Colaadda Ukraine: Sheegashooyinka marin-habaabinta ah ee sii baahaya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo shan maalmood laga joogo markii uu bilowday duullaanka Ruushka ee Ukraine, ayaa warar been ah ama muuqaallo marin-habaabin ah iyo sawirro la xiriira dagaalkaasi ay sii baahayaan.
Waxyaabaha sida degdega ah u faafaya waxaa ka mid ah muuqaallo hore oo loo ekaysiiyay inay hadda yihiin - kuwaas oo ay la socdaan sheegasho ah in sawirrada sida midka kore uu yahay mid hore oo aanan hadda la qaadin, walow la caddeeyay in sawirkan laga qaaday colaadda haatan taagan.
Haddaba waxaynu eegaynaa qaar ka mid ah sheegashooyinka aadka u shaacay.
Sheegashada been abuurka ah ee 'qof jilayay dhibaato'
Waxaa online-ka la iskula wadaagayay sheegasho ah in sawirrada iyo muuqaallada laga soo duubay burburka dhismihii ay dadka deganaayeen ee Chuhuiv, ee bariga Ukraine, ee Khamiistii ay yihiin kuwo 2018-kii laga qaaday gaas ku qarxay magaalada Magnitogorsk ee waddanka Ruushka. Dadka qaar ayaa ku andacooday in sawir muujinaya haweenay uu dhiig qariyay oo goobtaas ku sugan uu sawirkaasi ahaa 2018 ama ay aheyd "qof dhibaato jilayay" - taas oo uu qof lacag ku siiyay si ay u jisho inay ku sugan tahay goob weerrar lagu qaaday.
Sheegashooyinkaas - oo ay sameeyeen dad Ruushka taageeraya oo kala duwan iyo koontooyin fikrado lagu baahinayay - ayaa dhammaantood ah kuwo been abuur ah.

Walow billowga horaba ay u muuqanayaan kuwo aad la isugu ekeeyay, haddana sawirrada ka imanayay qaraxii gaaska ee magaalada Magnitogorsk ee 2018 ayaanay isu dhigmayn sawirradii Khamiistii laga qaaday dabkii Kharkiv.
Arooryadii hore ee Khamiistii, Adeegga Degdega ah ee Qaranka Ukraine ayaa bartiisa Facebook-ga waxa uu soo dhigay farriin uu ku sheegayo in lagu wargeliyay "dab uu cadawgu kiciyay" inuu ku dhintay hal canug dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.
Weriye ku sugnaa goobta ayaa waxa uu bartiisa soo dhigay muuqaal muujinaya khasaaraha dabka uu gaystay, iyadoo ilo wareedyo kale oo ay ku jiraan sawir-qaadayaal ku sugnaa goobta ay soo dhigeen barahooda bulshada sawirro ay isla dhacdadaasi ka qaadeen.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba sawir-qaade ayaa sawirrada ka qaaday haweenayda, qaar ka mid sawirradaasina waxa ay ku soo baxeen bogogga hore ee website-yo iyo wargeyso ka soo baxa daafaha dunida bilowgii todobaadkan. Labada sawir-qaadaba waxa ay xaqiijiyeen in sawirrada la qaaday 24-kii Febraayo - xogtaas oo saxnimadeeda laga xaqiijiyay metadata taas oo muujinaysa isla waqtiga sawirradaas la qaaday.
Gabadha yar ee ka hortagaysa askariga Ukraine uma aanay dhalan
Sikastaba xaalku ha ahaadee, sawirro kale iyo muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada maalmihii la soo dhaafay ayaanan muujinayn waxa ay dadka qaar leeyihiin waa ay soo bandhigayaan.
Muuqaal aanan kala cadayn ayaa ku andacoonaya inuu muujinayo gabar u dhalatay Ukraine oo ka hortagaysa askari Ruush ah ayaa waxaa TikTok ka daawatay 12 milyan oo qof halka ku dhawaad hal milyan oo qofna ay ka daawadeen Twitter.
Hasayeeshee dhab ahaantii muuqaalku waxa uu muujinayaa Axed Tamimi oo ah gabar Falastiiniyad ah oo 11-jir aheyd waqtigii muuqaalka la qaadayay oo ka hor tagaysa askari Israa'iili ah kaddib markii la xiray walaalkeed ka wayn 2012-kii.
Shirkadda Twitter ayaa muuqaalka ku calaamadaysay "mid macne kale loo sameeyay", hasayeeshee waxa ay dad badan ku daawanayaan TikTok.

Xigashada Sawirka, Twitter
Dagaalka dhalooyinka qarxa ee Kyiv
Muuqaallo kala duwan ayaa waxaa lagu andacoonayaa inay muujinayaan dadka magaalada Kyiv oo ciidammada dhulka ee Ruushka kula dagaallamaya dhalooyinka qarxa, muuqaalladaas oo billowgii todobaadka aad ugu baahay dhowr goobood oo baraha ay bulshada ku wada xiriiraan.
Arrintaas waxa ay horseedday in qaar badan oo ka mid ah dadka barahaas adeegsada ay rumaysteen in muuqaallada ay muujinayaan iskudhacyada muwaadiniinta Ukraine iyo ciidammada Ruushka, waxaana dadka la sii wadaagay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Britain.

Xigashada Sawirka, Twitter
Hasayeeshee muuqaalka ayaa ah mid waa hore la qaaday. Waxaa la qaaday 2014-kii markaas oo ay socdeen dibadbaxyo ka dhacay Ukraine, kuwaas oo horseeday in awooddii laga tuuro madaxweynihii Ukraine ee xilligaas, Viktor Yanukovych.
Qeyb ka mid ah muuqaal la jilay oo aad u baahay
Muuqaal ayaa u muuqdo inuu muujinayo duuliye u dhashay waddanka Ukraine oo soo ridaya diyaarad dagaal oo uu Ruushku leeyahay ayaa waxaa bartiisa Twitterka soo dhigay taleefishinka Nexta TV, oo ah warbaahin laga leeyahay Belarus oo noqotay il wareed laga helo muuqaallada dibadbaxyadii loogaga soo horjeeday dowladda Belarus kaddib doorashooyinkii madaxtinimada ee lagu murmay ee 2020-kii.
Muuqaalka ayaa waxa uu muujinayaa diyaarad dagaal oo uu dab qabsaday oo uu xigay dhawaqa qarax wayn, waxaana la daawaday ku dhawaad hal milyan oo jeer.

Xigashada Sawirka, Twitter
Sikastaba xaalku ha ahaadee, taasi dhab ma ahan. Waa qeyb laga soo jaray muuqaal la jilay oo lagu dheelo oo Arma 3 ah, wax ka khuseeya dagaalka ka socda Ukraine-na ma ay jirto.
Carruurta Ukraine ma waxay sagootiyeen ciidammada?
Muuqaal ayaa muujinaya laba canug oo sii sagootinaya kolonyo ciidammada Ukraine ah oo ku wajahan jiidda dagaalka, ayaa waxa uu soo jiitay malaayiin falcelin ah - iyadoo dadkuna ay ka heleen lana sii wadaageen dadka kale.
Waxaa bartiisa Twitterka soo dhigay Adam Kinzinger oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt, iyo dad kalaba.

Xigashada Sawirka, Twitter
Hasayeeshee sawirka ayaa ah mid waa hore la qaaday, oo markii ugu horraysay waxaa la daabacay 2016-kii.
Waxaa qaaday sawir-qaade si mutadawacnima ah ula shaqeynayay wasaaradda gaashandhigga ee Ukraine kaas oo la eryay kaddib markii lagu eedeeyay inuu sameeyay qaar ka mid ah sawirrada dagaalka.
Maayirka Kyiv oo jooga jiidda hore ee dagaalka
Sawirka maayirka magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa aad la isula wadaagay barta Instagramka, iyadoo lagu andacoonayo inuu ku sugan yahay jiidda hore ee dagaalka.
Hasayeeshee markale waxaa soo baxday inuu sawirkaasi yahay mid waa hore la qaaday - oo markii ugu horraysay waxa uu Mr Klitschko soo dhigay bartiisa Instagram-ka bishii Maarso 2021, isagoo ku sugnaa xarunta tababarka ee Desna ee gobolka Chernihiv.
Walow sawirkaasi uu dadka marin-habaabinayo, waxaa haddana run ah in Mr Klitschko uu magaaladiisa ka garab difaacayo ciidammada Ukraine waqtigan dagaalku uu socdo.

Xigashada Sawirka, INSTAGRAM
Zelensky ma wuxuu shaah la cabbay ciidammada Ukraine?
Muuqaal la leeyahay waxa uu muujinayaa madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo xiran dareyska milateriga oo niyadda u dhisaya ciidammada Ukraine isagoo shaax kula cabbaya jiidda hore ee dagaalka ayaa bilowgii todobaadkan waxaa daawaday ku dhawaad 3 milyan oo qof.
Muuqaalku waa sax, hasayeeshee waxaa la duubay todobaad ka hor, inta uusan dagaalku bilaaban. Waxaa lagu qaaday Shyrokyne markaas oo uu madaxweyne Zelensky uu booqday ciidammada ku sugnaa jiidda hore si uu ugu muujiyo taageerada uu ciidankiisa u hayo.

Xigashada Sawirka, Twitter
Dhanka kale, koonto Telegram ah oo ku cad magaca Mr Zelensky ayaa soo jiidatay indhaha bilowgii todobaadkan kaddib markii la soo dhigay farriimo ciidammada Ukraine loogu boorinayo inay hubkooda dhigaan oo ay isdhiibaan. Hasayeeshee koontadaas been abuur ayey aheyd.
Mr Zelensky waxa uu kanaal la qeexay inuu leeyahay uu ku leeyahay Telegram, halkaas oo uu qarankiisa kala hadlayay intii ay colaaddan socotay isagoo soo dhigayay muuqaallo kookooban oo lagu baahinayay barahiisa bulshada ee la xaqiijiyay inuu isagu leeyahay.











