Colaadda Ukraine: Muxuu Putin dalbanayaa si loo soo afjaro dagaalka?

Xigashada Sawirka, EPA
Wafuud ka kala socota Ruushka iyo Ukraine ayaa wadahadalo fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Istanbul, iyagoo ka wada hadlay dagaalka u dhaxeeya labada dal.
Labada dhinac ayaa horay u soo bandhigay qaar ka mid ah mowqifkooda. Ukraine waxa ay sheegtay in ay tixgalin doonto dalabka Moscow ee dhexdhexaadnimada, balse aanay ka tanaasuli doonin madaxbanaanideeda dhuleed.
Ruushku waxa uu ku baaqay in "ka taanaasusho naasinimada" iyo "hub ka-dhigista" Ukraine, iyada oo aan caddayn macnaha saxda ah ee dalabaadkaas.
Ka dib 5 toddobaad oo duqeyn ah, kumanaan dhimasho ah oo ka dhalatay ,magaalooyin burburay iyo barakaca in ka badan 10 milyan oo qof oo ku nool gudaha Ukraine iyo meelo kale, muxuu Putin u doonayaa si dagalka loo joojiyo?
Halkan waxaa idinku soo gudbinaynaa warbixin kooban oo ku saabsan waxa laga yaabo in dhinaca Ruushku dalbado wada xaajoodyada inta ay socdaan
'Dhexdhexaadnimada' Ukraine
Ruushka ayaa muddo dheer dalbanayay in Ukraine ay ahaato "dhex dhexaad" marka la eego is ballaarinta xulafada gaashaanbuurta reer galbeedka, ee Nato.
Dhab ahaantii, dad wax falanqeeya qaarkood ayaa aaminsan in tani ay tahay "sababta aasaasiga ah" ee duulaanka Ruushka, ayuu yiri Pascal Lottaz, oo ah khabiir ku takhasusay dhexdhexaadnimada waxna ka dhiga Waseda Institute for Advanced Study ee Japan.

Xigashada Sawirka, EPA
"Ruushka waxa ay u badan tahay in ay u baahan yihiin in Ukraine ay ku qorto dastuurkeeda ballan-qaad ah in aysan waligood ku biiri doonin Nato islamarkaana lala saxiixdo heshiis laba geesood ah Ruushka si loo xoojiyo mawqifkan", ayuu yiri Lottaz.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu ka hadlo dhexdhexaadnimada, inkastoo aysan caddayn waxa ay tani ka dhigan tahay iyo suurtagalnimada in Ukraine ay ku biirto Midowga Yurub mustaqbalka.
Xubinimada Midowga Yurub waxaa barbar socda dammaanad qaadka amniga labada dhinac, mana cadda sida Ukraine iyo Ruushka ay u arki karaan marxaladasi.
Hub ka dhigis
Tani waxay caddayn kartaa in Ukraine ay noqoto dal aan haysan sidii hore oo kale taageerada Nato iyo Yurub , waxay noqon doontaa mid aad ugu nugul duulaan kale oo Ruushku ku soo qaado.
Balse Lottaz ayaa rumeysan in qodobka muhiimka ah ee laga dha-dhansan karo in Ruushka waxa ay doonayaan ayan ahayn in ciidamada Ukraine la kala diro, balse ay doonayaan in ay xaqiijiyaan in aysan Ukraine helin hub niyukleer ah oo halis galin kara ammaanka Ruushka.
Waxaa ays sidoo kale Ruushka aysan doonayn in hubka Nato sidoo kale la dhigo Ukraine.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah tusaalayaasha waxaa ka mid ah qorshihii la dejiyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, markii Mareykanka uu ogolaaday in Japan ay dib u yagleesho cududeeda isdifaaca, islamarkaana waxaa laga mamnuucay in ay dagaal u adeegsadaan qaab lagu xalliyo khilaafaadka caalamiga ah.
Taas beddelkeeda, Japan iyo Maraykanka waxay kala saxeexdeen heshiis laba geesood ah, Japan waxay noqotay mid ku tiirsan Maraykanka marka laga hadlayo ammaankeeda.
Lottaz waxa uu aaminsan yahay in dalabaadka Ruushku aanay ilaa iyo intaa gaari doonin, malaha waxa ay diiradda saarayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen awood kasta oo weerar ah oo ay Ukraine yeelan karto.
