Imran Khan iyo 28 -dii Ra'isulwasaare ee aanan muddo xileedkooda dhamaysanin

Imran Khan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha xilka laga qaaday, Imran Khan.

Ra'iisl wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa lumiyay kalsoonida baarlamaanka waddankiisa, waxaana sidaa looga qaaday xilka.

Pakistan oo waddan ahaan jirta 75 sano ayaa weli sugaysa ra'iisal wasaare dhamaysta muddo xileedkiisa shanta sano ah.

Dalkaas oo sanado badan ahaa dimuqraadi baarlamaani ah ayaa waxaa tan iyo 1947 soo maray 29 ra'iisal wasaare oo mid kamid ah laba goor xilka loo dhaariyay sanad gudihii.

18 goor ayaa ra'iisal wasaarayaal soo maray Pakistan xilka looga qaaday sababo ay kamid yihiin afgembi milateri, khilaaf xisbigooda dhexdiisa ah iyo eedeymo musuq maasuq, halka ra'iisal wasaarihii koobaad, Liaquat Ali Khan, toogasho lagu dilay magaalada Rawalpindi, October 1951.

Inta soo hartay ayaa ahaa kuwo xilgaarsiin ah oo mudadoodu koobnayd. Pakistan waxaa soo maray sanad shan ra'iisal wasaare la isku bedalay, waana sanadkii 1993.

Maalmo ka hor markii uu soo shaac baxay culayska siyaasadeed ee haysta Imran Khan, ayaa xisbigiisa Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) waxa uu lumiyay aqlabiyaddii uu ku laha baarlamaanka.

Taasi ayaa horseeday in inta badan xildhibaannada dalkaas ay u codeeyaan in xilka laga qaado Khan.

Muxuu eersaday Imran Khan?

Khubarada arrimaha Pakistan ayaa tilmaamay in laba arrimood oo waaweyn ay sababeen xilka qaadista ra'iisal wasaare Imran Khan. Waxa ay kala yihiin dhaqaalo xumo sababtay sicir barar baahsan iyo milateriga oo garabkiisa ka baxay.

Dhaqaalo xumada dalka

Dhaqaalo xumo baahsan oo muddo ka jirtay Pakistan ayaa Imran Khan ka lumisay kalsoonida dadweynaha.

Khan oo ay u muuqatay dhibaatada uga iman karta sicir bararka ayaa bishii February gon'aansaday inuu dhimo qiimaha shidaalka iyo korontada, walow uu sare u kacayay sicirka bartoolka adduunka.

Tallaabadaas ayaa culays dhaqaalo saartay Pakistan, waxaana todobaadyadii u dambeeyay dhulka galay safirka lacagta rupee ee dalkaas.

Dhaqaalo xumida ayaa ah sababta ugu weyn ee ay tilmaameen mucaaradka riday ra'iisal wasaare Imran Khan.

Kalsoonida milateriga

Falanqeeyayaasha arrimaha Pakistan ayaa tilmaamaya in culays weyn uu Imran Khan uga yimid dhanka milateriga oo aanay isku fiicnayn waayadii dambe.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa rumaysan in taliska milateriga awoodda badan ee Pakistan oo Imran Khan sanadkii 2018 ka caawiyay guusha doorashada.

Ra'iisal wasaaraha xilka laga qaaday in jenaraaladda ciidanka ayaa isku qabtay arrimo ay kamid yihiin dalacsiinta askarta iyo siyaasadda arrimaha dibedda.

Mucaaradka ayaa isu bahaystay sidii ay xukunka uga tuuri lahaayeen Imran Khan, waxaana xulafadaas ugu tun weyn xisbiyada Pakistan People's Party (PPP) iyo Pakistan Muslim League - Nawaz (PML-N).

Mucaaradka Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mucaaradka Pakistan

Khilaafka milateriga iyo Imran Khan ayaa soo shaac baxay bishii October markii uu taliyaha sirdoonka u magacaabay jenaraal Faa'is Xamiid, isagoo hareer maray qofka ay ku taliyeen hogaamiyayaasha milateriga.

Ra'iisal wasaaraha xilka laga tuuray ayaa sidoo kale ka hor yimid Maraykanka oo ah dalka xiriirka ganacsi ee ugu ballaaran la leh Pakistan, isla markaana taakuleeya milateriga waddankaas.

Imran Khan oo sheegay in dalkiisa uu dhexdhexaad ka yahay dhacdooyinka caalamka ayaa bishii February booqasho ku tegay Moscow. Waxa uu safarkaas ka soo laabtay isla maalintii uu Ruushka billaabay duullaankiisa Ukraine.

Ra'iisal wasaaraha xilka laga tuuray ayaa si shaac baxsan ugu eedeeyay Maraykanka inuu doonayo in meesha laga saaro kadib safarkii uu ku tegay Ruushka. Waxa uu soo bandhigay warqad uu ku sheegay in Washington ay ugu digtay dalkiisa.