Nin ay u suurtagashay inuu qaado sawir mucjiso ah

Starlings in shape of a spoon

Xigashada Sawirka, Albert Keshet

Qoraalka sawirka, Mr Keshet wuxuu sheegay in sawirkan uu ka mid yahay kuwii ugu cajiibsanaa ee uu abid qaado

Sawir qaade u dhashay Israa'iil oo diiradda saara xayawaanka ayaa qabtay sawir layaab leh oo muujinaya shimbiro hawada jooga oo isu ekeysiiyay sida qaaddo ay ku jirto sokor.

Arrintan mucjisada ah ayaa dhacday xilli lagu jiray wax afka qalaad loogu yaqaanno "murmuration" oo ah inay kumannaan shimbirood isu imaadaan qaabkooduna uu sidaas noqdo.

Albert Keshet ayaa sidoo kale sawiray wax u muuqday qaaddadii oo la qalloociyay , isagoo ku soo bandhigay baraha bulshada.

Sawirradan ayaa soo jiitay indhaha nin caan ka ah Israa'iil oo lagu naaneyso soo qalloociyaha qaaddada, Uri Geller, kaasoo sawirradan geeyay madxafkiisa. Geller ayaa lagu yaqaannaa inuu si layaab leh u qalloociyo qaaddada isagoo adeegsanaya xirfad.

Mr Keshet ayaa sawirradan qaaday xilli aroor hore ah oo uu shaqo u aaday dhinaca waqooyi ee Harada Jordan, halkaasoo uu doonayay inuu kusoo sawiro dhirka duurka iyo shimbiraha.

"Markii aan Harada tagay anigoo raadinaya shimbiro, waxaan la kulmay iyagoo sameynaya kulanka mucjisada ah. Waxaan halkaas joogay qiyaastii shan ilaa lix saacadood, anigoo daawanaya lana soconaya si aan u qabto iyagoo sameeyay sawir qurux badan," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC-da.

"Mar qura ayay cirka isku sharraxeen waxayna billaabeen inay isla ciyaaraan. Waxaanse aad ula fajacay markii aan arkay shimbirihii oo muddo la eg shan ilbiqirsi sameeyay muuqaal u eg qaaddo. Sidaas ayay ahaayeen dhowr ilbiqirsi kaddibna qaabkii wuxuu isu baddalay qaaddo soo liicday - si la mid ah tan uu caanka ku yahay Uri Geller!

Ka bood YouTube boggan
Oggolow Google YouTube macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka YouTube boggan

White space

"10-kii sano ee lasoo dhaafay waan safrayay sawirro ayaana qaadayay, kuwani waxay ahaayeen qaar ka mid ah sawirradii ugu cajiibsanaa ee aan shimbiro ciyaaraya ka qaado abid!"

Starlings in shape of a bent spoon

Xigashada Sawirka, Albert Keshet

Qoraalka sawirka, Sawirka "Qaaddada qalloocan" waxa uu soo jiitay Uri Geller, oo caan ka ah adduunka

Kaddib markii uu sawirrada kusoo bandhigay baraha bulshada, Mr Keshet waxaa lagu soo harqiyay farriimo ka imaanayay dad la fajacay sawirradaas.

Waxaa dadkaas ka mid ah Uri Geller, oo ku caan baxay inuu qaaddooyinka ku qalloociyo wax u muuqda awoodda maskaxdiisa. Waxa uu ku tilmaamay dhacdo taariikhi ah oo aan waligeed dib loo arkeynin, sidoo kalena hadiyad u ah maadaama uu galay da'da 75 sano dhowr maalmood ka hor.

Ka bood Instagram boggan
Oggolow Instagram macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka Instagram boggan

White space

Ninkan oo isku magacaaba "mystifier" oo micnaheedu yahay qof ku baashaala kharash ayaa sawirradan layaabka leh ku sharraxay madxafkiisa Jaffa ee uu dhawaan ka furay koonfurta magaalada Tel Aviv.

2px presentational grey line