Morocco: Maxay dhaheen qaar ka mid ah shaqaalaha gurmadka oo kasoo baxay godka uu ku jiro Rayan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xubno ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah ee gudaha u galay godka uu ku xanniban yahay Rayan oo ah wiilka yar ee reer Morocco ayaa sheegay in ay rajo fiican qabaan.
Mid ka mid ah oo la hadlay telefishinka Al-Jasiira ayaa sheegay in ilaa iminka aysan suurtagelin in gacanta lala gaadho Rayan balse wali uu socdo dadaalka.
"Ilaa caawa ayaan ku rajo weyn nahay in wiilka lasoo bixiyo isagoo caafimaad qaba," ayuu yidhi.
Waxaa aad looga walwalsan yahay sida uu ku helayo neefta Oxygen-ta ilaa inta laga soo bixinayo.
Saraakiisha howlgalka gurmadka ayaa goor dhaweyd sheegay in wiilka lasoo bixin doono maanta gudaheeda.
Saddexdii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa laga dhur sugayay kooxda badbaadinta oo godka galay. Qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ayaa godka la galay kooxda badbaadada si ay ula tacaalaan haddii uu halis caafimaad ku sugan yahay.
Waxaa lasoo tabiyay in wiilka yar uusan wax cunin muddo shan maalmood ah. Sidoo kale khubarada caafimaadka ayaa ka walwalsan in maadaama ceelka uu ku dhacay uu aad u dheeryahay ay dhaawacyo gaadheen.
Heer kulka gobolka ayaa gaadha heer aad u sarreeya oo noqon kara 40 digrii ilaa 50 digrii, taasoo dhibaato weyn ku noqoneysa qof god ku jira.
Ceelkan ayaa u sameysan god aad u dhuuban oo qof caadi ah uusan gali karin, wuxuuna ka duwan yahay qaabka loo qodo ceelashada Soomaalida. Dhulka oo buuraley ah ayaa adkeeyay shaqada gurmadka.
Warbaahinta Morocco ayaa goor sii horreysay soo tabiyay in qodista la joojiyay kaddib markii ay koox gurmad ah gudaha u galeen godka, iyagoo howlgalkoodu ahaa inay soo bixiyaan wiilka yar.

Xigashada Sawirka, Twitter
Waxaa goobta la geeyay diyaarad ambalaas oo nooca qumaatiga u kaca ah, taasoo lagu qaaday wiilka si ay deg deg isbitaalka ugu geyso.
Diyaaradda oo ay la socdeen waalidiinta wiilka ayaa sidoo kale wadday shaqaale caafimaad. Dad aad u badan ayaa dhoobnaa godka hareerihiisa tan iyo markii uu gurmadka billowday.
Howlgalkii gurmadka
Kooxaha oo shaqaynayay shantii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa qodey masaafo la mid ah inta uu ceelka hoos u qodanyahay, marka ay la simmaan meesha uu wiilka ku jiro ayay si gudub ah u qodi doonaan god si ay wiilka u gaaraan.
Cannugani oo warbaahinta maxaliga ah ay ku sheegeen Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshaawan.
Rayaan ayaa la rumaysan yahay in uu ku dhacay ceel dheerarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir, isaga oo marar ceelka afkiisa oo aad ciriiri u ah.
Hawlgallada samatabixinta ayaa socday ilaa fiidnimadii Talaadada.
"Aad baan ugu dhownahay in aan gaarno wiilka" ayuu yiri hormuudka hawlgalka Cabdisamad Makuuti, oo intaas ku daray in si aan kala joogsi lahayn ay u shaqaynayeen muddo seddex cisho ah, iyada oo hadda dadka laga dareemayo daal, balse taasi aysan ka hor joogsan in ay hawsha joojiyaan.
Afhayeenka dawladda Mustafa Baitas ayaa xalay sheegay in hawlaha lagu badbaadinayo wiilkaasi yar ay haatan marayaan meel fiicaan isla markaana la filayo in goor dhow bannaanka loo soo saaro.
"Dareenkayagu waxa uu la jiraa qoyskiisa, waxaanan ka ugu duceynaynaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uu ugu soo laabto," ayuu yiri Mustafa.
Odayga dhalay Rayaan ayaa sheegay in uusan xitaa hal daqiiqo hurdo indhaha is galin shantii maalin ee lasoo dhaafay, taasna ay kala mid tahay hooyada wiilka dhashay.
Inkastoo uu ceel aad u dheer ku dhacay, haddana muuqaal lagu soo duubay kaamiro loo dhaadhiciyay gunta ceelka ayaa muujinaysa in wiilkan yar uu weli nool yahay oo uu miyir qabo, inkastoo ay ka muuqdaan dhaawacyo fudud oo madaxa ah.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wiilkaasi u dhaadhiciyay qalabka neefsiga ee Ogsijiinka, cunno iyo biyo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan koox hawlwadeenno caafimaad ah oo diyaar u ah in ay daweeyaan wiilkan isla marka ceelka laga soo saaro. Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah wiilkaasi si loo geeyo isbitaalka marka laga soo saaro ceelka.
Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socda muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warrameysa in maamulka gobolka ay kormeerayaan isku dayga samatabixinta wiilkan yar, waxaana hawlgalkaasi qeyb ka ah tiro ciidamada booliiska ahi iyo dhamaan qeybaha kale geddisan ee ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.
Maxamed Yaasiin El Quahabi, oo ah madaxa urur ka shaqeeyo arrimaha godadka iyo buuraha ayaa ka qayb qaadanayay gurmadka socda, wuxuuna BBC-da u sheegay in afka ciriiriga ahi ee ceelkaasi uu caqabad ku noqotay dedaallada samatabixinta.
Waxa uu intaa ku daray in isku dayo dhowr ah oo ay sameeynayeen mutadhawiciinta maxalliga ahi iyo shaqaalaha samatabixinta ayaa horey loogu guuldareystay.
"Dhibaatada ayaa ah in dhexroorka duleelka ceelkani uu aad iyo aad u yar yahay, qiyaastii waa 25cm," ayuu yiri El Quahabi. "Ceelku markii uu gaaray 28 mitir ayuu noqotay mid aad u yar oo ciriiri ah, marka waanu gaari weynay wiilka yar."
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya shan cagaf-cagaf oo qodaya dhul ballaaran oo ceelka laga garab qodayo, si la isugu dayo in la ballaariyo gudaha ceelkaasi.
Fiidnimadii xalay, shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in ay qodeen ilaa 24 miitir, walina in ku dhow lix mitir ay u harsan tahay in la gaaroo wiilkaasi.
El-Quahabi ayaa BBC u sheegay in sida kaliya ee waalikan ay ku soo samatabixin karaan ay tahay in ay qodaan ceelka garabkiisa.
Balse mas'uuliyiinta ayaa ka walaacsan suurtagalnimada in ceelkaasi uu ku dumo wiilka yar haddii gidaarradiisa la qodo.
Halkudhigga "badbaadiya Rayaan" ayaa qabsaday baraha bulshada ee gobolkaasi woqooyiga Afrika oo uu ku jiro dalka deriska ah ee Aljeeriya.










