Imran Khan: Muxuu sababsaday ra'iisal wasaaraha Pakistan ee aan gabban?

Imran Khan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha xilka laga qaaday, Imran Khan

Imran Khan ayaa laga qaaday xilka ra'iisal wasaaraha Pakistan, kadib markii uu barlamaanka kala laabtay kalsoonida. Haddaba maxaa sababay fashilka siyaasadda ninkan mar aadka looga jeclaa waddankiisa?

Markii uu Imran Khan ku guulaystay doorashadii 2018, waxa uu u muuqday siyaasi wax kasta ay u toosan yihiin.

Waxa uu ahaa halyey lagu xasuusto ciyaarta Cricket-ka, kadibna isu bedalay siyaasi cod kar ah, walow uu dhawr jeer ku guuldaraystay tartan doorasho oo uu galay.

Markii uu xilka la wareegay, wuxuu ballanqaaday inuu isbedal sameyn doono, isla markaana uu dhisi doono "Pakistan cusub".

Ma jiro ra'iisal wasaare dhamaystay muddo xileedkiisa shanta sano ah ee dowladda baarlamaaniga ku dhisan ee Pakistan. Imran Khan ayuu u muuqday inuu noqon doono ra'iisal wasaarihii u horreeyay ee rikoorkaas dhiga.

Waxaa si weyn looga rumaysan yahay gudaha Pakistan in milateriga iyo sirdoonka dalkaas ay Imran Khan ka caawiyeen doorashadiisa, balse dhawaan ay iska hor yimaadeed. Khan iyo milateriga waa ay beeniyeen inuu ka dhexeeyay iskaashi noocaas ah.

Waxaan shaki ku jirin in Imran Khan uu sanadkii 2018 lahaa shacbiyad xooggan oo aan la dhayalsan karin. Sidoo kale, waxa uu taageero qarsoon ka helay milateriga Pakistan.

"Iyagaa samaystay, waana kuwa xukunka gacanta u geliyay," ayuu yiri siyaasi kamid ah kuwa ka baxay xisbiga Imran Khan oo BBC uga warramay xiriirka ka dhexeeya labada dhinac.

Taageerayaasha Imran Khan oo dibedbax ka dhigaya Islamabad, 4-tii April 2022

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha Imran Khan oo dibedbax ka dhigaya Islamabad

Ninka uu tartanka adag kala dhexeeyay ee Nawaz Sharif ayaa laga reebay doorashada, waxaana lagu maxkamadeeyay eedeymo musuq maasuq. Dad badan ayaa rumaysan in inkastoo Nawaz Sharif uu horay u sameeyay musuq maasuq, haddana sababta xilligaas loo beegsaday ay ahayd khilaaf kala dhexeeyay milateriga.

Sharif ayaa hayaankiisa siyaasadeed ka soo billaabay la shaqeynta keligii taliye milateri, ka hor inta uusan noqon nin xor ah oo si weyn u dhaliila taliska ciidamada. Markasta waxa uu ku doodayay in uusan musuq maasuq gelin ee eedeymaha loo haysto ay yihiin kuwo siyaasadi ka dambeyso.

Markii uu xilka la wareegay, Imran Khan ayaa si aan gabasho lahayn u sheegay in isaga iyo milateriga ay isku aragti ka yihiin go'aannada siyaasadda.

Natiijada ka dhalatay go'aankaas ayaa walaac ku abuurtay dadka u dhaq-dhaqaaqa bulshada rayidka ah, iyadoo weerarro iyo afduub lala beegsaday weriyayaasha iyo dadka dhaliila xukuumadda Imran Khan iyo sirdoonka Pakistan. Labaduba way beeniyeen inay falalkaas ku lug leeyihiin, balse ma jirto cid kale oo loo qabtay.

Taageerayaasha mucaaradka oo u dabaaldegaya guuldarrada Imran Khan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taageerayaasha mucaaradka oo u dabaaldegaya guuldarrada Imran Khan

Imran Khan ayaa sheegay inuu xoogga saarayo wanaajinta adeegyada ay dowladda bixiso, waxaana uu wax badan ka qabtay hannaanka daryeelka bulshada, gaar ahaan caymiska caafimadka oo uu gobollo badan gaarsiiyay.

