Doorashada Soomaaliya: Qiimaha ay ku kacday in doorasho ay ka dhacdo Beledweyne

Xigashada Sawirka, Facebook
Waxaa shalay magaalada Beledweyne lagu soo gebagabeeyay doorashada Golaha Shacabka, kadib markii lagu doortay 24 kursi oo kamid ahaa 25-kii taallay magaaladaas deegaan doorashada labada u ahayd Hirshabelle.
Kursiga haray oo ah kii ay ku fadhiday xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ka dhacay magaaladaas ayaa lagu wadaa in doorashadiisa loo wareejiyo Jowhar oo ay ku harsan yihiin kuraas dhowr ah.
Beledweyne ayaa si lamid ah Garbohaareey waxaa ka taagnaa khilaaf salka ku haya qaab dhismeedka maamulka Hirshabelle ee uu hogaamiyo Cali Guudlaawe Xuseen.
Haddaba qiime intee dhan ayay ku kacday doorashada Beledweyne? Waxaan qormadan ku eegi doonnaa dhowr qodob.
Kacdoonkii jabhadda Jeneraal Xuud
Bishii November 2020, doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ayaa madaxweynaha Hirshabelle waxaa loogu doortay Cali Guudlaawe Xuseen oo xilka kala wareegay Maxamed Cabdi Waare.
Saami qeybsiga ay horay ugu dhisnayd Hirshabelle, ee balse aanan qornayn ayaa ahaa in madaxweynaha uu ka yimaado gobolka Hiiraan, balse taa waxaa bedashay doorashada Guudlaawe oo ka soo jeeda gobolka Shabeellaha dhexe.
Jenaraal Abuukar Warsame Xuud oo kamid ahaa saraakiishii ciidamada ee dowladdii kacaanka ayaa doorashada kadib Beledweyne uga dhawaaqay jabhad uu ku tilmaamay xaq u dirir, isla markaana diiddan xukunka uu la wareegay Cali Guudlaawe.
Xuud waxa uu markaa sheegay in Beledweyne ayaan loo oggolaan doonin mas'uuliyiinta sare ee maamulka Hirshabelle, waxaan bartimhii 2021 magaaladaas ka dhacay iska hor imaad hubaysan oo u dhexeeyay maleeshiyada uu hoggaaminayay jananka iyo ciidamada Hirshabelle.
Isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka ka taagan Beledweyne ayaa guuldaraystay.
Waxayse xaaladda cirka isku sii shareertay markii ay soo dhowaatay doorashadii golaha shacabka oo qeyb ka mid ah xildhibaanada la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Baladweyne oo ku astaysnayd goobta labaad ee doorashada Hirshabeelle.
Ugu dambeyntii , Jeneraal Xuud ayaa looga yeeray magaalada Muqdisho, wixii ka dambeeyayna waxaa is furfurey xaaladii cakirnayd ee Baladweyne.

Xigashada Sawirka, Facebook
Tegitaankii Guudlaawe
19-kii January 2022, Jenaraal Xuud ayaa ka degay caasimadda Muqdisho kadib markii uu Beledweyne kula soo kulmay taliyaha ciidanka dhulka ee Soomaaliya, jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.
Xuud oo ka hadlay safarkiisa ayaa sheegay in madaxtooyada uu kala xaajoonayo cabashada ay qabaan, balse uusan joojin kacdoonkii uu hogaaminayay.
Todobaadyo kadib, dowladda Federaalka ayaa ciidamo u badan booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad u dirtay Beledweyne, waxaana taasi ay gogol xaar u noqotay in madaxweyne Guudlaawe uu halkaa tago.
Cali Guudlaawe ayaa kulan uu la yeeshay waxgaradka Beledweyne ka sheegay inuu diyaar u yahay xallinta dhammaan tabashooyinka jira, isla markaana ay muhiim u tahay xal u helidda arrinta Beledweyne.
Tegitaanka Guudlaawe ee Beledweyne ayaa suuragelisay in magaaladaas ay ka dhacdo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taallay.
Doorashada xildhibaanada ayaa marka dhanka kale laga eego waxa ay horseedday in uu madaxweyne Guudlaawe tago Baladweyne kadib muddo 2 sano ah oo laga hortaagnaa in uu cag dhigo halkaasi.,
Qaraxyadii Beledweyne
Ku dhawaad 80 qof ayaa ku naf waayay qaraxyo ka dhacay magaalada Beledweyne markii ay ka billaabatay doorashada Golaha Shacabka.
19-kii February qarax ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha Beledweyne oo ay ku sugnaayeen odayaal iyo musharraxiin u taagnaa doorashada baarlamaanka ayaa waxaa ku naf waayay ku dhawaad 20 qof.
23-kii March qaraxyo ka dhacay xerada Lama-Galaay ee uu degan yahay madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo ay kamid tahay marxuumad xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.
"Haddii aanay Beledweyne doorashada ka dhici lahayn, intaas oo qof ma dhimateen," ayuu yiri Maxamed Cabdi Cumar oo fallanqeeya siyaasadda Soomaaliya.
Inkastoo ay Al-Shabaab sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas, ayaa hadda siyaasiyiin uu kamid yahay ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ay tilmaameen in aanay ka marnayn gacan labaad. Hase yeeshee siyaasiyiintaas ma aysan soo bandhigin caddeymo ku aaddan sheegashadooda.
Tartan furan kuraasta qaar
Hirshabelle ayaa waxaa si weyn loogu ammaanay qaabka ay u maaraysay doorashada aqalka sare oo maamullada intooda kale ay ka dhacday wax u eg xulafo lagu soo saaray dadka ay rabaan madaxda maamul goboleedyada.
Beledweyne waxaa sidoo kale ka dhacday tartan adag oo loo galay kursi kamid ah kuraasta halkaa taalay.
Tartanka oo u dhexeeyay musharraxiin dhowr ah ayaa waxaa isugu soo haray Cabdirisaaq Cabdullahi Ciid iyo Maxamed Daahir oo ay isku hooyo yihiin madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Tartanka oo qaatay saacado badan iyo dhowr wareeg ayaa waxaa markii dambe ku guulaystay Cabdirisaaq Cabdullahi Ciid oo la rumaysan yahay inuu u janjeero dhanka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
"Beledweyne waxaa ka dhacday doorasho inta badan ay ku soo baxeen dad aan la saadaalinayn, waana ku yaraa malxiiska," ayuu yiri Maxamed .











