Dalxiiska Hawada Sare: Muxuu sanadkan qof kastaa uu doonayo in uu dayaxa tago?

,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, 2022 Waa sannad si weyn loo sahamin doono dayaxa

Sanadkan waxaa jiri doona dad badan oo dayaxa u kicitima si ay dayaxa u soo sahamiyaan, iyadoo sanadkii kan ka horreeyey ee 2021 aysan jirin cid caga dhigatay dayaxa.

Nasa waxay bilaabi doontaa barnaamijkeeda Artemis waxayna kafaala qaadaysaa tiro hawlgallo kale ah si ay u gaarsiiso qalabka iyo saadka dayaxa oo ay isticmaali doonaan cirbixiyeenada mustaqbalka.

Hindiya, Japan, Ruushka, Kuuriyada Koonfureed iyo Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale bilaabaya hawlgallada dayax-gacmeedka sannadkan.

Dhammaan duulimaadyada hawada sare loo dirayo waxay noqon doonaan kuwo aan dad la socon, waxayna u gogol xaarayaan sidii mustaqbalka ay dadku si joogta ah u joogi lahaayeen dayaxa wax ka yar 10 sano.

Laakiin xitaa taasi maaha hadafka kama dambaysta ah - samaynta xarun dayaxa dushiisa ah waa uun tallaabo loogu gogol xaarayo sidii sahan loogu diri lahaa meeraha cas, ee Mars.

Dr Zoë Leinhardt, oo ku takhasusay cilmiga cirbixiyeenada oo ka tirsan jaamacadda Bristol ayaa aaminsan in sanadkan uu bilaabmayo tartan cusub oo hawada sare ah oo ay ku lug leeyihiin waddamo cusub.

Iyadoo qaar badan oo sahammadaas ka mid ah looga golleeyahay in lagu baaro Dayaxa qudhiisa, waxaa sidoo kale jira sahammo kale oo leh u jeeddo taas ka sii fog.

"Howlaha qaarkood waxay leeyihiin indho-indheyn waqti-dheer ah, hawlgallada Dayaxu waxay caddayn u yihiin fursadda iyo tijaabada lagu doonayo in la gaaro tiknoolajiyad cusub iyo iskaashi," Dr Leinhardt ayaa yidhi.

Haddaba muxuu sahan kastaa daarran yahay? maxayse tahay ujeedkiisu? Waa kuwan waxa ku soo fool leh dayaxa sannadkan:

Sahanka Artemis-1 iyo Capstone ee Nasa

Barnaamijka Artemis ee Nasa wuxuu hiigsanayaa inuu bini'aadamka ku soo celiyo dayaxa marka la gaaro 2025.

Bisha Maarso, ayaa la bilaabi doonaa sahanka Artemis-1 oo laga leeyahay hadafkaas weyn.

Sahankaan ma jiri doonaa dad hawada sare u raacaya marka laga reebo "Moonikin" oo fariisan doona kursiga laga hagayo Artemis I.

Qalabka hawada sare wax u gana ee SLS ee ay leedahay hay'adda Nasa ayaa gantaalka ugu awoodda badan adduunka ka ridi doona howlgalkan, waxa uuna hawada ku wareejin doonaa dayax-gacmeedka Orion si uu u tijaabiyo badbaadada shaqaalaha gaariga saaran.

Sannadkan waxa kale oo la arki doona qayb kale oo muhiim ah oo ka mid ah barnaamijka Artemis oo qaadaya tallaabo weyn oo hore loo qaaday.

,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ujeeddadu waa in la hubiyo badbaadada cirbixiyeennada ee safarka mustaqbalka.

'Hadafka ugu dambeeya waa Mars'

Nasa ayaa yoolkan ku tilmaantay "mid u jeedooyin badan oo dayaxa lagu meeraysanayo si ay suurtagal u noqoto in waqtiga fog ay bini aadanku dib ugu laaban karaan sagxadda dayaxa".

Haddii wax kastaa ay u dhacaan sidii loo qorsheeyey, Artemis-3 ayaa 2025-ka lagu wadaa in uu noqdo sahankii ugu horreeyey ee dayaxa taga wixii ka dambeeyey sahankii Apollo 17 ee 1972. Sahanka ayaa sidoo kale la qorsheeyey in ay ka mid noqoto haweenaydii ugu horraysay oo cirbixiyeen ah iyo qofkii ugu horreeyey oo aan caddaan ahayn.

