Wiil iyo Hooyadiis oo Ra'iisulwasaarayaal ka noqday dalkooda oo labadiiba la dilay

Xigashada Sawirka, Keystone/Getty Images
Wax yar ka hor inta aan la dilin, madaxweynaha Mareykanka John F Kennedy wuxuu sheegay in haddii qof uu doonayo inuu dilo madaxweynaha Mareykanka, aysan wax weyn noqon doonin, waase haddii gacan ku dhiiglaha uu go'aansado inuu diyaar u yahay inuu naftiisa isna sadqeeyo intii uu i dili lahaa.
"Haddii tani dhacdo, markaa ma jirto awood adduunka ah oo i badbaadin karta."
Isla arin la mid ah ayaa ka dhacday Sriperumburbur, Tamil Nadu habeenimadii May 21, 1991 saacadu markay ahayd 10:21.
Gabar sodon jir ah oo xidhan silsilad weyn ayaa u soo dhaqaaqday dhanka ra'iisul wasaarihii hore ee Hindiya Rajiv Gandhi. Intay foorarsatay iyada oo ika dhigaysa in ay cagihiisa taabato, waxaa dhacay qarax weyn.
Wakhtigii qaraxaasi dhacayey hees ayaa masraxa laga qaadayay iyadoo lagu sharfayo Rajiv, waxaana ka mid ahaa ereyadeedii…. Rajiv noloshiisu waa nolosheenna... haddi noloshaas aan loo hurayn ina Indira Gandhi...haddaba maxay tahay nololi?
In ka yar u jirta ku dhawaad toban mitir, Neena Gopal, oo ah wariye ka tirsan Gulf News oo ah hadda tifaftiraha maxaliga ah ee Deccan Chronicle, Bangalore, ayaa la hadlaysay Suman Dubey, kaaliyaha Rajiv Gandhi.
Neena waxay xasuusataa, "laba daqiiqo ma ahayn intaan la hadlay Suman, ee bamku ku qarxay indhahayga hortiisa, inta badan ma xidho dhar cad, maalintaas waxaan soo xidhay sari cad, markaan fiiriyey sarigeyga. Gabi ahaanba madow bay isu bedeshay oo waxaa ku dul daadsan hilib iyo dhiig, waxay ahayd mucjiso inaan ka badbaaday, qof kasta oo hortayda taagnaa ayaa ku dhintay qaraxaas." ayaa ay Nina.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaan arkay dharkii dadka oo gubanaya, dadku waa ay qaylinayeen, Waxaa dhacay is jiid jiid ku wareegsan. Maanu garanayn in Rajiv Gandhi nool yahay iyo in kale." Ayay sii raacisay hadalkeeda.
Saddexda hoggaamiye ee ugu sarreeya Tamil, Nadu Congress, GK Moopanar, Jayanthi Natarajan iyo Ramamurthy ayaa goob joog ka ahaa xilligii qaraxaas argagaxa lahaa uu ka dhacayey Sriperumburdur.
Markii uu qiiqii dhammaaday, waxaa bilowday raadinta Rajiv Gandhi.
Qaraxii kaddib
Qaraxii ka dib, GK Moopanar ayaa ku qoray goob warbaahineed oo kale "Isla markii uu qaraxu dhacay, dadku waxay bilaabeen inay cararaan, waxaa jiray meydad jidhkoodii goo g'ay oo hortayda yaallay"
Nina iyana sheegtay, "Waan ka cararay intii aan kari karayay, waana markii aan arkay meydka Rajiv Gandhi, waxaan arkay kabtiisa ahayd nooca Loto oo iyo gacantiisii oo ay ku xiran tahay saacad Gucci ah, wax yar ka hor waxaan ku jiray kursiga dambe ee gaariga. Waxaan fadhiyey oo aan waraysanayey, Rajiv waxa uu fadhiyey kursiga hore, saacadda gacantiisa ayaa indhahayga horteeda ku soo noqnoqonaysay marba, waxa ay ahayd xaalad qarracan ah."
Indira Gandhi, oo hooyadii ahayd iyana sida oo kale Ra'iisul Wasaaraha soo noqonay ayaa lagu dilay magaalada New Delhi sanadka markii uu ahaa 1984-tii waxaana dilay laba ka mid ah ilaaladeeda. Beant Singh iyo Satwant Singh, oo labaduba Sikhs ah, xilli ay ku soo socotay goobteeda shaqada. Dilkeeda ayaa ka dhashay caro ka dhalatay hawlgal ay iyadu amartay oo ciidamada ay ku galeen goob cibaado oo ay qabsadeen koox diimeed xaq jir ah, halkaasina waxaa ku dhintay dad badan oo aanse loogu talogalin.
In kasta oo labada gacan-ku-dhiigle isla markiiba is-dhiibeen, haddana labadoodaba waxa lagu toogtay gacan-ka-hadal xigay. Jawaharlal Nehru, ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Hindiya, wuxuu isku dayay inuu sameeyo qaran midaysan oo ka soo jeeda kooxo badan oo diimeed, qowmiyadeed, iyo dhaqameed kuwaas oo ka hoos jiray gumeysigii Ingiriiska ilaa 1949-kii.

Gabadhiisa, Indira Gandhi (wax xidhiidh ah lama laha Mohandas Gandhi), waxay u kacday awoodda 1966, iyada oo la dagaallantay dhibaatooyin badan oo la mid ah kuwii haystay aabbaheed.
Ka dib dilkii Indira Gandhi, rabshado ayaa ka dhacay New Delhi. In ka badan 1,000 Sikhs ah oo aan waxba galabsan ayaa lagu dilay weeraro aan loo meel dayin oo socday muddo laba maalmood ah. Ina Gandhi, Rajiv, ayaa beddelay oo noqday ra'iisul wasaare
PC Alexander, oo xoghaye maamule u ahaa Indira Gandhi, ayaa buuggiisa 'My Days with Indira Gandhi' ku qoray in saacado gudahood markii la dilay Indira Gandhi, uu arkay Sonia iyo Rajiv oo ku dagaallamaya luuqyada Isbitaalka All India oo uu yiilay maydka Indira.
Rajiv waxa uu u sheegayey Sonia in xisbigu uu doonayo in loo dhaariyo xilka ra'iisal wasaaraha. Sonia waxay tiri a 'adigana way ku dili doonaan'. Rajiv wuxuu ku jawaabay, 'Ma haysto doorasho kale. si kastaba waa la i dili doonaa."
Todoba sano ka dib, erayada Rajiv waxaa caddaaday inay sax yihiin, markii la dilay.










