Cudurka cusub ee halka qof dilay balse laga cabsi qabo in uu dad badan galaafto

Lassa ayaa ah cudur ay isu dhow yihiin Ebola

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Lassa ayaa ah cudur ay isu dhow yihiin Ebola

Todobaadkii la soo dhaafay Hay'adda badbaadada Caafimaadka ee UK ayaa ka war bixisay saddex xaaladood oo qandhada Lassa ah, wuuxuuna fayraskan ilaa hadda dilay cunug yar oo markaas dhashay.

Wiilka yar ayaa fayraska ugu geeriyooday waddanka Britain.

Haddaba kuwani waa su'aalaha la iska weydiinayo cudurkan laga baqayo in uu baddelo caabuqa corona, oo dadku ay rabaan inay wax ka ogaadaan

Halkee ayuu asal ahaan ka yimid Cudurkan Cusub ee loo yaqaano Lassar fever ama Xummadda Lesser?

Sida laga soo xigtay bogga Xarunta Xakamaynta iyo Ka hortagga Cudurrada ee Maraykanka, Xumadda Lassa waa cudur ka yimid dhanka xayawaanka oo kuna dhaca xayawaanka ku nool dalalka Galbeedka Afrika sida Sierra Leone, Liberia, Guinea iyo Nigeria.

Cudurkan waxaa sababa fayraska Lassa oo loogu magac daray magaalo Nigeria ku taalla, halkaasoo markii ugu horreysay laga soo sheegay sanadkii 1969-kii.

Fayrasku waxa uu gaar ahaan ka yimid Jiir Afrika ku nool oo dadka qaar ay cunaan.

Jiirka Afrika ku nool ayaa si caadi ah looga helaa qaybaha kale ee wadamadda Afrika, halkaas oo uu fayraskan Lassa si fudud ugu sii faafi karo dhamaan waddamadda.

Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka waxay sheegtay in waddamada deriska la ah waddamada Galbeedka Afrika ay halis ugu jiraan in uu ku faafo caabuqa uu keeno fayraska Lassa.

Maadaama jiirku uu jecel yahay in uu ku faafo meelaha u dhow goobaha dadku deggen yahay, waxay u gudbin karaan fayraska bini'aadamka iyaga oo wasakheyn kara cuntada ama xitaa toos u wasakheeya goobaha cuntooyinka lagu karsado.

Bini'aadamku waxay ku qaadi karaan fayraska Lassa marka ay neefsadaan qayb ka mid ah fayraska ama qaadashada cuntada wasakhaysan ee fayrasku saameeyay.

Marka qofka uu qaado, fayrasku wuxuu u sii gudbin karaa qof kale hadii ay isweydaarsadaan dareeraha jidhka sida candhuufta ama qofka uu soo gaaro dhiigga qofka cudurkan qaba, unugyadda, ama saxarada qofka qaba ayaa sidoo kale laga helaa cudurka.

Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Sierra Leone oo la sawiray iyadoo heysa jiir fayraska u gudbin kara dadka isagoo taabanaya raashin ama waxyaabo kale oo guriga yaalla

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Sierra Leone oo la sawiray iyadoo heysa jiir fayraska u gudbin kara dadka isagoo taabanaya raashin ama waxyaabo kale oo guriga yaalla

Bukaannada jooga dalka UK oo cudurkan hadda la il daran ayaa waxaa ay dhawaan safar ku tageen wadamada Galbeedka Afrika.

Hadaba maxay yhiin calaamadaha lagu karan karo qofka qabo vayruska Lassa?

Calaamadaha xumadda Lassa ayaa waxaa qofka lagu arkaa toddobaad ugu horeeya ama ilaa iyo saddex toddobaad marka uu qofka ku dhaco, calaamaduhu intooda badan waa kuwo fudud waxaana kamid sida qandho yar , daal, iyo madax xanuun.

Qiyaastii 20 boqolkiiba dadka uu ku dhaco cudurkan waxaa suura gal ah in ay isku arkaan dhibaato dhanka neefsashada ah, matag soo noqnoqda, barar wajiga ah, xanuunka lab xanuun ,dhabar xanuun, dhiigbax, dhiigbax gudaha ama dibadda ah oo ka yimaada indhaha, sanka, ama cirridka.

Cudurkan ma waxa uu noqon doonaa cudur dunida saameyn ku yeesho sida Corona oo kale ?

Nasiib wanaag, cudurku uma fido si dhakhsi aha sida coronavirus oo kale , oo aan wali la rajeyneyno in laga soo kabsano.

Iyadoo qof-ka-qof u gudbintu ay suurtogal tahay, waxay sidoo kale u baahan tahay in labada qof ay is-dhaafsadaan dareeraha jidhka, taas oo aan caadi ahaan ku dhicin xaaladaha caadiga ah.

Xaaladda qoyska dhalay canugii dhawaan dhashay oo u dhintay cudurkan oo ku nool U.K oo labaaraay ma muujin in caabuqu uu ku sii fiday iyaga sidoo kale Shaqaalaha isbitaalkaasi lagu daweynayay willka dhintay ayaa loo sheegay in ay galaan karantiil muddo laba toddobaad ah.

Sideed kiis oo ah fayraska Lassa ayaa ilaa iyo 1980-meeyadii lagu arkay wadanka UK, iyadoo labadii kiis ee ugu dambeeyay la arkay sanadii 2009. Khatarta guud ee dadweynaha waa mid aad u hooseysa.