Morocoo: Rayan oo laga soo saaray godkii uu shan maalmood ku jiray

Xigashada Sawirka, Social/Twitter
Waxaa lagu guuleystay in godka laga soo saaro wiilka yar ee reer Morocco, Rayaan, oo dhowr maalmood ku jiray meel ceel ah.
Markii ceelka laga soo saaray ayaa waxaa durbadiiba lagu qaaday ambalaans ama gaari nooca gurmadka degdega ah kaas oo loo malaynayo in lagu gaynayo isbitaalka.
Boqollaal qof oo goobta isugu soo uruuray ayaa markii wiilka yar laga soo saaray ceelka waxa ay ku qaylinayeen Allaahu Akbar - Allaah ayaa wayn, farxad iyo rayn rayn ayuuna jawigu isu badalay.
Xaaladdiisa caafimaad oo aan xog badan laga heynin waxaa la tacaalaya dhakhaatiir ilaa maanta oo dhan ku jiray godka.
Daqiiqado ka hor inta aan lasoo bixinin ayay warbaahinta Morocco soo tabiyeen in soo bixinta Ryan Saalim ay aad usoo dhawaatay kaddib markii uu shan maalmood ku xayirnaa ceelka dhexdiisa.
Wax yar ka hor soo saaristiisa waxaa la maqlayay codadka dad qaadaya anaashiid ducooyin ah iyo erayo muujinaya weyneynta Alle iyo mahad celinta Alle.
Shaqaalaha gurmadka ayaa god weyn ka qoday ceelka dhiniciisa, si ay u gaaraan halka uu wiilka yar ku jiro.
Ceelka uu ku dhacay Rayan ayaa ku yaalla duleedka magaalada Chefchaouen ee waddanka Morocco.
Xiili hore oo maanta ah ayay howl wadeennada gurmadka u suurtagashay inay gaaraan wiilka, inkastoo ay ku adkaatay inay gacanta kusoo dhigaan.

Xigashada Sawirka, Al-Jasiira
Waxaa aad looga walwalsanaa sida uu ku helayo neefta Oxygen-ta ilaa inta laga soo bixinayo.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa laga dhur sugayay kooxda badbaadinta oo godka galay islamarkaana wiilka usoo saarayay dibadda. Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa godka la galay kooxda badbaadada si ay ula tacaalaan haddii uu halis caafimaad ku sugan yahay.
Waxaa lasoo tabiyay in wiilka yar uusan wax cunin waxna cabin muddo shan maalmood ah. Sidoo kale khubarada caafimaadka ayaa ka walwalsan in maadaama ceelka uu ku dhacay uu aad u dheeryahay ay dhaawacyo gaadheen.
Heer kulka gobolka ayaa gaadha heer aad u sarreeya oo noqon kara 40 digrii ilaa 50 digrii, taasoo dhibaato weyn ku noqoneysa qof god ku jira.
Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah uusan gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.

Xigashada Sawirka, Al-Jazeera Net
Warbaahinta Morocco ayaa goor sii horreysay soo tabiyay in qodista la joojiyay kaddib markii ay koox gurmad ah gudaha u galeen godka, iyagoo howlgalkoodu ahaa inay soo bixiyaan wiilka yar.
Waxaa goobta dhowr saacadood taagnaa gaari ambalaas ah oo lagu qaaday wiilka si deg deg isbitaalka loogu geeyo.
Goor dambena waxaa la geeyay gaadhi kale oo ambalaas ah.
Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen waalidiinta wiilka ayaa galabta gaartay goobta. sidoo kalena waxay wadday shaqaale caafimaad. Dad aad u badan ayaa dhoobnaa godka hareerihiisa tan iyo markii uu gurmadka billowday.











