Carlos Ghosn: Sida aan sanduuq gudihii uga sooo badbaaday Japan oo aan dambiile ka ahaa

Carlos Ghosn

Habeen cimilada qabowday oo ku begnayd bishii Diseembar, saacaduna ahayd 10:30 habeennimo, Carlos Ghosn, oo ah nin hore uga tirsanaan jiray warshadaha gawaarida adduunka, ayaa dhex jiifay santuuq saarnaa diyaarad isagoo markaasi sugaya inuu ka baxsada dalka Japan.

"Diyaaradda waxaa loo qorsheeyay inay duusho 11-ka fiidnimo," ayuu yiri Ghosn oo weli soo xusuusta habeenkaasi.

Wuxuu intaas ku daray: "30-ka daqiiqo ee aan ku sugayay sanduuqa diyaaradda, waxay u badan tahay inay ahayd sugitaankii ugu dheeraa ee aan abid wax sugo."

Ninkani oo soo qabtay xilka madaxweynaha shirkadda Nissan iyo Renault Motors, ayaa markii ugu horreysay faahfaahin ka bixiyay baxsadkiisa geesinimada lahaa.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da, ayuu Ghosn ku sharaxay qaababkii uu isku qarin jiray oo uu u mari jiray jidadka Tokyo isagoon cidna ogeyn, sababta uu u doortay in sanduuq weyn oo qalab muusig ah ay ku jiraan uu kaga baxsado gudaha Japan, iyo farxadda uu dareemay markii uu aakhirkii yimid dalkiisii ​​hooyo, ee Lubnaan.

"Ugu dambeynti waxaan awooday inaan sheego sheekada" ayuu yiri Ghosn

Carlos Ghosn

Ghosn ayaa la xiray bishii Nofeembar 2018 kadib markii Nissan ay ku eedeysay inuu yareeyay mushaarkiisa sanadlaha ah isla markaana uu si qaldan u isticmaalay lacagaha shirkadda, eedeymahaas oo uu beeniyay.

Xilligaas, Ghosn wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga shirkadda gawaarida ee Japan, wuxuu kaloo ahaa guddoomiyaha shirkadda Faransiiska ee Renault, wuxuuna madax ka ahaa isbahaysi saddex geesood ah oo ka dhexeeyey shirkadaha gawaarida sameeya iyo Mitsubishi.

Go'aankiisii uu ku dhimay qarashka ku baxa ee shirkadda Nissan, oo markii hore muran ka taagnaa, wuxuu u muuqday inuu badbaadinayay shirkadda gawaaarida.

Isagoo sharraxaya xilligii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Tokyo seddex sano ka hor, Ghosn wuxuu yiri: "Waxay ila mid ahayd sida anigoo bas igu dhacay ama wax aad u xanuun badan igu dheceen."

"Xusuusta kaliya ee aan xilligan haysto waa naxdintii xad dhaafka ahayd, "ayuu raaciyay.

Ghosn waxaa la geeyay xarun dadka lagu haayo oo ku taal Tokyo, halkaas oo laga siiyay dharkii xabsiga kadibna qol lagu xiray.

"Markiiba waxay noqotay inaan la qabsado noolasha saacad la'aan, kumbuyuutar la'aan, taleefan la'aan, war la'aan, iyo qalin la'aan.

In ka badan sanad, Ghosn wuxuu muddo dheer ku qaatay xabsi guri oo ku yaalla Tokyo ka dib markii lagu sii daayay damaanad. Ma caddayn goorta uu maxkamad ka soo muuqan doono, cabsida laga qabay waxay ahayd inay sannado qaadato.

Ghosn wuxuu go'aansaday inuu raadsado waddo looga baxo dhibaatada, intii uu ku jiray xabsi guriga, ka dib markii loo sheegay in aan loo oggolaan doonin inuu xiriir lala sameeyo xaaskiisa Carol.

.

Wuxuu yiri, "Qorshuhu wuxuu ahaa inaan wejigayga qariyo, sidaa darteed waa inaan meel ku dhuunto. Sida kaliya ee aan ku dhuuman karo waxay ahayd inaan ku dhex jiro sanduuq ama shandado gudahood, sidaa darteed qofna ima arki karo, cidna ima aqoonsan karto, qorshihiina wuu shaqeeyay."

Wuxuu intaas ku daray in fikradda ah in la isticmaalo sanduuq weyn oo sida caadiga ah ay ku jiraan aaladaha muusikada "waxay ahayd mid macquul ah, sababtoo ah xilligaas Japan waxaa ka jiray riwaayado badan."

Laakiin sidee qof aad caan u ah, haddana dabiile ah, oo ku nool Japan ugu suurogashay in ka baxo gurigiisa oo ku yaal caasimadda, u aado garoonka diyaaradaha, ka dibna cararo?

Wuxuu yidhi Ghosn, "Qorshaha wuxuu ahaa in aan u dhaqmo sidii caadiga ahayd maalintaas inta karaankayga ah."

Wuxuu raaciyay: "Waa inay ahaato maalin caadi ah, oo aan xirto dhar iska caadi ah si aan safar laiga dareemin, ka dibna wax walbana si kadis ah isku badalaan."

Ghosn waxa uu iska baddaly suudadkii uu u isticmaali jiray sanado badan isagoo ah mas'uul sare oo heer caalami ah.

"Waxay noqotay inaan tago meelo aan horay u tagin, oo aan ka iibsado koofiyad iyo dhar aanan horay u iibsan," ayuu yidhi.

Laga soo bilaabo Tokyo, Ghosn wuxuu ku safray tareenka dheereeya oo uu ku tagay Osaka, halkaas oo diyaarad qaas ahi ku sugaysay garoon diyaaradeed oo maxalli ah si uu u baxo. Laakiin marka hore, waa in uu sanduuqa Ghosn oo yaalay hoteel u dhow.

"Markaad gasho sanduuqa, kama fikiraysid noloshii hore ee aad soo martay, kama fekereysid mustaqbalka, waxaad ka fikirtaa xilligan oo kale," ayuu yiri.

Ghosn waxaa laga waday hoteelka waxaana la geeyay garoonka diyaaradaha isagoo wadeen aabo iyo wiilkiisa oo la yiarado Michael iyo Peter Taylor oo iska dhigayay muusikiiste.

Ghosn guud ahaan wuxuu aaminsan yahay inuu ku jiray sanduuqa qiyaastii saacad iyo badh, in kasta oo ay u muuqatay inuu ku jiray "sannad iyo badh".

Diyaaradda qaaska ah ayaa kacday waqtigeedii, Ghosn, oo hadda xor ah, wuxuu soo duulay habeenki wuxuuna diyaaradda ku badashay Turkiga ka hor inta uusan soo caga dhigan Beyruut subaxii xigay.

Lubnaan heshiis dib-u-celin ah oo ay la gasho Japan ma jirto, sidaa darteed Ghosn ayaa loo oggolaaday inuu sii joogo Lubnaan