'Xanuunka i haya waxaa iiga daran welwelka iyo cabsida ku lammaan'

Gennet Elyaas

Cudurka kaansarka oo dumarka ilma galeenka kaga dhaca ayaa ah mid wakhtiyadan dambe dunida ku soo badanaya gaar ahaan qaar ka mid ah waddamada soo koraya.

Cudurka kaansarka oo ilma galeenka ama minka dumarka ku dhaca ayaan lahayn da' gaar ah oo uu haleelo balse waxay dhakhaatirtu sheegayaan da' kasta inuu ku dhici karo.

Iyada oo ay khubarada caafimaadkana sheegeen cudurkan dhibaatooyinka caafimaad haweenka ku haya iney waxyaabo badan sababaan.

Inta badana bukaannada cudurka uu ku dhaco waxay xaruumaha caafimaadka soo gaaraan marka uu cudurka soo rito xilligaasi oo dhakhaatiirta cilmiga u leh ay sheegeen wax ka qabashadiisu iney adag tahay.

Inta badanna kaansarka minka dumarka ku dhaca waxaa sababa feysarka afka qalaaad loo yaqaanno 'Human Papilloma'.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxay haweenka kula talineysaa tallaalka kaansarkaasi looga hortago iney dumarku qaataan inta ay da'doodu gaarin 15 jir.

Xog Kooban:

  • Kaansarka dumarka ilma-galeenka kaga dhaca waa cudurka labaad ee dhimashada ugu badan ee haweenka sababa.
  • Bukaannada intooda badan waxay xaruumaha caafimaadka yimaaddaan marka uu cudurka soo rito.
  • Feyrsaka 'Human Paploma' ayaa cudurkaasi intiisa badan keena.
  • Feyrsaka xilliga ay lammaanaha iisu galmoonayaanna wey iisu gudbiyaan.
  • Haweney kasta oo loo galmooday waxaa suuragal ah inuu cudirka ku dhaca.
  • Tallaalka Feyraskaasi oo la qaato cudurka waa looga hortagi karaaa.
  • WHO waxay ku talineysaa dumarku inta ay 15 jirsan iney tallaalka cudurkaasi looga hortago qaataan.

Sheekada haweeney uu cudurka ku dhacay

Waa hooya seddex carruur ah dhashay oo ku nool magaalada Hawaasa ee dalka Itoobiya. Haweeneydan oo ninki qabay ay kala tageen ayaa carruurteeda kaligeed korsaneysay.

Noolasha waxay la kufaa kacdaba 2013-kii waxay dareentay xaalad caafimaad darro oo la soo deristay oo ay garaneyn cudurka hayo waxa uu yahay.

Astmaaha ugu horreeyey ee ay dareentayna waxaa ka mid ahaa dheecaan minkeeda ka socda iyo caadadi oo ka istaagtay iyada oo aan gaarin da'di ay caadada kaga tagi lahayd.

Kaddibna waxay la xiriirtay dhakhtarki u dhawaa waxaana loo sheegay iney u baahan tahay baaritaan weyn maadaamaa ay uga shakisan yihiin cudurka kansarka oo dumarka ilam-galeenka kaga dhaca waxaana loo gudbiyey Isbitaalka dalka Itoobiya ugu weyn ee Duqur-Anbessa oo ku yaalla magaalada Addis Ababa.

"Baaaritaanki ugu horreeyey oo 2015-kii la igu sameeyey waxaa la ii sheegay inaan caafimaad qabo oo cudurku i haynin, balse aan baaritaan labaad u soo noqdo shan sano kaddib, dawooyinna waa la i siiyey" ayey tiri Gennet.

Xilliga Gennet loo ballamiyey iney baaritaan u soo noqoto, nasiib wanaag magalada Hawaasa oo ay ku nooleyd waxaa yimid koox dhakhaatiir ah oo cudurka ku takhasusay baaritaan ayeyna ku sameeyeen.

.

Dhakhaatiirti marki ay baaritaan dheer ku sameeyeen kaddib markale waxay u direen isbitaalka Diqur-Anbesa qaybta cudurka kaansarka.

'Inaan dhimanayo ayaan u haystay oo waan rajo dhigay'

Baaritaanka labaad ee la igu sameeyey wuxuu la yimid war aan ku farxin, waxaana la ii sheegay kansarka minka inuu igu dhacay weliba uu meel xun marayo.

"Cabsi, Murug iyo Welwel badan ayaa ila soo darsay waxa aan u walwalaya ee ugu badnaana wuxuu ahaa carruurta aan aniga Aabbo iyo Hooyaba u ahay."

"Carruurteydana waxay billaabeen iney ka walwalaan xaaladdeyda caafimaad, aniguna geeri ayaan iisu diyaariyey oo waan rajo dhigay," ayey tiri.

Daweynta iyo la tacaalidda cudurka kaansarka wuxuuu baahan yahay kharash aad u badan, Gennet oo ahayd hooya sabool ahna kharashkaasi ma awoodin.

Ugu dambeyn waxay la xiriirtay xaruun dadka danyarta uu cudurka kaansarka haleelo daweyn bilaash ah ay ka helaan, halkaa ayeyn daweyn joogta ah ka heshay.

Gennet Elyaas oo la daweynayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

2017-2018 magaalaa Addis Ababa ayey adeeg caafimaad u joogtay, 2020 marki ay ku laabatay magaaladi ay adegganeyd ee Hawaasa caafimaadkeeda sidi hore wuu ka soo raayey oo waxaa soo gashay rajo noolaleed.

'Dawooyin aad u badan ayaan qaatay, waxaana la ii sheegay kaansarka i hayo inuu gaaray heerka seddexaad, arrintaasina waxay cabsi iyo welwel ku abuurtay walaaladey iyo ubadkayga,' ayey tiri Gennet Elyaas.

'Hadda xaaladdedyda caafimaad ma xumo rajadeyduna wey wanaagsan tahay, waxa mustaqbalka dhacayana ilaahey ayaa garanaya,' ayey tiri.

Sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka: 'Dalka Itoobiya sanadki cudurka ku dhaca Ilmo-galeenka dumarka waxaa u dhinta ugu yaraan 5,000 oo haween ah.'