Siyaasadda Soomaaliya: Waxyaabo ay madaxda dalka ku shawreen, ee haddana shaac baxay

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe

Xigashada Sawirka, Jubaland State House

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe

Madaxda Soomaaliya ayaa yeesha kulamo badan oo isugu jira telefoon iyo kuwo toos ah, waxay galaan gorgortan siyaasadeed oo marar badan aanan miro dhal noqonin, halka kuwa kalena heshiisyo lagu gaaro, waxaana inta badan shacabka ku adag inay helaan xogta waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Marka laga reebo war saxaafadeedyada ku qoran luuqadda aadka looga taxadaray iyo afhayeenada kelmadaha kooban siiya saxaafadda, lama helo waxyaabo qeexan oo ku saabsan wadahalada iyo shirarka dhaca.

Hase yeeshee muddooyinkii dambe waxaa soo badanayay hadallada ay madaxda qaar kashifaan, iyagoo markaa uga dan leh inay dadweynaha tusaan dhaliisha dhinaca kale.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay ka hadlayay kulan ka dhacay Kismayo ayaa sheegay in qaar kamid ah safiirrada shisheeye ee Muqdisho jooga ay wadaan qorshe isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay ku kala qeybsanayaan kuraasta taalla Garbohaarey.

Arrintan kala qeybsiga kuraasta oo horey keliya ku ekeyd hadal hayn goobaha fadhi ku diriryada uun tiilay, ayaa waxaa hadda xaqiijiyay madaxweyne Axmed, isaga oo intaas ku daray in kuraasta Gedo oo aanan soo bixin aysan dhici karin doorasho.

Doorashada loo asteeyay Garbohaareey ayaa waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed, iyadoo Kismaayo ay rabto in gacanta loo geliyo maamulka gobolkaas uu dhiigga ku daatay.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa u muuqday mid uu ku kashifayo qorshe aan la shaacin oo lagu doonayo in si nabad ah oo la isla oggol yahay ay u dhacdo kuraasta 16-ka kursi ee la geeyay Garbohaareey.

Ma aha markii ugu horreysay ee madaxweyne maamul goboleed uu kashifay xog sir ahayd oo ku saabsan arrimaha dowladnimada dalka.

Madaxweyne Laftagareen

Xigashada Sawirka, Southwest State House

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Laftagareen

Madaxweyne Laftagareen iyo Guddida Doorashada Federaalka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa todobaadkii hore meel fagaaro ah ka eedeeyay Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu sheegay inuu "isbaaro" u dhigtay doorashada.

Laftagareen oo ka hadlayay warqad guddiga doorashada uu ku hakiyay afar kursi oo lagu soo doortay Baydhabo ayaa sheegay in go'aankaas uusan lahayn gudoomiyaha guddiga heer federal.

"War saxaafadeedka markii la soo saaray yaan ninka gudoomiyaha wacay, waxaan iri maxay tahay warqadan la soo saaray guddoomiye? Dad ayaan ku dhex jiraa ee isug aan ka dhax baxo ayuu i yiri. Banaankuu u baxay, wuxuu yiri wax aan ka ogahay ma laha. Qorshahanaga waxa uu ahaa saaka in aan kuraastan sii deyno. In la sii daayo ayay ahayd, warqadan ayaana hadda arkay," ayuu yiri Laftagareen oo ku dhaartay inuu ka run sheegayo waxa ay ku wada hadleen guddoomiye Muuse Geelle.

Guddoomiyaha guddiga doorashada heer federal ayaan ilaa hadda ka falcelin hadalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, inkasta oo warbaahinta ay kasoo wada muuqdeen isaga iyo Ra'isulwasaare Rooble oo booqanaya goob loo asteeyay in baarlamaanka lagu dhaariyo.

Hadalka Laftagareen ayaa dad badan waxa ay u fasireen inuu dhaawac xooggan u geystay madax bannaanida iyo kalsoonida lagu qabi karo guddigaas qaabilsan hubinta iyo shahaado siinta xildhibaannada labada gole.

Madaxweyne hore Cali Cosoble

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Cali Cabdullahi Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook 4-tii bishan April kaga warramay wax uu ku tilmaamay "ballan ka bax" uu kula kacay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Cosoble ayaa ka warramay in labadooda ay sanadkii 2017 isku dhaarsadeen (oo Kitaab Quraan ah ay gacanta saareen) inay iskaashan doonaan, muddo yar kadibna uu Madaxweyne Farmaajo ka shaqeeyay in xilka laga tuuro.

Xafiiska Madaxweynaha ayaan ka falcelin qoraalka lagu eedeeyay Farmaajo.

Madaxweyne Deni

Siciid Cabdullaahi Deni

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa dabayaaqadii February 2021 xarunta hay'adda PDRC ka jeediyay khudbad inteeda badan uu uga hadlay xog aan loogu talo gelin in la shaaciyo.

Deni ayaa ka hadlay shirarkii guuldaraystay ee Dhuusamareeb ee looga arrinsanayay arrimaha doorashada Soomaaliya. Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in laga "fujin waayay arrinta Gedo".

Sidoo kale waxa uu soo qaaday wadahadal dhex maray isaga iyo Farmaajo kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkii rasmiga ahaa ee Madaxweynaha oo ku ekaa 8-da February 2021.

Siciid Cabdullahi Deni ayaa habeenkaas sheegay in Farmaajo uusan wax culus u arkin dhibaato ka dhacda Muqdisho, xilligaas oo uu meel adag marayay khilaafka ka dhashay hannaanka doorashada.

Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaan eedeynta Deni ka jawaabin.