Shan arrimood ood u baahan tahay inaad ka ogaato muranka furista ururada siyaasada Somaliland

W/Q : Guuleed Dafac , Garyaqaan

Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda Somaliland

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda Somaliland

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa dhowaan go'aan ka gaadhay arrin dhalisay muran weyn oo siyaasadeed, taas oo ah in la furo furashada xisbiyada, taas oo xisbiyada mucaaradka ee hadda jira ay u arkeen in aanan waqtigeeda la gaarin, halka xisbiga talada haya ee Kulmiye uu arrinkaas la dhacsanyahay.

Hadda maxay tahay arrintani, maxayse dadka qaar ugu arkaan shirqool siyaasadeed, kuwa kalena ugu arkaan qamaar siyaasadeed

Taariikhda Xeerka

Xeerka Nidaaminta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda waxa la ansixiyay sanadkii 2000 (Xeer Lr. 14/2000). Waxa uu bilaw u ahaa hanaanka geedi-socodka xisbiyada badan ee Somaliland kaga guurtay shir beeleedyada. Dastuurka Somaliland qodobka 9aad waxa ku qoran in nidaamka siyaasadeed ee Somaliland yahay hanaanka xisbiyada badan iyo in aan xisbiyadu ka badan karin sadex. Xeer Lr. 14/2000 waxa uu jideeyey habka ay ku tartami karaan ururada cusub si ay ugu gudbaan xisbiyo, kaas oo ahaa in ay ku tartamaan doorashada golayaasha deegaanka. Doorashadii koowaad waxa la qabtay sanadkii 2002. Waxa ku soo baxay xisbiyada kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye.

Xeerka waxa wax-ka-bedel lagu sameeyey sanadkii 2011 kadib markii madaxwaynihii hore ee Somaliland Madaxwayne Axmed Siilaanyo u saaray guddi ka talo bixisa. Gudidu waxa ay ku talisay in ururada la furo, iyada oo xeerka lagu kordhiyay in tobankii sanadood ba hal mar la furo ururo cusub.

Waxa la qabtay doorashadii golayaasha deegaanada sanadki 2012 kaas oo ay soo baxeen xisbiyada kala ah UCID, Kulmiye iyo WADDANI.

Tobanka sanadood ee ruqsadooda xisbinimo waxa ay ku eg tahay dhammaadka sanadkan 2022.

Qoraalka Codka, Somaliland oo siyaasaddeeda ka dhaadhicinaysa Britain.

Dib u dhaca ku yimi doorashadii golayaasha deegaanka oo ku beegnayd 2017 ayaa is bedel ku keentay habkii tobanka sanadood ahaa ee lagu qaban lahaa tartanka ururada/xisbiyada oo loo qorsheeyey in lagu beego doorashada golayaasha deegaanada ee markii hore u astaysnayd 2022. Golihii hore ee Wakiiladda ayaa wax ka bedel kale ku sameeyey Xeer Lr. 14 sanadkii 2021. Wax ka bedelkaas oo noqday kii labaad islamarkaana ah ka khilaafku ka dhashay.

Khilaafka sadexda xisbi iyo halka ay kala taagan yihiin

Wax ka bedelka uu Golaha Wakiiladdu sameeyey 2021 waxa uu u gudbiyay Golaha Guurtida oo ansixiyay. Kadib waxaa loo gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland. Madaxwaynuhu waxa uu ku soo celiyay Golaha Wakiiladda wax ka bedelkii bishii August 2021. Waxa muran ka dhashay in mudada madaxwaynuhu ku soo celiyay ay dhaaftay waqtigii sharciga ahaa oo dastuurku ku caddeeyey oo ah 21 maalmood gudohood iyo in aanay dhaafin oo soo cellintu tahay mid u taal Golaha Wakiiladdu inay ka doodaan.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha ayaa u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah dacwad tafsiir ah iyaga oo ku dooday in xeerku dhaqangal yahay. Mucaaradku waxa ay ku doodeen in dacwadda xildhibaanadu ay tahay sharci darro iyo isku day lagu doonayo in dib loogu riixo doorashada tartanka madaxwaynenimo ee qorshaysan November 2022.

