Nin madow caan ah oo lagu khalday inuu yahay tuug bangi dhici rabay

Xigashada Sawirka, iStock
Warbixin uu soo saaray booliska Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday, in agaasimaha filimka caanka noqday ee Black Panter lagu khalday nin tuug ah oo bangi lacag ka dhici rabay, xili uu isku deyayey inuu lacag kala baxo akoonkiisa oo uu ku lahaa bangi ku yaalla dalka Mareykanka.
Ryan Coogler ayaa xirnaa muddo kooban, kaddib markii uu isku deyay inuu bangiga Atlanta kala baxo lacag dhan $12,000 (£9,100).
Shaqaalaha bangiga ayaa madaxa bangigaasi ku wargelisay in ay ka shakisay isku day xatooyo kaddib markii ay dareentay wax is dabamarin
Mr Coogler ayaa warbaahinta Outlet TMZ ee Mareykanka u sheegay in "xaalad noocaas ah uusan abid ku fekerin inay ku dhaceyso".

Xigashada Sawirka, Alamy
Sida laga soo xigtay warbixinta booliska, Mr Coogler, ayaa lagu soo warramay inuu xirnaa mask madow ah, okiyaale iyo sidoo kale koofiyad, wuxuuna shaqaalaha bangiga u dhiibay warqadda uu lacagta kala baxayay, isagoo ku wargeliyay inuu doonayo inuu akoonkiisa kala baxo lacag dhan 12,000 oo doolar.
Warqadda ayuu sidoo kale ku codsaday in lacagta uu la baxaayo lagu tiriyo meel kale, isagoo muujiyay aqoonsigiisa.
Wargeyska The New York Times ayaa ku warramay in agaasimaha uu booliska u sheegay inuu bixinayay lacag oo ay ahayd inuu siiyo kalkaaliye caafimaad oo u shaqeynaysay qoyskiisa balse uu dhibaato kala kulmay la bixidda lacagtaasi ee uu codsaday.
Shaqaalaha bangigaasi oo ahayd madow si lamid ah Mr Coogler, ayaa ahayd xaamilo waxaana markaasi la soo daristay walwal la xiriira badqabkeeda, sida uu wargeysku ku soo warramay.
Lacagta uu kala baxayay bangiga ayaa waxaa ay kor u dhaafeysay 10,000 oo dollar, sidaas awgeed waxaa ay dhalisay tuhun xatooyo ah, booliska ayaana la wacay.
Agaasimaha, la shaqeeya shirkadda filimka Black Panther ayaa la xiray, wuxuuna ugu dambeyntii soo bandhigay cadeymo la xiriira aqoonsigiisa.
"Waxaan aad ugu qoomameyneynaa in arrintani ay dhacday. Ma aysan ahayn inay abid dhacdo, balse raali gelin ayaanu weydiisannay Mr Coogler" ayuu yiri afhayeen u hadla Bank of America oo u warramay wargeyska Variety ee dalkasi.










