Irbil: Qunsuliyad uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq oo gantaallo lagu weeraray

Xigashada Sawirka, Reuters
Weerar gantaallo ah ayaa lagu qaaday Qunsuliyadda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Irbil oo ah caasimadda gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalka Ciraaq, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee dowladda Ciraaq.
Dadka magaalada ayaa kusoo toosay qaraxyada ka dhashay gantaallada. Sawirro laga qaaday qaraxyada ayaa sidoo kale lagu shaaciyay baraha bulshada.
Saraakiisha laamaha ammaanka ee Ciraaq ayaa Wakaaladda Wararka ee Associated Press u sheegay in ugu yaraan lix gantaal lagu tuuray qunsuliyadda Mareyknaka ee ku taalla magaalada Irbil.
Af hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo Mareykanka kasoo gaadhay waxa ka dhacay Ciraaq.
Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa ku dhacay magaalada, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Mas'uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray.
Irbil waxaa ku yaalla sarumo ay leeyihiin Mareykanka ku sugan dalka Ciraaq.
Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.
Mas'uulkan oo qariyay magaciisa ayaan bixinin wax faahfaahin ah oo intaas kasii badan.
Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas'uuliyadda, mana jiraan warar rasmi ah oo xogta ku saabsan.
Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay "weerar cadho xooggan kiciyay" balse waxa uu sheegay in aan wax burbur ah loo geysanin xarumaha ay dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Irbil.
Telefishinka ku hadla afka dowladda Ciraaq ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda la dagaallanka argagixisada ee gobolka Kurdistan oo sheegaya in 12 gantaal oo laga soo tuuray dibadda ay ku dhaceen magaalada Irbil.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan sladhigga ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Irbil ayaa horay ula kulmay weerarro gantaallo ah iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, kuwaasoo ay saraakiisha Mareykanka mas'uuliyaddooda ku eedeeyeen kooxo taabacsan dowladda Iiraan.
Hase ahaatee weerarrada noocan ah ma aysan dhicin in muddo ah.

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciraaq iyo waddanka deriska la ah ee Suuriya ayaa si joogto ah ula kulma saameynta ka dhalata qalalaasaha u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan.
Maleyshiyaadka shiicada ah ee taageera Iiraan ayaa horay militeriga Mareykanka ugu weeraray labada waddanba gudahooda, xukuumadda Washington ayaana dhankeeda ku aargoosatay duqeymo xagga cirka ah.
Markii ugu dambeysay ee gantaallada riddada dheer lala beegsaday ciidamada Mareykanka waxay ahayd bishii January ee sanadkii 2020-kii - tallaabadaas oo ahayd aargoosigii Iiraan ee daba socday dilkii uu Mareykanka u geystay taliyihii militeriga Iiraan, Qaasim Suleymaani, oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha Baqdaad.
Ma jirin cid ka tirsan askarta Mareykanka ama shaqaalahooda kale oo lagu dilay weerarkaas dhacay 2020-kii, base qaar badan oo ka mid ah askarta Mareykanka ayayay soo gaadheen dhaawacyo dhanka madaxa ah.

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Duqeyn ay Israa'iil ka fulisay Suuriya maalintii Isniinta ayaa lagu dilay labo xubnood oo ka tirsan militeriga Iiraan, sida ay isbuucan tebiyeen warbaahinta ku hadla afka xukuumadda Tehran.
Taliska militeriga dalkaas ayaa wacad ku maray in ay aargoosi sameyn doonaan, sida ay warbaahinta sheegeen.
Saraakiisha gobolka Kurdish-ka wali ma aysan ku dhawaaqin cidda weerarka gantaallada ah kusoo qaadday. Afhayeen u hadlay maamulka gobolka ayaa sheegay in aysan jirin wax duullimaadyo ah oo laga carqaladeeyay garoobka Irbil.