Dr Hannah Sargeant, oo ah saynisyahan meerayaasha ku takhasuustay oo ka tirsan jaamacadda Central Florida, ayaa sheegtay in sababta dayaxa diiradda loo saarayo ay tahay in la gaaro himilo weyn. waana in si qoto dheer loo sahamiyo hawada sare.

"Qalabka sahanka ah ee loo dirayo dayaxa waa mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu horreeyey ee lagu doonayo in dayaxa saldhig looga samaysto, si marka dambe sahan kale loogu diro meeraha Mars" ayay tiri.

Sahammada Hindiya, Japan iyo UAE

Qaramo kale iyo shirkado ayaa sidoo kale sannadkaas isha ku haya dayaxa oo doonaya in ay sahamiyaan.

Qaar ka mid ah waxay ka samaynayaan cilmi baaris halka qaar kale ay gaynayaan qalab iyo agabyo kala duwan.

labo sano ka dib markii lagu guurdarraystay in dayaxa la caga dhigto, ayaa ururka cilmi baarista ee Indian Space Research Organisation (ISRO) wuxuu haatan qorshaynayaa in mar kale dayaxa la sahamiyo oo la sameeyo hawlgal lagu magacaabo 'Chandrayaan-3'.

Japan ayaa sidoo kale doonaysa in sannadkan ay laba mashruuc ka fuliso dayaxa.

Hay'adda hawada sare ee Japan ayaa qorshaynaysa in ay qalab u dirto dayaxa marka la gaaro April 2022.

Shirkadda hawada sare u qaabilsan Japan ee ispace, ayaa sidoo kale qalab u diri doonta dayaxa marka la gaaro bartamaha 2022.

Sahanka Ruushka ee Luna 25, iyo kan Kuuriyada Koonfureed ee Pathfinder Lunar Orbiter

,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sahanka Ruushku uu doonayo in uu ku sameeyo dayaxa ayaa lagu magacaabaa Luna 25.

Sahankan ayaa noqon doona kii ugu horreeyey ee dalkaasi uu ku sameeyo dayaxa dushiisa muddo 45 sano ah, waxaana lagu wadaa in uu noqdo howlgalkii ugu horeeyay ee uu ku dego cirifka koonfureed ee dayaxa. halkaas oo ah aagga ay Nasa doonayso in ay u dirto sahan ay dad la socdaan oo aan qalab kaliya ahayn.

Wakaaladda Hawada Sare ee Ruushka, Roscosmos ayaa qorshaysay in sahankaas ay dayaxa u dirto marka la gaaro July 2022.

Hay'adda Kuuriyada Koonfureed uu qaabilsan hawada sare, the Korea Aerospace Research Institute, ayaa iyaduna sahan u diri doonta dayaxa marka la gaaro August 2022.

KPLO waxay daraasad ku samayn doontaa oogada dayaxa oo waxay ka caawin doontaa qorshaynta hawlgallada mustaqbalka ee cirifyada dayaxa.

Robotyada ganacsiga ee Nasa

Shirkado gaar loo leeyahay ayaa iyaguna qayb ka ah tartanka dayaxa loogu jiro.

Marka loo eego barnaamijka Nasa ee lagu magacaabo Commercial Lunar Payload Services (CLPS) shirkaduhu waxay ku tartami doonaan bixinta adeegyada gaadiidka ee korka Dayaxa.

Maxay tahay ujeedada sahannadaan?

Dr. Sargeant ayaa sheegay in qaar badan oo iyaga ka mid ah ay baaritaan ku sameyn doonaan jawiga dayaxa, iyada oo ujeedadu tahay in la helo habab lagu ilaaliyo shaqaalaha iyo qalabka wax kasta oo khatar ah sida boodhka dayaxa iyo dabaysha qorraxda xooggan.

Hawlgalladu waxay sidoo kale siinayaan saynisyahano fursad ay ku tijaabiyaan nooca qalabka iyo tijaabooyinka ay isticmaali karaan si ay u soo saaraan kheyraadka sida biyaha.

"Waxaan rabnaa inaan hubinno inay mashiinadani shaqeeyaan ka hor inta aanan u dirin shaqaalaheena halkaas kuwaas oo ku tiirsanaan doona saadka qaaliga ah ee ay soo saaraan," ayuu yiri Dr Sargeant.

"Ugu dambeyntii sahaydan waxaa loo isticmaali karaa in lagu soo saaro shidaalka loo baahan yahay si loogu diro hawlgallada Mars".