Nadaafadda afka: Maxaa sababa af urka, sidee ayaadna uga hortagi kartaa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nadaafadda afka waa dhibaato ay khubarrada ku sheegeen inay saameyso ku dhowaad 25 boqolkiiba bulshada caalamka. Waxaa jiro waxyaabo badan oo dhibaatadan sabab u ah, balse intooda badan waxay la xiriiraan nadaafadda afka.
Af urka ayaa isku buuq ku abuura bulshada, waxaana takoor la kulmi kara qofkii lagu arko, balse ma fududa in laga soo kabto dhibaatadan.
Wargeyska arrimaha caafimaadka ee MNT ayaa daabacay warbixin dadka ka caawin karta wax ka qabashada xaaladdan.
Wargeyska Medical News Today ayaa ku qiyaasaya in afartii qofba uu qof ka mid ah qabo dhibaatada af urka.
Urta neefta waa sababta saddexaad ee ay dad badan u raadsadaan daaweyn kaddib marka ay la soo deristo ilko xanuun.
Neefta oo soo urta waa dhibaato jirta oo degganaansho la'aan ku keenta qofka. Inkastoo, dadka qaar aysan is ogeyn in afkoodu urayo, balse kuwa agtooda jooga ayaa dareemi kara.
Waxay xaaladdan qofka dareensiisaa inuu ceeb dareemo gaar ahaan marka uu ogyahay in la dareemayo urta neefta. Waxaa ceebtaas dareenkeeda u badan dumarka.
Af urka waxaa aalaaba laga dareemi karaa masaafo ilaa afar mitir ah.
Maxaa sababa af urka?
Af urka waxaa sababi kara haddii aan si wanaagsan ilkaha loo cadeynin.
Sidoo kale, waxaa jiro cunnooyinka qaar oo sababi kara af urka.
Arrimo kale oo badan ayaa sidoo kale horseedi kara af urka.
- Waa dhibaato saameysa afartii qofba midkood
- Sababta ugu weyn waa nadaafad darro afka ah
- In afka ay cunto ku harto ayaa sababi karta xaaladdan
- Ilkaha oo daxaleysta
- Af qalleylka
- Cabidda xashiiska ayaa sababi karta af urka
- Waxaa sidoo kale jiri kara daawooyin caafimaad oo sababi kara af urka balse keliya waa inta aad qaadaneyso daawooyinkaas
- Waxaa sidoo kale jira caabuq haleela sanqada, sanka iyo afka kaas oo sababi kara dhibaatadan
- Cunnooyinka sida basasha iyo toonta ayaa gacan ka geysan kara daaweynta af urka

Sidee u xallin kartaa dhibaatadan?
Sida ugu fiican ee aad ula tacaali karto af urka waa in aad afkaaga nadiifisaa adiga oo si joogto ah ilkahaaga u cadeynaya mar walba oo aad wax cunto iyo markaad seexaneyso.
Si joogto ah ula kulan dhaqtarkaaga ilkaha si aad u ogaato in ilkahaaga ay jirran yihiin sidaas darteedna ay keeneyso af urka. In aad dhaqtar aragto sannadkii labo jeer ayaa kugu filan.
Waxaa fiican in aad afkaaga ku meyrto biyo diirran iyo cusbo maaddaama ay dilayaan jeermiska afkaaga ku jira ee sababaya af urka.
Ku dadaal in aad afkaaga ka saarto cuntada ku hartay.
Marka ay cadeysiga tahay, sidoo kale caday carraabkaaga.
Kafogow in afkaagu qalleyl noqdo. In aad cabto biyo badan ayaa xaaladdan yareyn karta xitaa haddii aadan maalintaas oo dhan wax cunin.
Ka fogow cabidda sigaarka amaba aalkolada.
Cun cunnooyinka fudud ee aan sokorta ku jirin.
Haddii uu qofku isku dayo inuu sameeyo waxyaabahaas oo dhan welina ay dhibaatadu heysato waxaa fiican inuu u tago dhaqtar, waxaa laga yaabaa inay jiraan ilko daxalaystay oo u baahan in la bixiyo.
Shan waxyaabood oo aad sameyn karto si aad uga nabad gasho af urka

Dadka qaar ayaa ku taliya inaad ilkahaaga cadeyso maalintii labo jeer. Balse dhaqaatiirta caafimaadka ayaa ku talinaya arrimo kale oo muhiim ah oo loo baahan yahay inaad sameyso si aad uga badbaaddo af urka, ilkaha oo daxaleysta, iyo cirridka oo ku bukooda.
Talooyinka waxaa ka mid ah:
- Ha luqluqan isla markiiba kaddib markaad cadaysato
Waaxda Caafimaadka UK (NHS) ayaa ku talineysa in markaad cadaysiga dhammeyso, aad mar labada daawada ilkaha isticmaasho, oo aadan luqluqan hal mar oo aad cadeysatay.
- Ha isticmaalin qori si aad cuntada uga saarto ilkaha.

Xigashada Sawirka, AFP
NHS ayaa dadka kula talineysa inaysan isticmaalin qori si ay cuntada uga saaraan ilkaha dhexdooda, maaddaama qoryaha ay saameynayaan cirridka ayna sababi karaan caabuq.
- Isticmaal dun si aad u yareyso af urka
Khubarrada waxay ku talinayaan inaad isticmaasho dun aad ilkaha dhexdooda gelineyso si aad uga soo saarto cuntada ku hartay ee sababeysa af urka. Si kastaba waxay soo jeedinayaan inaay joogto u isticmaasho dunta si aad uga shaqeyso caafimaadka iyo nadaafadda afkaaga.
- Isticmaal daawada ilkaha
NHS ayaa dadka kula talineysa inay isticmaalaan biyo daaweysan oo lagu luqluqdo. Cadeysiga kaddib markii aad biyo ku luqluqato, waa inaad isticmaashaa biyaha daweysan oo kaa caawinaya in maaddada fluoride ay ku sii jirto afkaaga si ay u nadiifiso.
- Waa inaad carururta ka caawisaa inay ilkahooda cadayaan ilaa ay ka gaarayaan 7 jir

Xigashada Sawirka, Getty Images
NHS ayaa dadka kula talineysa inay ilmaha ka caawiyaan cadeysiga ilaa ay ka gaaraan toddoba sano. Sida talada ku xusan, haddii aadan caawin, ma awoodi doontid inaad la socoto amaba barto sidii ay u nadiifin lahaayeen ilkahooda mana xusuusan doonaan inay si joogto ah u cadeystaan.













