Lacagta YouTube: Tobanka qof ee dhaqaalaha ugu badan ka sameeyay 2021

Xigashada Sawirka, MRBEAST/YOUTUBE
Jimmy Donaldson, oo ah 23 jir u dhashay dalka Mareykanka, kuna magac dheer MrBeast, ayaa noqday shakhsiga lacagta ugu badan ka sameeyay barta YouTube 2021, sida laga soo xigtay wargeyska Forbes.
Jimmy ayaa waxaa bartiisa YouTube-ka daawatay sanadkii tegay in ka badan 10 bilyan, waxaa uuna ka sameeyay lacag dhan $54 milyan oo doolar.
Waxa uu ka hormaray wiilka yar ee 10 jirka ah ee lagu magacaabo Ryan Kaji, kaas kaalinta koobaad ku jiray labadii sano ee la soo dhaafay.
Jimmy Donaldson waxaa uu bartiisa ku soo bandhigaa muqaalada kamarada qarsoon ee loo yaqaano (Prank).
Dadka galay toban kaalmood ee ugu horreeya ayaa waxa ay sanadkii tagay ay bartaas ka heleen lacag lagu qiyaasay 300 milyan oo doolar sida ay sheegtay Forbes.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jake Paul ayaa ku jira kaalinta labaad, isagoo ka soo muuqanayay liiska 10-ka qof ee ugu sareeya tan iyo 2018, sidoo kale walaalkiis Logan ayaa ku soo laabtay liiska kadib markii uu ka maqnaa tan iyo 2017.
Ciyaaryahan Minecraft Nathan Graham, oo loo yaqaan Unspeakable, ayaa liiska markii ugu horreysay ku soo biiray isaga oo galay kaalinta shanaad.
Intii caalamku ka jiray xanuunka Covid-19, warbaahin badan oo ah kuwa madadaalada ayaa waxa la soo gudboonaaday waqti adag.
Balse barta Youtube, ayaa xilligan waxa ay u ahayd mid dhaqaalaheedu kobcay.
Cilmi-baaris la soo saaray ayaa muujinaysa in 2021 ay barta YouTube ay daawadeen 2.3 bilyan oo qof guud ahaan caalamka.
Shirkadda YouTube ayaa sheegtay in 1 bilyan oo saacadood maalin kasta la daawado muuqaladeeda guud ahaan caalamka.

Xigashada Sawirka, YOUTUBE/RYAN'S WORLD
Halkan ka akhriso liiska oo dhameytiran.
10. Preston Arsement
Waxaa sanooyiinkii u dambeeyay sii kordhayay dadka ku xiran barta uu YouTube ku leeyahay Preston Arsement taas oo uu lacag badan ka sameeyay.
Waxaa lacagta uu sanadkii 2021 ka helay lagu qiyaasay 16 milyan oo doolar.
9. Logan Paul
Waa feeryahanka muran badan dhaliyay waxaana in kaalinta tobonaad uu soo galo ugu dambeysay 2017. Waxa uu sanadkii tagay ka sameeyay barta YouTube 18 milyan oo doolar.
8. Dude Perfect
Majaajiliste sidoo kalena sameeya muuqaalada kamarada qarsoon ee Prank loo yaqaano waxaa uuna liiska sannadka 2020 ka galay kaalinta sideedaad.
Sanadkii 2021 waxaa uu bartiisa YouTube ka sameeyay 20 milyan oo doolar.
7. Ryan Kaji
Waa wiil yar oo sameeya muuqaalada boonbalaha iyo kaartuunada carruurta. Sanadkan hoos ayuu u soo dhacay, waxaa uu so galay kaalinta 7-aad.

Xigashada Sawirka, NASTYA/YOUTUBE
6. Nastya
Gabadhan u dhalatay Ruushka ee 7 jirka ah waxa barteeda YouTube a ku xiran ku dhawaad 90 milyan oo qof.
Waxay sanadkan barteeda ka sameeysay lacag dhan 28 milyan oo doolar.
5. Unspeakable
Waxaa uu barta YouTube muuqaalo ku soo gudbinayay in ka badan 10 sano.
Waxaa uu sanadkii 2021 ka helay lacag lagu qiyaasay 28.5 milyan oo doolar.
4. Rhett and Link
Rhett and Link waa nin caan ka ah barta YouTube isla markana waxa uu sanadkii tagay ka sameeyay lacag dhan 30 milyan oo doolar.
3. Markiplier
Waxaa Markiplier soo galay kaalinta 3-aad waxaa uuna sanadkii tagay ka smaeyay 38 milyan oo dolar.
2. Jake Paul
Jake Paul waxaa uu sanadkan soo galay kaalinta labaad waxaa uuna 2021 bartiisa ka helay lacag dhan 45 milyan oo doolar.
1. MrBeast
Waa ninka lacagta ugu badan ka sameeyay barta YouTube isa oo ka helay 2021 lacag dhan 54 milyan oo doolar.










