immisa qof ayaa la geynayaa Rwanda?

"Qof kasta oo si sharci darro ah ku soo galay UK" ilaa 1-dii Janaayo waxaa la geyn karaa Rwanda, iyadoo aan la xaddidin tirada, sida uu sheegay Ra'iisul Wasaaraha UK Boris Johnson.

Laakiin ilo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa BBC u sheegay in 37-kii qof ee horay loo qorsheeyay aysan u duuli doonin Rwanada Talaaladada berri ah sababo la xiriira caqabada ka yimid dhanka sharciga ah iyo xuquuqul insaanka sidaa darteed marka loo eego hay'adda samafalka ee Care4Calais, 11 qof ayaa hadda u duuli kara Rwanda.

Muranka maxkmadda la horgeeyay?

Hay'adaha samafalka ayaa nidaamkan maxkamadda horgeeyay, iyagoo sheegay in magangalyo-doonka aan la siinin waqti ku filan oo ay racfaan uga qaataan.

Kooxo kale ayaa su'aal ka keenay in Rwanda meel ay badqab la isku halleyn karo ka heli karaan magangalyo-doonka iyo in qorshahaasi uu jabinayo sharciyada xuquuqda aadanaha.

Maxkamada racfaanka ee Britain ayaa diiday dalab lagu joojinayay duulimaadka Talaadada maanta ah ee ku wajahan Rwanda.

Hay'adda samafalka ee Asylum Aid ayaa codsatay in la soo saaro amar ka dhan ah duulimaadkaaasi.

Qareen ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa u sheegay maxkamadda sare ee London in qaxootiga ay halis ugu jiraan "dhibaato halis ah oo aan laga soo kaban karin" haddii loo diro Rwanda.

Migrants arrive in Dover

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laakiin Mr Johnson wuxuu sheegay in dowladdu ay ogaatay in "qareennada aadka u firfircoon" ay isku dayi doonaan inay ka hor yimaadaan siyaasaddaasi.

Waxa uu sheegay in dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha "ay rabaan in ay helaan hab gabi ahaanba albaabada u fura dadka tahriibaya" Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in "la joojiyo kooxaha dambiilayaasha ah" ee dadka ka tahriibiya Kanaalka iyagoo raacaya doomo halis ah.

Immisa ayuu ku kacayaa qorshaha ay UK ku bixineyso barnaamijkan?

UK ayaa £120m ku maalgelinaysa "horumarinta dhaqaalaha iyo kobaca Rwanda" taasoo qayb ka ah heshiiska.

Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in nidaamka magangalyada UK uu hada ku kaco £1.5bn sanadkii, iyadoo in ka badan £4.7m lagu qarash gareeyo hoteelada si ugu hoydaan muhaajiriinta.

Qiimaha dadka lagaga soo saarayo UK ee diyaarada kirada ah ayaa ka badan £13,000.

Sidee ayay Rwanda u martigelisaa qaxootiga?

Ruwaandha ayaa qorsheyneyso hoteello ku dhow caasimadda Kigali, si ay u dejiyaan muhaajiriinta ka imaanaya UK. Weriyeyaasha booqday waxay sheegayaan inay yihiin kuwa iska caadi ah.

Dalkan ayaa waxaa horay ugu sugnaa ilaa 150,000 oo qaxooti ah, kuwaas oo intooda badan ka yimid dalalka deriska la ah ee Burundi iyo DR Congo.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka sameeyay deegaanka Gashora oo 90 km u jirta caasimadda Kigali "xarun ku meelgaar ah" ah oo lagu qaabilo 300 oo qaxoonti ah oo ka yimid bariga dhexe iyo meelo kale oo Afrika ah.

Waa sidee nolosha Ruwaanda?

Qaar ka mid ah qaxootiga Rwanda ayaa ku guuleystay inay helaan shaqo dhanka beeraha iyo shaqooyinka guryaha. Si kastaba ha ahaatee, badankoodu waa shaqo la'aan waxayna ku tiirsan yihiin deeqaha waddanka oo ah ilaa £35 bishii.

Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in waddanku uu sameeyay kobac dhaqaale oo aad u sarreeya tan iyo sannadkii 1994-tii, xilligaas oo uu xasuuq ka dhacay dalka lagu dilay 800,000 oo qof.

Tirada dadka ku nool meel ka hooseysa heerka faqriga ee qaranka ayaa hoos uga dhacay 77% sanadkii 2001 halka sanadka 2017-kii ay ahayd ilaa 55%.

Si kastaba ha ahaatee, Rwanda ayaa weli ah mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka, iyada oo ku jirta kaalinta 165-aad.