Australia: Wax iftiimaya oo hawada sare lagu arkay kana yaabiyay cirbixiyeennada

Xigashada Sawirka, ICRAR/Curtin
Saynisyahannada Autrsalia ayaa sheegay iney heleen shay ku wareegaya hawada sare oo aan la garaneyn, kaas oo ay sheegeen inuu yahay wax aan horay loo arkin.
Sheygan duuliya waxaa ogaaday arday jaamacadeed, isaga oo sheegay inuu sii daayo qulqul weyn oo tamartra raadiyaha 18 daqiiqo oo kasta.
Walxaha tamarta ka abuuranto inta badan waa la diiwan geliyaa. Balse cilmi-baarayaasha waxay sheegeen tamarta hal daqiiqo oo dhan ay tahay mid aan caadi ahayn.
Koox khubara ah ayaa ka shaqeynaya sidii ay u ogaan lahayeen sheygan cusub.
Shayga waxaa markii u horaysay helay arday ka tirsan jaamacadda Curtin Honors Tyrone O'Doherty, oo ku taalla gobol ka tirsan galbeedka Australia ee loo yaqaan Murchison Widefield Array, isaga oo isticmaalayey telescope iyo farsamo cusub oo uu sameeyay.
O-Doherty wuxuu ka mid yahay koox cilmiga xiddigaha ku takhasustay oo uu hoggaaminayo Dr Natasha Hurley-Walker oo ka socda jaamacadda Curtin ee xaruunta Cilmi-baarista Astronomy cilimiga Xiddigaha.
"Taasi gabi ahanba waxay ahayd mid lama filaan ah. Waxay ahayd nooc ku cusub cirbixiyeennada sababta oo ah m jirin wax noocan ah oo horay loo arakay."
Walxa shidma ama Dama ee koonka ku jira kuma cusba cirbixiyayaashu waxayna ug uyeeraan "transients".
Balse shay daaran daqiiqad buuxda wuxuu ahaa "runtii yaab ayey leedahay" ayuu yiri Dr Gemma Anderson oo ah cirbixiyeen.
Aragtida ku xeeran waxaa uu noqon karo sheygan la garan la'yahay ee lagu arkay dalka Australiya ayey khubaradu ku sheegeen inuu noqon karo burburka xiddig soo dhacay. Balse arrintaasi waxay u baahan taahay baaritaan qoto dheer oo lagu sameeyo.












