Doorashada Soomaaliya: Maxay ka tidhi Falastiin oo markii u horreysay ka hadashay guusha Xasan Shiikh?

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxa Xafiiska Siyaasadda Ururka Xamaas, Ismaaciil Haniye, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.Madaxa Xamaas ayaa yiri "Farxad ayey u tahay dhaq-dhaqaaqa Xamaas iyo guud ahaan shacabka reer Falastiin in aan idiin soo gudbino hambalyo diirran iyo duco ku aaddan munaasabaddan farxadda leh ee lagu doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay idinku aamineen".Isaga oo sida oo kale muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in Madaxweynaha uu ka bixi karo dhibaatooyinka iyo khataraha soo wajaha Soomaaliya, ayuu Haniyeh hadalkiisa ku daray "Waxaan kuu rajeyneynaa inaad ku sii guuleysato u adeegidda dadkaaga iyo dalkaaga, iyo arrimaha waaweyn ee Ummaddeed oo ay ugu horreyso arrinta Falastiin."
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doorashada Madaxweynaha oo dalka Soomaaliya ka dhacday 15-kii May ku guuleystay cod aqlabiyad ah.
Iyada oo Kursiga madaxweynaha ay u tartamayeen musharrixiin ka badan 30 oo ay ka mid ahaayeen 3 musharrax oo horay madaxweyne u soo noqday.

Xigashada Sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud
Dalal badan oo caalamka ah ayaa u soo hambaleeyey doorashada Madaxweynaha, iyaga u rajeeyey in masuuliyaddaas uu qaaday ay u fududaato.
Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xilka Madaxweynaha Soomaaliya soo dhammaystay hal muddo xileed, wuxuuna hadda ku laabanayaa xafiiska Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya oo uu ka soo arriminayay intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2017-kii. Wuxuu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo mar intuu muddo xileed dhameystay mar kale dib loo doortay.
Noloshiisa inteeda badan waxa uu kusoo qaatay shaqada macallinnimada, oo uu iskuullo badan iyo jaamacado wax uga soo dhigay, sida uu ku sheegay khudbaddiisii hadal jeedinta murashaxiinta.
Ka hor inta uusan Madaxweyne ka noqonin Soomaaliya waxa uu ka mid ahaa xubnaha bulshada rayidka, gudaha Soomaaliya ayuuna ka shaqayn jiray intii uu dalku ku jiray burburkii ka dhashay dagaalladii sokeeye.
Soomaaliya kiyo Falastiin ma laha xidhiidh toos ah oo muuqda, laakiin dhawr ayay dawladda Soomaaliya taageero u muujisay Falstiiniyiinta.
Waxaana ka mid ahaa war ka sooo baxay dawladda federaalka, kaas oo ay kaga walaacsanaayeen "go'aanka halista ahaa ee uu qaatay Trump" kaas oo Qudus uu ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil, xilligii uu ahaa madaxweynaha Maraykanka.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay" xaaladda, ayaa lagu yiri qoraaal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA oo la sheegay in dowladda ay soo saartay.
"Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Maraykanka in ay si dhab ah uga fiirsato halista go'aankan uu ku leeyahay mustaqbalka dalalka Bariga-dhexe iyo guud ahaan Caalamka", ayaa sidoo kale ka mid ahaa weedhihii ku qornaa warkii ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Qoraalkaas waxaa sidoo kale lagu sheegay in "Soomaaliya ay ugu baaqaysaa dalalka Carabta, Islaamka iyo guud ahaan Caalamka in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ku aaddan xal u helidda qadiyadda Falastiin si looga gudbo xasillooni darrada haraysay Gobolka".
Taariikhda madaxweynaha cusub oo kooban
Sanadkii 1955-kii ayuu Xasan Sheekh ku dhashay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ee dalka Soomaaliya, haddana waa 66 ilaa 67 jir.
Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay magaalada uu kasoo jeedo, halka dugsiga sare iyo jaamacadda ku dhigtay magaalada Muqdisho, oo uu u wareegay.
Sanadkii 1981-kii ayuu ka qalan jebiyay kulliyadda tiknoolojiyadda ee Jaamacadda. Kaddib waxa uu heerka sare ee Jaamacad kusoo bartay waddanka Hindiya.
Markii uu dalka dib ugu soo laabtay, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shaqaale ka noqday Wasaaradda Tacliinta ee Soomaaliya, isagoo macallin kasoo noqday iskuullo iyo Jaamacado.
Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.
Marka laga soo tago xirfaddiisa barenimo iyo siyaasadda, sidoo kale waa ganacsade iskiis isu abaabulay.
Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.

Xigashada Sawirka, Xasan Sheekh Maxamuud
10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.
Xasan waxa uu hoggaanka u qabtay dowladdii ugu horreysay ee Soomaaliya laga hirgeliyay muddo 20 sano ah, taasoo aan ahayn Ku meel Gaar. Dowladihii ka horreeyay ee la dhisay kaddib 1991-kii waxay ahaayeen ku meel gaar.
Madaxweynihii ka horreeyay, Shariif Sheekh Axmed, oo sidoo kale u tartamayay xilka ayaa ugu hambalyeeyay guushiisa, waxa uuna ballan qaaday inuu la shaqayn doono.
Dowladdii Xasan Sheekh ayaa caan ku ahayd in ay kasoo dhex muuqdeen shaksiyaad siyaasadda ku cusbaa, waxaana loo yaqaannay "Damu Jadiid".
Markii la doortay Madaxweynaha, waxa uu xilka Ra'iisul Wasaraaha u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon, oo ku cusbaa siyaasadda
Muddo shan sano ah oo uu xilkaas hayay waxa ay dowladdiisu ku mashquulsanayd dib u dhiska hay'adaha dowladda, wax ka qabashada amni darrada iyo dagaalka ka dhanka ah dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
12-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, oo ahayd labo maalmood kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud loo dhaariyay xilka Madaxweynaha, ayaa qarax ala eegtay goob uu ku sugnaa.
Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa in maalinta isniinta ee berri ah uu la wareego talada dalka, isaga oo kala wareegaya madaxweynihii hore Maxmed Cabdillaahi Farmaajo.











