Sucaad Carmiye: Sababta aan u doonayo in Somaliland magaca laga baddelo

Sucaad Yuusuf Odowaa

Xigashada Sawirka, Sucaad Yuusuf Odowaa

Qoraalka sawirka, Sucaad Yuusuf Odowaa

Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye), waa haweenay ka mid ah aqoonyahanka Somaliland ayaa sheegtay inay soo jeedinayso in Somaliland laga baddelo magaca si ay u fududaato inay ka go'do Soomaaliya inteeda kale oo ay madaxbanaani u hesho.

Hadalka Sucaad ayaa imaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay socotay dood ku saabasan ictiraafka Somaliland ka dib markii Baarlamaanka UK uu yeeshay dood ku saabsan Ictiraafka Jamhuuriyadda Iskeed Madax Baaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Xildhibaanka doodda horkeenay baarlamaanka UK ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay ku mudan tahay Somaliland in la ictiraafo.

Sucaada waa siyaasi sanadkii la soo dhaafay ka qeybgashay doorashadii Golaha Wakiilada. Waxay ka mid ahayd musharrixiintii u tartantay Gobolka Saaxil ee xisbiga WADANI, balse way ku guul dareysatay.

"Ayaan darrada waxa ay ka timid in 30 sano ka dib weli aanan weli Somaliland aysan noqon dal madaxbanaan marka sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa oo marwalbana ka hadlaa in Somaliland magaca laga baddelo oo magaca kale loo bixiyo sababtoo ah marka aad qofka Somaliland tirahdid maanta dhan waxaad ku jireysaa sharrax ah Soomaaliya iyo Somaliland adiga oo aan waqtiba hayn."

"Somaliland waxay xornimada ka qaadatay Ingiriiska, markaas ayay Soomaaliya ku darsatay hadana waa ay kala go'een, waxaas oo sharrxaad oo dhan ayaa hari lahaa Somaliland haday magaca kale leedahay," ayay tiri Sucaad

Sucaad oo hadlakeed sii wadata ayaa tiri: "Cidna kuma tirahdeen Soomaaligaas baan garanayaaye adna Soomaaligee tahay? Waxaa fiican in soo jeedintaa si fiican looga fakaro oo magaca laga baddelo Somaliland, wax kale haloo bixiyo sababtoo ah inta magaceena Soomaaligaas ku jiro dadka jahwareer ayay ku jiraan."

"Markaad eegto macanaha magaca Somaliland oo Carabi loo baddelo waxa uu noqonayaa 'Ardul Soomaal' oo macnaheedu yahay meel walbo oo Soomaali ku nooshahay marka waa fakar aan anigu qabo oo aan weligayna qabay waxaan markale leeyahay magaca halaga baddelo si aanay jilka dambe 30 sano ka bacdi hadana loo weydiin Soomaaligee tahay"? Dadka qaar baa ku oran karo Suudaan iyo Koonfurta Suudaan baa jirta hadana si kasta oo ay jirto Soomaaliland waxaa u fiicaan in magaca kale ay yeelato.

Sucaad ayaa soo jeedisay in magaca Somaliland lagu baddelo "Republic of East Africa" Jamhuriyada Bariga Afrika.

Qoraalka Codka, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa war kasoo saaray arrinta aqoonsiga.

Siduu ku yimi magaca Somaliland

Cali Gureey, oo ah siyaasi rug caddaa oo horay uga mid ahaa saraakiishii sarsare ee ururkii SNM ayaa arrintan ka hadlay iyo sida loogu bixiyay magaca Somaliland.

Gurrey ayaa ka warramay xasuustiisa sida uu ku yimid magaca Somaliland 30 sano ka hor.

"Dhawr magac ayaa la soo qaaday. Waxa ka mid ahaa Puntland iyo Golis. Ninkii ugu doodda adkaa ee isagu ku dhegay magacan Somaliland wuxu ahaa Axmed Silanyo oo ku daafacayay in uu yahay magac jiray oo la yaqaanay, xuduudihiisa la yaqaanay lana aqoonsanaa, isla markaana madaxbanaanidii aynu ku qaadanay."

Cali Gurrey

Xigashada Sawirka, Cali Gurrey

Qoraalka sawirka, Cali Gurrey

Wuxuu soo jeediyay in magaca badelkiisa ay ku habboon tahay in laga dooda haddii ay Somaliland ay xornimo hesho

"Kolay hadda anigu ilaa Somaliland ay aqoonsi helayso doodii Axmed Silanyo oo aan macquul u arkay ayaa igu qufulan oo ma taageersani in la bedelo magaca Somaliland. Hase yeeshee marka Somaliland ay aqoonsi hesho waa laga doodi karaa oo ma diidani," ayuu yiri Gurey.

Dowladda UK maxay ka tiri ictiraafka?

Wasiiro dowlaha UK u qaabilsan Yurub oo dhanka dowladda u hadlayay Chris Heaton-Harris ayaa baarlamaanka UK isbuucan ka hor sheegay in mowqifka UK uu yahay in ay dhiirigalinayaan in qaddiyadda Soomaaliland ay ka wadahadlaan madaxda Muqdisho iyo Hargeysa.

"Mowqifka dowladda UK ay arrintan ka qabto wuxuu aha mid joogta ah waxna iskama badalin, waxaan muddo dheer dhiirragelineynay wadahadallad ay arrintan ka yeeshaan mas'uuliyiinta labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargeysa xiriirka mustqbalka labada dhinac ka dhaxeyn karo, waana sidii wadeynaa inaan sidaa sameyn" ayuu yiri Mr Harris.

Qoraalka Muuqaalka, Go'aankii maxkamadda Somaliland iyo guuxa dadweynaha

Dhanka kale Vicky Ford oo ah Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan dwoladda Ingiriiska ayaa iyaduna ka hadashay doodda Aqoonsiga Somaliland waxaa ayna sheegtay in mowqifka UK ee ku wajahan uu yahay mid cad islamarkana ay dowladda federaalka iyo Somaaliland ay u taallo in mustaqbalkooda ay ka arrinsadaan .

Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, ku dhawaad 30 sano ka hor.

Tan iyo xilligaas waxay masuuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya