Waa kuma ninka aan aadka loo aqoonin ee ku guuleystay doorashada Tuniisiya?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne cusub ee Tunisia Qeys Saciid waa barafasoor sharciga bartay oo 61 jir, waana madaxweynihi ugu horreyey oo xilka madaxweynanimada ku guuleysta tani iyo marki uu geeriyooday madaxweynihi hore ee dalkaasi Beyji Caa'id Eseybsi 25-kii bishi July.
Mr Qeys oo ah madaxweyne madax bannaan oo aan ku tiirsaneen xisbi siyaasadeed wuxuu doorashada ka helay 72.71, cod bixinta doorashada wareeggeeda labaad ee la qabtay 13-ki bisha Oktobar.
Wuxuuna si la yaab leh uu uga guuleystay musharrixi la tartamayay Nabiil Qarwiy oo ah hoggaamiyaha xisbiga weyn ee baarlamaanka Tunisia ku leh tirada kuraasta xildhibaannada ugu badan.
Khabiir dhinaca dastuurka
Taariiqdu markay ahayd 22-kii bishi Fabraayo 1958-kii ayuu Mr Saciid ku dhashay magaalada Bani-khiyaar oo ka tirsan gobolka Nabuul. Wuxuuna Mr Saciid leeyahay seddex carruur ah.
Shahaadada Degree koobaad wuxuu ku haystaa sharciga caalamiga ah wuxuuna ka soo baxay kulliyadda sharciga iyo siyaasadda ee jaamacadda Tunis.
Shahaadada Diploma wuxuu sida oo kale uu ku haystaa sharciga dastuurka, isaga jaamacadda Tunis ka ahaa barafasoor dhiga culuunta sharciga.
Wuxuuna noqday xoghayaha guud ee ururka sharciyada dastuurka ee Tunisa inti u dhaxeysay 1990 ilaa 1995-kii, waxyar kaddibna wuxuu noqday madaxweyne-ku xigeenka ururka.
1990-yadi Mr Saciid wuxuu noqday agaasimaha waaxda cilmiga sharciyada ee jaamacadda Tunisia, isaga oo ka mid noqday khubaro jaamacadda carabta uga shaqeysa machadka xuquuqda aadanaha ee jaamacadda carabta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Mr Siciid ayaa ka mid ahaa guddiga khubarrada arrimaha sharciga ka caawinayey baarlamaanka Tunisia wax ka beddelka dastuurka, sanadkii 2014. Wuxuu mararka qaar ka soo muuqan jiray telefishinnada isagoo siyaasadda ka hadli jiray.
Marki ugu horreysayna wuxuu TV uu ka kala hadlay shacabka dalkaasi isaga oo ku hadlayey hadal caadi ah oo la xiriira dastuurka dalkaasi, wixi markaa ka dambeeyeyna ma ahayn mid siyaasadda ka sii muuqda.
Nin aan aad loo aqoon haddana cod aqlabaiyad ku guuleystay
Mr Saciid oo horay u qoray buugaag badan oo sharciga ku saabsan wuxuu sida oo kale qoray mqaallo ku saabsan sharciga dastuurka, Saciidna waxay shacabka marki ugu horreysay barteen wareegga doorashadi koobaad ee dhacday 15-ka bishi Spetember.
Kumana tirsaneen xisbi siyaasadeed aqoon badanna looma lahayn haddana cod bixinta doorashadi koobaad wuxuu helay 18.4% dadki codkooda dhiibtay. Isaga weliba helay codadka ugu badan ee dhalinyarada.
Barafasoorkan musharraxa madaxweynaha ahaa ee aan magaciisa aad loo aqoon inta uu ololaha doorashada ku jiray ma noqon mid kulamma ololaha doorashada ku saabsan qabgta, balse wuxuu safar ku tagay 100 magaalo oo dalka Tunisia ku yaalla isaga oo cod bixiyeyaasha fool ka fool ula kulmayey.
Mr Saciid xoogag shisheeya ama gacan dibadeed taageero kama haysan, isaga oo sheegay xitaa inuu baasboor uu dalka kaga baxa haysan.
Waxaa lagu naaneysaa "mashiin", Mr Saied ayaa galay olole adag, oo gudbinaya farriin ku aaddan sumcad iyo ka hortagga musuqmaasuqa, laguna beegsanayo codbixiyeyaasha da`da yar.
Wuxuu Mr Saciid ballan qaaday inuu dib u habeyn ku sameynayo dooraashada. Hase yeeshee, waxaa lagu dhaliilay aragtidiisa asal-raaca ah.
Wuxuu taageersan yahay in la soo celiyo ciqaabta dilka, oo Tunisia laga joojiyay sanadkii 1994, wuxuuna sheegay haddii madaxtinnimo loo doorto in xaaskiisa aysan noqon doonin haweeneyda koowaad ee dalka. Wuxuu ka soo horjeedaa in ragga iyo haweenka ay si siman wax u dhaxlaan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Isbeddellada uu ku taamayo
Mr Saciid waxaa u diyaar ah qorshe ballaaran uu hay'adaha kala duwan isbeddel uu ugu sameyn karo, isaga oo sheegay inuu awoodda daka uu hoos u dhaadhicyo isla-markaana uu doonayo isbeddel sal ballaadhan inuu ku sameeyo dalka Tunisia.
"Sharciga oo wax laga beddelo wuxuu shacabka Tunisia oo dhan u horseedayaa iney helaan waxa ay doonayaan," ayuu yiri.
Barafasoorka sharciga wuxuu taageeraa xukunka dilka lagu xukumo dambiyada qaarkood, isaga oo sheegay inuu diyaariyey qorshe ay dadkaasi dambiilayaasha ah lagu caawin karo.
Kharashka ugu badan uu Barafasoor Qeys Saciid uu doorashada ugu qayb galay waxaa u uruuriyey shacabka dalkaasi oo ay dhalinyaro u badan yihiin, waana madaxweynihi ugu horreeyey oo ay shacabkaasi si xor ah u doortaan tani iyo marki uu geeriyooday madaxweynihi isaga ka horreeyey.










