Buugag la xaday oo qiimahoodu lagu qiyaasay 3.2 malyan oo doolar oo dib loo helay

Waxaa buugaagtan lagu tilmaamay 'kuwo qiimo weyn leh"

Xigashada Sawirka, METROPOLITAN POLICE

Qoraalka sawirka, Waxaa buugaagtan lagu tilmaamay 'kuwo qiimo weyn leh"

Ku dhawaad 200 buug oo qiimahoodu lagu qiyaasay in ka badan 3.2 malyan oo doolar oo laga xaday bakhaar ku yaalla magaalada London ayaa laga helay guri ku yaalla miyiga dalka Romania, sida ay sheegeen booliska.

Waxay booliska sheegeen in buugaagtan lagu raad joogay lagu hoos duugay gurigaas.

Buugaagta waxaa kamid ahaa kuwii ugu horreeyay ay soo saaraan senisyahanada iyo qoraayaasha u kala dhashay Talyaaniga iyo Ingiriiska ee kala ah Galileo iyo Isaac Newton.

Waxay tuugada dhaceen buugaagtan bishii Jannaayo ee sanadkii 2017-kii markii ay gudaha u galeen bakhaarka lagu keydiyay buugaagta oo ku yaalla UK.

Waxaana raggan dhaca geystay la sheegay inay ka tirsan yihiin koox burcad ah oo ka howlgasha gudaha Romania.

Burcadda ayaa hadda ka hor dhacay qalab qiimo leh oo ku jiray bakhaaro ku yaallay guud ahaan UK, sida ay sheegeen booliska London.

Waxay saraakiisha Arbacadii arkeen buugaagta oo lagu hoos duugay guriga ku yaalla deegaanka Neamt ee waqooy bari Romania.

Buugaagta waxaa lagu duugay dhulka hoostiisa si aan loo arkin

Xigashada Sawirka, METROPOLITAN POLICE

Qoraalka sawirka, Buugaagta waxaa lagu duugay dhulka hoostiisa si aan loo arkin

Booliska waxay horey baaritaano uga sameeyeen 45 deegaan oo ku kala yaalla guud ahaan UK, Romania iyo Talyaaniga, 13 qof ayaa lagu soo dacweeyay arrintaas, 12 kamid ah waxay qirteen dambiga.

Buugaagta waxaa ku jiray kuwo qarnigii 16-aad iyo 17-aad ay qoreen Galileo , Isaac Newton iyo farshaxamistaha reer Spain, Francisco de Goya.

"Buugaagtan waa kuwo qiimo weyn leh, waxaa intaas dheer waa kuwo aan la baddali karin maadama ay muhiimad u leeyihiin dhaqamada caalamiga ah" waxaa sidaas yiri Andy Durham oo ka tirsan booliska London.

Markii la xaday buugaagtan waxaa lagu keydiyay bakhaarka ku yaalla London ka hor inta aanan loo xaraash geyn magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka.