AMISOM & Al-Shabaab: Weerarradii khasaaraha geystay ee lagu qaaday saldhigyada Midowga Afrika

AMISOM

Xigashada Sawirka, AMISOM

Soomaaliya ayaa xaalad cakiran ku jirtay muddo 30 sano ah. Markii Midowga Afrika (AU) uu go'aansaday inuu ciidamo u diro Soomaaliya sanadkii 2007, Uganda wuxuu ka mid noqday dalalka ciidamadiisa ku biiriyay howlgalka AMISOM.

Dalalka kale ee ay ciidamadoodu ku jiraan AMISOM/ATMIS waxaa ka mid ah Burundi, Itoobiya, Nigeria, Djibouti, Kenya, Ghana, iyo qaar kale. Al-Shabaab ayaa il cadowtinnimo leh ku eegeysa dhammaan dalalkaas.

Inkastoo ay jirto xaqiiqda ah in dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uusan xitaa gaarin billowga dhammaadka, haddana ciidamada AMISOM ayaa ku guuleystay wiiqista awoodda kooxda iyagoo ka saaray caasimadda Muqdisho iyo magaalooyin kale. Ururka Al-Shabaab ayaa weerarro kala duwan ku qaaday xarumo ay leeyihiin AMISOM/ATMIS.

Haddaba halkaan kaga bogo qaar ka tirsan weerarradii ay Al-Shabaab ku qaadday saldhigyada ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Weerarkii shalay ee ay Al-Shabaab 'cagta ku marisay' xerada ATMIS ee Ceel-baraf

Ururka Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee shalay weerar culus ku qaaday fariisin uu Howlgalka Midowga Afrika ee Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ku leeyahay degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-Shabaab oo war-saxaafadeed ka soo saartay weerarka ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan-ku-heynta guud ahaan saldhigga.

Warar tan iyo shalay ka soo baxayay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay 'cagta mariyeen' xerada, ayna dileen in ka badan 170 askari, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ay shalay ku qaadday saldhigga oo ay ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel-baraf, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Midowga Afrika.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tacsi u diray dawladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Burundi, waxaana uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Sidee ayuu weerarku u dhacay?

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Ciidamo hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa galay xerada ciidamada ATMIS, iyagoo dhowr gaari ku weeraray, waxaana ka dhashay dagaal labada dhinac dhex maray, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan militariga Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa weerarka kaddib diyaarad helikobtar ah oo hub sidday geeyay xerada oo hoy u ah ciidamo ka socda dalka Burundi.

"Waxaa dhacay dagaal xooggan iyo khasaare labada dhinac gaaray, balse faahfaahin dheeraad ah kama heyno ilaa iyo hadda," ayuu sarkaalkaas u sheegay AFP.

"Waxay weerarka ku billaabeen qarax gaari kahor inta uusan billaaban dagaalka," ayuu intaas raaciyay.

Dadka deegaanka qaarkood oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay arkeen meydadka saddex qof oo rayid ah iyo sagaal kale oo dhaawac ah. Xiriir aan la sameynay saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan weerarka.

Sidoo kale, goobjooge la hadlay wakaaladda AFP ayaa yiri, "Ciidammada Al-Shabaab ayaa aroortii galay xerada. Waxaa la maqlay qarax xooggan iyo rasaas la is weydaarsaday. Ciidamada Burundi ayaa banneeyay xerada waxayna galeen Ceel-baraf kahor inta aysan imaan helikobtarrada," ayuu yiri.

"Helikobtarrada ayaa gantaallo iyo hub culus riday, waxaan aragnay qiiq ka soo baxaya xerada balse xaaladda si fiican ugama war qabno," ayuu yiri.

Weerarkii saldhiggii AMISOM ee Ceel-cadde - 2016

Saraakiisha Kenya oo sida meydadka saaxiibbadood oo ku dhintay Ceel-cadde, Soomaaliya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Saraakiisha Kenya oo sida meydadka saaxiibbadood oo ku dhintay Ceel-cadde, Soomaaliya

Shan iyo tobankii Jannaayo ee sanadkii 2016, waxaa saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceel-cadde ee gudaha Soomaaliya ka dhacay weerar ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ma aysan faahfaahinin sida ay wax u dhaceen iyo khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas.

