Madax hore oo taageertay in Putin lasoo taago maxkamad lamid ah tii la horgeeyay Naasiyiinta

Xigashada Sawirka, Reuters
Ra'iisul Wasaareyaashii hore ee UK, Gordon Brown iyo Sir John Major ayaa doonaya in la sameeyo maxkamad caalami ah oo cusub si ay baaritaan ugu sameyso madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin kadib duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine.
Ra'iisul Wasaarayaashii hore waxay ka mid yihiin 140 aqoonyahanno, qareenno iyo siyaasiyiin si ay u saxiixaan codsi ku baaqaya in la sameeyo nidaam sharci ah oo loo qaabeeyey sida dacwaddii Nuremberg ee dambiyada dagaal loogu soo oogay Naasiyiinta ka dib dagaalkii labaad ee adduunka.
Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa horey u bilowday baaritaan ka dhan ah Mr Putin oo lagu eedeeyay in dambiyo dagaal uu ka geystay Ukraine.
Laakiin dadka qaar ayaa sheegaya in maxkamadda awoodeeda ay xaddidan tahay.
ICC ma sii wadi karto baaritaanada dambiyada dagaal iyadoo oo aan loo gudbin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo uu Ruushku diidi karo.
Ra'iisul wasaarihii hore ee xisbiga shaqaalaha, Mr Brown ayaa BBC u sheegay in tan iyo markii uu dumay darbigii Berlin "waxaan u maleynayay in ku dhaqanka sharciga iyo dimuqraadiyadda ay sii xoogeysaneyso", balse "Putin uu taas ku beddelayo adeegsiga awood"
"Haddii fariinta aan hadda la dirin, waxaan wajaheynaa gardarradda dalal kale oo laga yaabo in aanan wax tallaabo ah laga qaadin," ayuu u sheegay Gordon Brown barnaamijka maanta ee Radio 4 ee ka baxa BBC-da.
Mar wax laga weydiyay sida uu u arko madaxweynaha Ruushka uu galay dambiile dagaal, waxa uu ku jawaabay: "Wa waxa uu sheegay madaxweyne Biden, isku aragti ayaan nahay"
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa dhawaan ku tilmaamay Putin 'dambiile dagaal'.
Ruushka ayaa dhaleeceeyay hadalladaas oo ku tilmaamay "mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin"
Hoggaamiyeyaasha kale ee ku eedeeyay Ruushka in uu galay dambiyo dagaal waxaa kamid ah madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo Ra'iisul wasaaraha UK, Boris Johnson.
Mr Brown waxa uu sheegay in dagaalka uu u arko duqayn aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah, taasoo ka soo horjeeda xeerarka caalamiga ah, iyo sidoo kale jebinta xabad joojinta si loo furo marrinada gargaarka bini'aadantinimo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada Ruushka ayaa duqeeyay goobo ay dad rayid ah degan yihiin oo ku yaala magaalooyin dhowr ah oo dhaca Ukraine.
Shaley Ruushka wuxuu gantaallo ku garaacay tiyaatar hoy u ahaa boqolaal qof oo ku sugnaa magaalada go'doonsan ee dhacda koonfur bari ee Mariupol.
Ukraine waxay dhawaan ku tilmaantay duqeyn lagu qaaday isbitaalka Mariupol dambi dagaal.
Waa in la diraa digniin ah in madaxweyne Putin "uu si weyn u wajahi doono sharciga caalamiga ah" ayuu yiri Mr Brown, isaga oo intaa ku daray in dowladda Ukraine ay codsaneyso in lagu fuliyo tallaabo noocaas ah.
Waxaa la rajeynayaa in maxkamaddu ay wax ka qabato marka lasoo afjaro baaritaanada hadda socdo ee ku saabsan suurtagalnimada in Ruushka uu dambiyo dagaal ka geystay Ukraine.
Ololahan ka dhanka ah Putin waxaa horey u taageeray 740,000 oo qof - oo ay ku jiraan tiro dad ah oo saameyn ku leh bulshada.

