Dagaalka ka socda Ukraine: Caabuqa iyo gaajada, iyadoo boqolaal qof ay ku dhuumanayaan maqaasiinada magaalada Mariupol

Boqolaal qof, ayaa isku ciriirinaya qeybta hoose ee dhisme weyn oo dadweyne ah oo ku yaalla magaalada go'doonsan ee Mariupol ee dalka Ukraine, balse waxaa gabaabsi ah cuntadii, iyadoo qaar badan oo kamid ah ay sidoo kale u baahan yihiin gargaar degdeg ah oo caafimaad.
"Qaar kamid ah dadka waxaa jeex jeexmay jirkooda," ayey tiri Anastasiya Ponomareva, oo ah 39 jir macalimad ah, oo kasoo carartey magaaalada bilawgii dagaalka, laakiin wali la xiriirtay saaxiibadii halkaas. "Arrimuhu aad bay halis u yihiin."
Magaalada waxaa ku hareereysan ciidamada Ruushka, waxaana weli ku socda duqeymo joogto ah, iyadoo ku dhowaad 400,000 oo qof ay weli ku go'doonsan yihiin biyo la'aan, waxaana si degdeg ah uga dhamaadey sahaydii iyo raashiinkii. Maamulka deegaanka, ayaa sheegay in dagaalka halkaas ka dhacey ay ku dhinteen ugu yaraan 2,400 oo qof oo rayid ah, balse waxey qireen in tirada tahay mid la yareeyey. Ms Ponomareva saaxiibadeed waxey kula jiraan qoysas kale oo kusugan qeybta hoose ee dhismaha. Dhammaantood way ka tageen guryo aan hadda ammaan ahayn, ama aan hadda taagneyn oo aan qoton saneyn."Dadka ay u suurtagashay iney ku dhuuntaan hoyga dhulka hoostiisa ah, waxey si joogto ah ugu nool yihiin halkaasi," ayey Ms Ponomareva ka sheegtay magaalada galbeedka ku taal ee Drohobych, halkaasoo ay ku nooleyd. "Dhammaantood kama bixi karaan halkaasi."
Maalintooda inteeda badan waxey ku dhamaataa iney ku dhuuntaan dhulka hoostiisa. Waqti ka waqti waxey koraan qeybta sare ee dhismaha, si ay u helaan iftiinta qorraxda, laakiin marar dhif ah ayey dibadda u baxaan. Xaaladda ayaa la sheegay iney si deg deg ah uga sii dareyso, maadaama dadka qaarkii ay qandhaysan yihiin waxnana aanan laga qaban karin. "Ma jiro gargaar caafimaad, lama heli karo antibiyotik." Waddooyinka qaar, ayaa ah kuwo aad khatar u ah, oo in yar ayaa u baxa iney soo qaadaan dadka dhintay. Kuwo badan ayaa lagu aasayaa xabaalo wadareedyo. Weerarada aan joogsiga laheyn ee Ruushka waxey deegaanadoodii hore u rogeen dhul cidla ah. Muuqaallo cusub oo ay soo duubeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, ayaa muujiyey baaxadda khasaaraha, iyadoo dab iyo qiiq uu ka baxayey guryaha dabaqyada ah iyo waddooyinka oo burbursan.
"Dhanka bidix, ma jiro dhisme la dego oo sax ah, dhamaan dhulkii wuu gubtay," ayey tiri Ms Ponomareva. "Bartamaha magaalada lama aqoonsan karo."

Hoyga isla dhismahaas, qoys ka kooban afar qof, ayaa waxaa la xiriirey Serhii Kozyrkov, oo ah baadari 40 jir ah, kaasoo ka baxsadey magaalada Mariupol labo toddobaad kahor. "Aad bay dadku u fara badan yihiin, mana jirto cunto ku filan," Mr Kozyrkov, oo hadda kusugan Lviv, ayaa sidaasi yiri. "Dadku way xanuun sanaayaan, sababtoo ah qabowgu aad buu u daran yahay, dadkuna way is dhinac jiifaan.
Illaa 2 kun oo gaadiid ah ayaa ku guuleystay in ay isaga baxaan magaalada Mariupol sida ay sheegeen mas'uuliyiinta dowladda hoose , iyada oo 2 kun oo kale ay diyaar u yihiin in ay baxsadaan.
Sidaas oo ay tahay wax gargaar bini'aadanimo oo loo fasaxay magaalada ayaa yar, sida uu sheegay ku xigeenka duqa magaalada Mariupol Mr Orlov.