Waxa halkaas ka bilaabmay muran is barkan oo ku saabsan xilliga furista ururada siyaasadda iyo xilliga ay tahay in la qabto doorashada madaxwayne. Murankaas oo ku danbeeyey Maxkamadda.

Go'aanka Maxkamadda

Maxkamadda waxa horyiil laba dacwadood:

Dacwadda koowaad:

Dacwad koowaad waxa 21/12/2021 u gudbiyay Maxkamadda xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiiladda oo tiradoodu tahay 46 oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha, Siciid Mire Faarax (Giire). Nuxurka doodda ay u gudbiyeen Maxkamaddu waxa uu ahaa inay tafsiirto qodobka dastuurka ee ku saabsan mudada uu madaxwaynuhu ku soo celin karo xeer baarlamaanku u gudbiyay.

Maxkamaddu waxa ay diiday arjigooda dacwad furasho oo waxa ay ku sababaysay in aan xildhibaanadu u soo gudbin dacwadda habraac sharci ah.

Dacwadda labaad:

Dacwadda labaad waxa Maxkamada u gudbiyay 24 muwaadin oo ku dooday in Xeer Lr/14 ee wax ka bedelka lagu sameeyey 2011 uu yahay dhaqangal u ogol inay furan karaan ururo siyaasadeed sanadka 2022. Sidaasdarteed, waxa ay Maxkamadda ka codsadeen inay u qaraariso in ay furan karaan ururo siyaasadeed.

Muwaadiniinta dacwadan gudbiyay waxa ay u badan yihiin siyaasiyiin caan ka ah Somaliland oo hore xilal uga soo qabtay iyo dad rayid ah.

Maxkamaddu waxa ay aqbashay dacwadan oo waxa ay qaraarisay inay xaq u leeyihiin inay furtaan ururo siyaasadeed iyada oo la raacayo Xeer Lr. 14 wax ka bedelkii lagu sameeyey 2011.

Maxkamaddu waxa ay ku kordhisay inay laashay in doorashada xisbiyada/ururada siyaasadeed lagu galo doorashada golayaasha deegaanka. Waxa ay qaraarisay in doorashada xisbiyada/ururada siyaasaddu ay noqoto doorasho toos ah oo ay qabanayso Gudida Doorashada. Taas oo macneheedu yahay in dadku u kala codayn doonaan ururada iyo xisbiyada tartamaya.

Waxa ay hadda uga dhigan tahay sadexda xisbi

Sadexda xisbi ee Somaliland way soo dhoweeyeen go'aanka Maxkamadda. Taas oo ka dhigan in ugu yaraan qayb ka mid ah muranka siyaasadeed ay xaaladiisu degtay.

Haseyeshee, welli waxa aan si kama danbays ah go'aan looga gaadhin labada doorasho - doorashada ururada/xisbiyada iyo doorashada madaxtooyada - ta soo hormaraysa. Waana arin keeni kara khilaaf cusub.

Maxaa xiga?

Sharci ahaan talaabada xigtaa waa in Gudida Diiwaangellinta, Anshaxmarinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku ay bilawdo geeddi-socodka u diyaar garowga diiwaangelllinta ururo cusub oo ay ka mid tahay dejinta habraacyda iyo hagayaasha loo baahan yahay. Waxa ay sidoo kale caymi doontaa xilliga ay qabanayso araajida dadka codsanaya inay furtaan ururo cusub.

Xagga siyaasadda waxa ay u baahanaysaa is-faham iyo wada hadal dhex mara daneeyayaasha ay ka midka yihiin sadexda xisbi si loogu helo xal siyaasi is-waafajinta is-diidooyinka ku aadan xilliga la qaban doono doorashooyinka labada ah iyo habka loogu diyaar garoobayo iyada oo aan khilaaf iyo is-qabqabsi dhicin si aan hanaan socodku u noqon mid gaabis gala.

W/Q : Guuleed Dafac , Garyaqaan