Isaga oo wax ku qoray Daily Mail, Mr Brown waxa uu sheegay in yagleelidda maxkamad cusub ay xireyso "daloolka" sharciga caalamiga ah "si Putin uusan uga leexan caddaaladda.
"Waa inaan ku dhaqaaqnaa si degdeg ah, si aan u xaqiijinno dadka Ukraine in ay naga go'an tahay ficil-celin dhab ah - waa in kuwa la shaqeeya Putin haddii aysan iska fogeyn Putin waxay wajahayaan dacwad iyo xabsi," ayuu qoray Mr Brown.
Maxkamadeynta Nuremberg - oo loogu magac daray magaalada Jarmalka ee lagu qabtay dhageysiga dacwadda - waxay ahayd maxkamadeyntii ugu horeysay ee ku saabsaneyd dambiyo dagaal oo caalami ah iyada oo lasoo taagay Naasiyiintii ugu caansanaa oo caddaaladda la horkeenay kuwaas oo loo heystay falal dambiyeed.
Dembiyadaas waxaa ka mid ahaa inay geysteen dagaal gardaro ah, ku xad-gudbid caadooyinka dagaalka iyo in ay galeen dambiyo ka dhan ah bini'aadantinimada.
Xildhibaan Dmytro Gurin oo ka tirsan baarlamaanka Ukraine ayaa BBC-da u sheegay in uu ka shakisan yahay in codsiga uu dhab ahaantii horseedi doonto in maxkamad la soo taago Mr Putin.
"Waa inaad marka hore soo qabataa," ayuu yiri "Maxkamadda, waa fikrad fiican, dhammaan wadamada Yurub sida Great Britain iyo America waan uga mahadcelineynaa taageerada, laakiin, waxaan ku jirnaa xaalad dagaal"
"Markii uu dagaalkani billowday wuxuu ahaa dagaal shuruud ku xiran - ciidanka ayaa is weeraray, hadda kuma jirno dagaal shuruud ku xiran, labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa dhacayay dil wadareed" ayuu yiri xildhibaan Dmytro Gurin.
Tirada hubka

Xigashada Sawirka, Reuters
Sabtidii, Maraykanka, Jarmalka, Australia iyo Netherland waxay ku dhawaaqeen inay qorshaynayaan inay hub u dirayaan Ukraine si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah duulaanka Ruushka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ballan qaaday in ay usoo direyso Ukraine hub qiimihiisu dhan yahay $350 malyan oo doolar, oo ay ku jiraan gantaallada Javelin, gantaalada lidka diyaaradaha iyo jaakadaha aan xabadu karin.
Dhinaca kale, Jarmalka wuxuu sheegay in dalkiisu uu hadda hub geyn doono Ukraine. Hoggaamiyaha Jarmalka, Scholz waxa uu sheegay in dawladiisa ay u diri doonto Ukraine 1,000 kamid hubka lidka taangiyada iyo shan boqol oo gantaalaha lidka diyaaradaha ah kuwaas oo loogu talagalay inay soo ridaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee jooga hoose ku duulaya.
Dalka Netherlands wuxuu ku dhawaaqay in hubka, Panzerfaust-3 ee lidka taangiyada iyo 400 gantaallo ah uu siinayo Ukraine.
Labada dal ayaa eegaya suurtagalnimada in Ukraine la siiyo nidaamka difaaca hawada ee isku dhafka ah loo diro kooxda NATO ee fadhigeedu yahay Slovakia.
Sweden oo ku caan baxday dhexdhexaadnimada iyo xallinta colaadaha ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay gargaar milateri u diri doonto dalka Ukraine, gargaarkan oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1939-kii markaasoo Midowga Soofiyeeti uu ku duulay dalka Finland.
Dalka Canada wuxuu dhankiisa u ballan qaaday Ukraine in uu dirayo $ 19.6 milyan oo agab milatari oo isugu jiro (koofiyadaha, jaakadaha rasaasta celiya, maaskarada celisa gaaska iyo qalabka habeenkii ay militeriga wax ku arkaan"
Guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa Sabtidii shaacisay in markii ugu horreysay dalalka Yurub ay maalgelin doonaan soo iibinta iyo hubka la gaarsiiyo dalka uu Ruushka duulaanka ku qaaday.
Gaashaanbuurta Nato waxay billowday inay ciidammo u dirto Bariga Yurub si ay si deg deg ah jawaab uga bixiyaan halis kasta.
Ugu dambeyn dalka Australia ayaa Axaddii ku dhawaaqay inuu dhaqaale siinayo Ukraine si uu uga qayb-qaato dagaalka lagula jiro ciidamada Ruushka, balse wax faahfaahin kama uusan bixinin inta ay la egtahay taageerada uu siinayo Ukraine.










