Qaar ka mid dhacdooyinkii ugu yaabka badnaa ee doorashada Soomaaliya

Doorashada Soomaaliya

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Doorashada Soomaaliya

Waxaa dalka Soomaaliya ka socota doorashada Labada Aqal ee dowladda dowladda fedraalka Soomaaliya, taas oo ay xusid mudantahay in ay ka jiraan cabashooyin badan , kana dhaceen waxyaabo badan oo qaarkood ay la yaab yihiin.

Haatan waxaa la doortay dhammaan xubnihii Aqalka Sare oo balse lagu laaban doono hal kursi oo Galmudug yaala, halka ay si dardar leh u socoto doorashada xubnaha Golaha Shacabka.

Balse doorshadan ayaa waxyaabo badan kaga duwan doorashooyiinkii horey u soo maray dalka ka dhici jirey, gaar ahaan tii ugu dambeysay ee dhacday 2016/2017-kii.

Waa doorasho dadkii ugu badnaa oo loo diiwaangaliyay in ay musharixiin yihiin ay tanaasuleen, iyaga oo xitaa qaarkood ay tanaasuleen ka hor xilligii habraaca loogu talogalay in ay sidaasi sameeyaan.

Arrintan ayaa hadal hayn badan la dhalisay Baraha Bulshada iyo meelaha ay dadka isugu imaadaan, waxaana musharixiinta tanaasula ama codad aad u yar hela loo bixiyay magaca "Malxiis".

Meesha ugu badan ee ay musharixiinta tanaasuleen waxa ay ahayd doorashadii Aqalka Sare, iyada oo xusid mudantahay in inta badan kursi kasta ay guddiyada doorashada iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ay kusoo qoreen wax aan ka badnayn labo musharax.

Mararka qaar kuraasta ay shaxdooda soo saaraan guddiyada doorashada waxa ay magacyada liiska ku jirey u kala horeeyeen sida ay markii dambe natiijada noqotay, taas oo dadka qaar ay ku tilmaameen heerka wax isdabomarinta doorashada iyo in laga weecday dhammaan hababkii dimoqoraadiga ahaa.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa dhacdooyiinka la yaabka leh ee dhacay intii ay doorashada socotay.

"Ma qaan gaarin"

Intii lagu guda jiray doorashadii aqalka sare ee kuraasta maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxaa dhacay dhacdooyiin dhowr ah, balse dhacdada sida wayn dadka u soo jiidatay ayaa ahayd in mid ka mid ah musharaxiinta lagu murmay da'deeda iyo in ay qaan-gaadhay iyo in kale.

Gabadhan ayaa waxa dadka qaar ay ku tilmaameen in ay u muuqato 15 jir, balse taasi waxaa beenisay xildhibaanadii ay la tartamaysay.

Xidhibaanad Sareedo Maxamed Cabdi ayaa sheegtay dhankeeda sheegtay in ay 27 jir tahay islamarkana ay xaq u leedahay in ay xilka kursiga aqalka sare u tartanto.

"Gabadhii ila tartamaysay waa gabadh 27 jir ah, 1994 ayay dhalatay" ayay tiri Sareedo oo la hadashay warbaahinta gudaha Soomaaliya.

.

Xigashada Sawirka, AXMED JAMAC

Qoraalka sawirka, .

Eedadeey ayaan u tanaasulay?

Mid ka mid ah musharaxiintii u tartamaysay kuraasta aqalka sare ee maamul goboleedka Galmudug ayaa dad badan ka yaabisay ka dib markii ay sheegtay in Eedadeed ay u tanaasulayso.

"Waxaan u tanaasulay eedadey Duniya maadaama dadkii cusbaa oo aniga ila midka ahaa oo dhan ay meesha ka tageen, maxaan meesha ka qabanayaa, xaq ma aha inaan eedadey aan meesha ka reebo" ayay tiri haweenaydan oo laga daawanayay tabinta tooska ah ee idaacadaha la iska arko ee doorashada.

Waxaa maalinkaasi la qabanayay doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo ay taariikhda ku beegnayd 12 bishii Agoosto, 2021 kuraastii ay u tartamayeen ka tanaasulay inta badan musharaxiinta.

"kursiga waan idinku shaqeynaa waana tanaasulay"

Doorashadii Golaha Shacabka ee shalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dhacday dhacdo la yaab leh.

Mid ka mid ah musharaxiintii tanaasulay ayaa sheegtay in xilka kursiga loo magacaabay ay shacabka ugu shaqeyn doonto.

Balse isla hadalkii ku xigay ayaa waxaa uu noqday in ay ka tanaasushay tartanka kursiga, taasi oo dad badan la yaab ku noqtay.

"Kursigii aad ii magacaawdeen inaan idinku shaqeeynaayo saacadaas wixii ak bilawdo-na waan tanaasulay waaan idin shaqeynaa waadna ku mahadsan tihiin walaashey ayaan u tanaasulay" ayay tiri musharaxadan.

.

Xigashada Sawirka, JUBBALAND TV

Qoraalka sawirka, Doorashada Soomaaliya

Musharixii La waayay

Doorshadii Golaha Shacabka ee shalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa jiray dhacdo dad badan soo jiidatay. Dhacdadani ayaa ah in mid ka mid ah musharaxiintii kuraasta ku tartamayay gabi ahaanba uusan iman goobtii ay cod bixinta ay ka dhaceysay.

Kursiga uu tirsigiisu ahaa HOP005 oo uu ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymooy oo helay 73 cod, ayaa waxaa goobta ka maqnaa Maxamed Cumar Cali oo la tartamayay. Musharaxa maqnaa ayaa isaga oo maqan waxaa uu helay 13 cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Hirshabeelle, Axmed Xasan Diini, oo ay BBC la xiriirtay ayaa sheegay in musharaxa ka maqnaa goobta tartanka uusan wax cudur daar ah u soo gudbin islamarkana ay muddo ka badan hal saac ay sugayeen.

"Kursiga lambarkiisu yahay HOP005 anagu waan diiwaangalinay wax cabasho ah oo qofkaa naga soo gaaray-na ma laha ama u sababi kara in uu ka maqnaado tartanka waxaan siinay fursad hal saac iyo bar ah , musharaxi yimid iyo musharaxii maqnaa ayaan inaga tartan galinay sharciga doorashada ayaana dhigaya".ayuu yir Mr Diini.