Ictiraaf Doon: Baarlamaanka UK ma waxa uu aqoonsan rabaa Somaliland?

Gavin Williamson
Qoraalka sawirka, Xildhibaan Gavin Williamson

Baarlamaanka UK ayaa Talaadada beri ah lagu wadaa in muddo kooban uu dhegaysto dood ku saabsan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland oo uu usoo gudbin doono xildhibaan Gavin Williamson oo laga soo doorto Koonfurta Staffordshire

Doodda oo ah mid uu mudanaha ku soo gebagabeyn doono fadhiga maalintaa ayaan la fileyn in wax go'aan ah uu ka gaaro baarlaamka.

Ma aha markii ugu horreysay ee baarlamaanka UK uu dhegaysto dood ku aaddan aqoonsiga Somaliland oo sheegtay in 1991 ay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

Bishii December 2019, 11 xildhibaan oo u badan xisbiga Labour-ka ayaa gudbiyay mooshin ah in baarlamaanka UK uu aqoonsado Somaliland, maadaama ay ahayd "maxmiyad ay Britain xukumi jirtay".

Mid kamid ah xildhibaannadaas ayaa markii dambe ka noqday mooshinka.

Sidoo kale, golaha deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Birmingham ayaa horay u shaaciyay inay aqoosan yihiin "madax bannaanida" Somaliland, walow taaso aysan wax badan soo kordhin.

Waa kuma xildhibaan Gavin Williamson?

Gavin ayaa 25-kii June 1976 ku dhashay magaalada dalxiiska caanka ku ah ee Scarborough ee ku taalla Waqooyiga England.

Waxa uu siyaasadda ku biiray sanadkii 2001 xilligaas oo loo doortay golaha deegaankiisa. Sanadkii 2010 ayuu markii ugu horreysay ku guulaystay inuu baarlamaanka UK ku matalo Koonfurta Staffordshire.

Dhammaadkii sanadkii 2017 ayaa waxaa loo magacaabay xoghayaha difaaca ee UK, kadibna waa uu July 2019 noqday xoghayah waxbarashada.

Gavin Williamson

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gavin Williamson

Waa mudane ka tirsan xisbiga talada haya ee Conservative, waxaana uu hadda kamid yahay xildhibaannada ugu magaca dheer.

Si weyn waxa uu u taageera qadiyadda gooni isu taaggan Somaliland, sida ku cad bartiisa Twitter.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Go'aanka dowladda UK

Xukuumadda Britain ma aqoonsano gooni isu taagga Somaliland, sida ay marar badan sheegtay.

Vicky Ford, oo ah wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa bishii November 2021 sheegtay in UK ay Somaliland aqoonsan doonto oo keliya marka ay go'aan noocaas ah gaaraan Soomaaliya iyo dalalka kale ee Afrikaanka ah.

Wadahadallo u dhexeeyay Muqdisho iyo Hargeysa oo looga arrinsan lahaa arrinta Somaliland ayaa dhowr jeer dhacay, in kastoo aanay wax weyn soo kordhin.

Ma jiro dal ka tirsan caalamka oo sodonkii sano ee la soo dhaafay waddan madax bannaan u aqoonsaday Somaliland.