Muqdisho: Muxuu yahay guriga 'mutadawacnimada' loogu dhisayo Farmaajo?

Farmaajo

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa hadda ku nool guri ku yaalla Muqdisho.

Baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto waxaa si weyn looga hadal hayaa guri taageerayaasha madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ay sheegeen inay si mutadawacnimo ah uga dhisi doonaan meel kamid ah dalka.

Guriga oo ururinta dhaqaalaha ku baxaya dhismihiisa uu hadda socdo, ayaa sababta loo dhisayo lagu sheegay mid loogu mahadcelinayo Farmaajo, maadaama uu "diiday ku takri falka hantida qaranka, lana dagaallamay musuqmaasuqa".

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxmed Xaashi, oo kamid ah dadka hormuudka u ah ololahan ayaa sheegay in fekerka uu ka dhashay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu aqbalay Madaxweynaha hore.

Qiyaasta kharashka ku bixi doona guriga oo la rumaysan yahay in laga dhishi doono Muqdisho ayuu sheegay Cabdirashiid in aan weli la jaangeyn, balse ay sheegi doonaan marka uu dhammaado ololaha dhaqaalo ururinta. Waxa uu intaa raaciyay in aanay jirin xaddi go'an oo ay doonayaan inay ku soo xiraan lacag ururinta.

Cabdirashiid Duqa

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka, Afhayeenkii hore ee Villa Somalia, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Dhanka kale, qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan aan loo baahnayn in "lagu mashquulo guri dhis" xilli dalka ay ka jirto abaar xooggan oo saamaysay dad iyo duunyo ba.

Waxaa dadkaas kamid ah gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Thaabit Cabdi, oo ay soo wada shaqeeyeen Madaxweyne Farmaajo. Waxa uu bartiisa Facebook ku qoray.

"Qoysas baa quraac quudan, qado iyo casho warkoodaba daa. Guri sharafeed mise Gaajo, Alleylehe gaajo baa gurmadka mudan! Haloo gurmado hooyada harraadsan, sabiga iyo waayeelka gaajada u la'anaya, taa baa darajo sare leh diiniyan iyo damiir ahaanba".

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo ka jawaabaya arrinkaas ayaa sheegay in abaartu jirtay xilligii uu talada hayay Madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu qeyb weyn ka qaatay dedaallada wax looga qabanayo.

"Ma jiro wax diidaya in dadka abaartu hayso aan u gurmano, isla markaana aan dhanka kale hirgelino rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ay ugu mahadcelinayaan Madaxweyne u ilaaliyay amaanada qaranka oo la dagaallamay musuqmaasuqa," ayuu yiri afhayeenkii hore ee Villa Soomaaliya.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo 23-kii May ka guuray madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa hadda ku nool guri ku yaalla meel u dhaw garoonka diyaaraha ee Muqdisho.

Taageerayaashiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in maamuus gaar ah loo sameeyo Madaxweynaha hore, isla markaana uu noqdo hogaamiyihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ay shacabkiisa guri u dhisaan.

Guddiga qaban qaabinaya ololaha guriga loogu dhisayo Farmaajo oo uu guddoomiye u yahay agaasimihii hore ee Madaxtooyada, Maxamed Cabdullahi Ciise, ayaa beeniyay eedeyn kale oo ah in qorshahan uu yahay mid lagu xalaaleyn rabo lacag horay musuqmaasuq ahaan dalka looga qaatay.

"Madaxweyne Farmaajo waxa uu dhiraandhiriyay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo meesha ka saaray in mas'uul dowladeed uu ku kaco musuqmaasuq, marka waa been abuur eedeynta ah in qorshahaas uu jiro," ayuu yiri Cabdirashiid Maxmed Xaashi.