Nicholas Rossi: Nin dambiya ka galay Mareykanka oo loo haystay inuu dhintay oo si lama filaan ah loo helay

Qoraalka Muuqaalka, Ninkan ayaa inkiray inuu yahay Nicholas Rossi

Sheekadan waa mid qabsatay warbaahinta caalamka, waxaana ninkan lagu xiray isbitaalka Galasgow qaybta la dhigo bukaannada uu soo ritay cudurka safmarka ee Covid-19.

Mareykankana wuxuu ninkan ku eedeeyey inuu yahay nin geeridiisa ka been sheegay si uu caddaaladda uga dhuunto.

Waxayna sheegeen Nicholas Rossi in looga shakisan yahay fal dambiyeedyo galmo la xiriira waxaana gobolka Utah ee dalka Mareykanka looga soo oogay dacwad kufsi la xiriirta.

Balse ninkan ayaa dhankiisa ku doodaya in lagu khaldamay isla-markaana uusan ahayn ninka uu Mareykanka uu doonayo isaga oo dalbaday iney caddeyn la yimaaddaan.

Mar ay BBC-du kula kulantay Glasgow, wuxuu isticmaalayey kursiga ay dadka naafada ah isticmaalaan, codkiisana aad ayuu u gaabnaa maadaamaa sanka uu ugu xirnaa Oxygen-ta bukaannada neefsiga ka caawiya.

Wuxuuna sheegay inuu ahayn Nicholas Rossi oo ah ninka Mareykanka uu raadinayo ee lagu soo oogay dacwad kufsi.

Dhabcan, wuxuu ninkan ku doodayaa inuu weligii uu Mareykanka tagin.

"Anigu magaceyga waa Arthur Knight tanina waa xaaskeyga Miranda Knight," ayuu igu yiri.

Waxaa kale uu ku doodayaa laba sano ka hor ay isku guursadeen Bristol ayna haystaan caddeynta guurkooda.

Hase yeeshee, ninkaasi nama tusin wax caddeyn ah oo muujinaya halka uu ku dhashay. Wuxuuna ku andacoonayaa in lagu soo korsaday Ireland ka hor inta uusan yaraantiisi u soo guurin magaalada London.

Nicholas Alahverdian

Xigashada Sawirka, YouTube/WPRI

Bishii December ee 2019-ki Rossi oo gurigiisa ku sugan wuxuu warbaahinta u sheegay inuu ku dhacay cudur uu ka kaceyn noolashana ay toddobaadyo uga harsan tahay. Wargeysyo dhowr ah oo ka soo baxa jasiiradda Rhode waxay qoreen Rossi inuu dhintay bishii February 2020-kii.

Haddaba ninkan oo cudurka Covid-19 uu haleelay oo la dhigay isbitaalka Glasgow ayaa la xiray 13-kii December 2021-ka iyada oo la raacayo nidaamka soo qabashada caalamiga oo ka soo baxay dacwad oogayaasha gobolka Utah.

Kiiska ninkaasi markii ay maxkamadda dhageysatay kaddib waxaa lagu sii daayey dammaanad.

Bishii hore maxkamaddu marki ay dhageysaneysay kiiska ninkan, dacwad ooge Jennefer Johnston waxay sheegtay booliska iyo shaqaalaha isbitaalkaba iney xaqiijiyeen ninkan inuu yahay Rossi iyaga oo caddeyn ahaan u soo dhigay shaabbad (Taatoo) jirkiisa ku taalla.

"Taasi run ma aha," ninkan wuxuu ku doodayaa inuu yahay Arthur Knight sida uu BBC-da u sheegay, balse markii laweydiiyey inuu tuso garabkiisa bidix shaabadda (Taatooga) ku yaalla, wuu diiday."

"Xaqiiqatan, anigu waan daalay", ayuu yiri.

Dacwad oogayaasha Mareykankana waxay sheegeen iney hubaan shaqsiga ay booliska Scotland ay qabteen inuu yahay Nocholas Rossi.

Isbitaalka Jaamacadda Boqorad Elizabeth oo ku yaalla Glasgow

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Booliska ayaa bishii December ee kalhore gacanta ku dhigay nin ku jiray qaybta la dhigo dad ay xaaladdooda liidato ee isbitaalka Jaamacadda Boqorad Elizabeth oo ku yaalla Glasgow

Dacwad oogaha gobolka Utah ee dalka Mareykanka David Leavitt bishii January wuxuu sheegay iney maxkamadda yaallaan dacwado kufsi la xiriira oo ka dhan ah Mr Rossi, fal dambiyeedka looga shakisan yahay oo dhacay 2008-dii.

"Markii aanu go'aansanay ninka aan raadineyno inuu ku jiro isbitaal Scotland ku yaalla markaas waxaan guda galnay inaan xaqiijinno inta aan awoodno sida sawirrada iyo Hiddo Sidaha (DNA) aan ka hayno ninka aan ku raad joogno."

"Haddiise uu ninkaasi diido inuu hortago maxkamadda Utah wuxuu marayaa marxalad kale isaga oo maxakamadda Scotish ku qancinaya inuu yahay shaqsi aan wax xiriir ah la laheen ninka Mareykanka u raadinayo taasina bilooyin ayey qaadaneysaa."

Markii aanu go'aansanay in uu ku jiro cisbitaal Scotland ah markaas waxa aanu awoodnay in aanu ku xaqiijino sawir iyo DNA in aanu hayno ninkayagii.
Qoraalka sawirka, Wuxuu sheegay inuu keligii istaagi karin ilaa uu qof caawiyo

Nicholas Rossi adeerkii ayaan tusnay wareysigi aan ninkaasi ka qaadnay, wuxuuna diyaarinayey xus uu wiilka uu adeerka u yahay u sameynayo marki loo sheegay inuu cudurka Kaansarka u geeriyooday.

"La yaab ayey igu noqotay markii la igu wargeliyey wiilka aan adeerka u ahay inuu weli nool yahay. Haddii ninkaasi uu yahay qofka la raadinayo," ayuu yiri Michael Alahverdian.

"Wax jawaab ah ma hayo, waxaanna rajeynayaa iney sidaa wax u dhacaan."

Telefishiinka dalka Mareykanka laga leeyahay ee NBC1, wuxuu baahiyey Rossi inuu ahaa wiil la soo korsaday taasina ay caddeyn u tahay iney shaki ku jirin inuu Rossi uu isagu yahay.

Wareysiga Telefishiinka lagu baahiyey markii uu daawaday kaddib David Rossi wuxuu yiri Arthur Knight "Waa wiilkeyga".

Alahverdian waxa uu sheegay in Alahverdian uu soo korsaday isaga oo carruur ah balse uusan arkin tan iyo markii ay 20 sana ka hor ka tageen wiilka hooyadiis.

"Wiilkeyga waan garanayaa. Waa dhab inuu Nicky yahay. Wuu weynaaday balse waa isaga," ayuu yiri David Rossi mar uu u warramay NBC10.

Arrinka aqoonsiga waxa lagu xallin doonaa dhageysi buuxa oo la qorsheeyay bisha May, iyadoo markaa laga jawaabayo su'aalaha muhiimka ah ee kiiskan yaabka leh ku gadaaman.