'Ka saarida dhaqankii Naasiyiinta'
Putin ayaa ku eedeeyay dowladda Ukraine inay gacanta ku hayaan kooxaha Nazi-ga cusub, taasoo dadka indha indheeya siyaasadda ay fasiraadeeda isku khilaafaan.
Eedaynta Nazi waxay u keeni kartaa gef shakhsi ahaaneed Madaxweyne Zelensky, oo ka soo jeeda qoys Yuhuud ah oo awoowgood ay la dagaallameen Naziyiinta intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pascal Lottaz, oo ah khabiir ku takhasusay dhexdhexaadnimada waxna ka dhiga Waseda Institute for Advanced Study ee Japan ayaa rumeysan "in hadalka Ruushka laga yaabo in ay ula jeedaan isbadal lagu smaeeyo nidaamka dalka Ukraine oo uu madaxwayne Zelensky meesha ka baxo.
Si waji gabax uu uga badbaado, Ruushku wuxuu aqbali karaa in Zelensky uu sii joogo awoodda laakiin wuxuu ku adkaysanayaa in meesha laga saaro Guutada Azov, kooxda midigta fog, taas oo door muhiim ah ka qaadatay iska caabinta, duullaanka Ruushka.
Lottaz ayaa sheegaya in tani ay noqon doonto "wax yar oo la sameeyo" laakiin "ma dhaawacayso guutadan."
Donetsk iyo Luhansk
Ka dib markii uu wadahadal nabadeed la yeeshay Ukraine, Ruushku wuxuu ku dhawaaqay istaraatiijiyad cusub oo milatari oo ay ka mid tahay in ciidamadiisa ay dib uga gurteen magaalada Kyiv.
Taa beddelkeeda, waxa uu diiradda saaray oo uu ku soo laaban doonaa meelaha looga hadlo afka Ruushka ee ku yaal bariga Ukraine, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan gooni-goosadka uu Ruushku taageero.
Moscow ayaa dalban karta in Ukraine ay ka tanaasusho gobaladan gooni-goosadka ah ee Donetsk iyo Luhansk, ee ku yaal dooxada Donbas, kuwaas oo ah xudunta colaadda.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Crimea
Waxa kale oo suurtogal ah in Ruushku ka dalbado Ukraine in ay si rasmi ah u aqbasho ku biiradda gobolka Crimea ay ku biireen Ruushka .
Jasiiraddan waxaa soo galay oo la wareegay Ruushka sannadkii 2014-kii, waana goob ay maamusho Moscow.
Haddii Kyiv ay aqbasho shuruudahan, waxay noqon doontaa khasaare weyn oo dhuleed oo soo gaara Ukraine.
Luuqadda Ruushka
Kremlin-ka ayaa sidoo kale dalban kara dammaanad qaadka in isticmaalka luqadda Ruushka la ilaalin gudaha dalka Ukraine.
Tan iyo markii uu khilaafka Moscow sii xoogeystay 2014, luuqadda Ruushka waxay noqtay gundhigga muranka siyaasadeed ee Ukraine.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanaddii 2017-dii maxkamadaha Ukraine waxay mamnuuceen in luqadda Ruushka laga dhigo iskuulada, tan iyo markaas waxaa jiray sharciyo kale oo xakameynaya luuqadda Ruushka.
Tan iyo bishii Janaayo ,waxaa qsab ahaa in dhammaan wargeysyada qaranka iyo majaladaha Ukraine lagu daabacaa Luuqada Ukraine.
Wax kasta oo uu Putin dalbado oo arrimahaas ku saabsan, dadka siyaasadda indha indheeya ayaa sheegaya in heshiis nabadeed oo u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka uu qaadan karo waqti dheer.
Balse labada dal waxay leeyihiin sababo ay mid ku gaaraan.
Dhanka Ukraine, waxay ku saabsan tahay ka hortagga dhimashada dad badan oo rayid ah, oo ay ku jiraan khasaaraha dhanka hantida ah sida burburinta magaalooyinkeeda, iyo joojinta qulqulka qaxootiga ee dalalka deriska ah.