Hase yeeshee, waxaa aad loogu dhaliilay go'aannada qaar gaar ahaan ninka uu u magacaabay wasiirka Punjab oo ah gobolka ugu dadka badan Pakistan.

Inkastoo ay caro badan ka dhalatay khibrad la'aanta iyo maamul xumada wasiirkaas oo lagu magacaabo Usman Buzdar, ayaa haddana Imran Khan waxa uu diiday inuu bedali. Sababta ayaa lagu sheegay in xaaskiisa oo wadaad ah ay uga digtay in bedalitaankiisa, ayna sheegtay in haddii ninkaa xilka laga qaado ay horseedi karto in dowladda ay dhacdo.

Dhibaatooyinka kale waxaa kamid ahaa sicir barar baahsan oo hareeyay dalka, iyo qiimaha lacagta rupee oo dhulka galay.

Dhowr kamid ah falanqeeyayaasha arrimaha Pakistan ayaa BBC u sheegay in taliska milateriga uu sanadkii hore billaabay inuu ka hor yimaado Imran Khan, gaar ahaan wasiirka uu u magacaabay Punjab.

Waxaa arrinta sii cakiray khilaaf la sheegay inuu soo kala dhexgalay taliyaha ciidamada Pakistan, Jen. Bajwa iyo madax sirdoonka Jen. Faiz Xamiid, oo la saadaalinayo inuu xilka kala wareegi doono jananka hore.

Jen. Xamiid ayaa la sheegay inuu si dhiiranaan leh ugu wargeliyay mas'uuliyiinta Afghanistan inuu yahay ninka dhawaan la wareegi doona hogaanka ciidamada Pakistan.

Khilaafka labadan janan ayaa si shaac baxsan loo dareemay xagaagii hore, markaas oo madax sirdoonka uu hadalka ka joojiyay weriye su'aal weydiiyay taliska ciidamada, balse Jen Bajwa ayaa inta uu hadalka la booday u sheegay weriyaha inuu su'aashiisa weydiiyo, kadibna raaciyay "aniga ayaa taliyaha ah".

Isfahan waaga labada jenaraal ayaa bishii October gaaray ra'iisal wasaare Khan, xilligaas oo uu Jen. Bajwa dalbaday in xilka laga qaado taliyaha sirdoonka, hase yeeshee maadaama uu Imran xiriir dhaw la lahaa Jen. Xamiid waa uu ka gaabsaday dalabkaas.

Khilaafka ka dhex bilowday milateriga iyo Imran Khan ayaa dhiirageliyay mucaaradka, waxaana ay qorsheeyeen in baarlamaanka ay geeyaan mooshin xilka ka qaadis ah. Hase yeeshee taliska ciidamada ayaa sheegay inuu dhex dhexaad ka yahay xiisadda siyaasadeed.

Weriye Kamran Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in milateriga uu Imran Khan ka caawin jiray isku haynta aqlabiyadda yar ee ay ku dhisnayd xukuumaddiisa. "Markii ay meesha ka baxday taageeradaas, waxaa jabay difaacii ra'iisal wasaaraha," ayuu yiri.

Imran Khan iyo milateriga ayaa mar kale isku maan-dhaafay siyaasadda arrimaha dibedda. Jen. Bajwa ayaa markii hore difaacay go'aanka uu Khan ku tegay Moscow maalinta uu Ruushka billaabay duullaanka Ukraine, hase yeeshee todobaadkii hore ayuu sheegay in duullaanka loo "baahan yahay inuu degdeg u joogsado".

Ra'iisal wasaaraha xilka laga tuuray ayaa si shaac baxsan ugu eedeeyay Maraykanka inuu ka dambeeyay in meesha laga saaro, safarkii uu ku tegay Ruushka awgii.

Waxay u muuqataa in Imran Khan uu hadda noqon doono mucaarad xooggan.