Maxaa ka dhacay Ceel-cadde?

Dadka deggan Ceel-cadde ayaa markii ugu horreysay soo sheegay weerarka, iyagoo xaqiijiyay in Alshabaab ay xilli aroor ah gashay magaalada.

Weerarka ayaa ku billowday qof is qarixyay oo gudaha u galay saldhigga kaddibna dhowr rag ah oo hubeysan ayaa rasaas furay.

Goobjoogeyaasha dhacdadaas ayaa sheegay in dhowr ciidamada Kenya ah la dilay halka qaar kalena ay duurka galeen.

Balse, tani ma aha sida ay sheegayaan ciidamada Kenya.

Saldhiggu wuxuu ka koobnaa labo qeyb - mid waxaa deggan ciidamada Soomaaliya, halka kan kalena ay deggan yihiin ciidamada Kenya.

Saacado yar kaddib markii uu weerarku billowday, korneel David Obonyo, oo xilligaas ahaa afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay in la qabsaday xerada ciidamada Soomaaliya - isla markaana ay ciidamada Kenya u gurmadeen saaxiibbadooda Soomaalida ah.

Si kastaba, sarkaal dowladda Soomaaliya ka tirsan ayaa beeniyay arrintaas, wuxuuna BBC-da u sheegay in waxa la weeraray ay tahay xerada ciidamada Kenya.

Dad badan, gaar ahaan qoysaska ay qaraabadoodu ku dhinteen weerarkaas, ayaa billaabay inay is weydiiyaan inay habboon tahay in Kenya ay sii waddo dagaalka gudaha Soomaaliya.

Weerarkii Saldhigga AMISOM ee magaalada Beledweyne - 2016

AMISOM oo hadda lagu beddelay ATMIS waxay ka howlgashaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, AMISOM oo hadda lagu beddelay ATMIS waxay ka howlgashaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

Weerar isqarxin ah oo is rasaaseyn ay xigtay ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2016 lagu qaaday saldhiggii ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne. Weerarkaas waxaa lala eegtay saldhigga ciidamada Jabuuti oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaalada.

Dadka deggan xaafadaha ku dhow meesha la weeraray ayaa xilligaas sheegay in burbur xoog leh uu geystay qaraxa oo xitaa guryaha ku dhow saldhigga ay dumeen.

Afhayeen xilligaas u hadlay ciidamada la weeraray wuxuu sheegay in labo askari ay ka dhinteen shan kalena ay ka dhaawacmeen halka Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, au sheegtay inay 17 askari ku dileen duullaankaas.

Weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga AMISOM ee Jannaale - 2015

.

Xigashada Sawirka, AFP

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa bishii September ee sanadkii 2015 weerar ku qaaday saldhig milatari oo ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose.

Al-Shabaab waxay xilligaas sheegtay in ay jab weyn gaarsiisay ciidamada Midowga Afrika ee jooga Jannaale kaddib markii mid ka mid ah askartooda uu baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ku qarxiyay saldhiggooda, isla markaana ay ciidan kale gudaha u galeen.

Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ciidamada Midowga Afrika oo ka sii baxaya xeradaas, balse Midowga Afrika ayaa beeniyay in ciidamadooda laga qabsaday xeradaas milatari.

Sanad kaddib weerarkaas Al-Shabaab ayaa soo faafisay muuqaal gaaban oo laga arkayay askari la qabtay oo ay sheegtay inuu u dhashay Uganda.

Muuqaalka oo lix daqiiqo soconayay waxaa ka muuqday nin xiran dharka milatariga ee Uganda oo waydiisanaya madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni inuu ka caawiyo sii dayntiisa.

Wuxuuu sheegay in lagu qabtay weerarkii Al-Shabaab ee saldhigga milatariga ee AMISOM ee Jannaale, oo uu xusay inay ku dhinteen afartan ilaa konton askari.