Qalalaasaha Tigray: Abiy Axmed oo markii ugu horreysay ka baxay Itoobiya intii uu hoggaanka dagaalka la wareegay

Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, Office of the Prime Minister-Ethiopia

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb galayo shirka 3-aad ee Turkiga iyo Afrika, waana markii ugu horreysay ee uu dalkiisa ka baxo tan iyo markii uu dagaalka sokeeye billowday.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa baraha bulshada ku shaaciyay xogta ku saabsan safarka Abiy Axmed iyo dhaqdhaqaaqyadii uu ka waday Turkiga tan iyo markii uu tagay.

Hoggaamiyeyaal kale oo ka socda Afrika ayaa ku sugan Turkiga, kuwaasoo ay ka mid yihiin madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Rwanda Paul Kagame.

In ka badan 30 hoggaamiye oo Afrikaan ah ayaa lagu soo warramay in ay ka qayb galayaan shirweynaha Turkiga iyo Afrika oo sanadkiiba mar la qabto.

Sarafkii ugu horreeyay ee Abiy uu ku baxay

Waa markii ugu horreysay ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya uu dibadda ka aado waddankiisa tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu la wareegay hoggaanka dagaalka ka dhanka ah fallaagada Tigray, dhowr isbuuc ka hor.

Abiy Axmed ayaa inta uusan bixin ka hor ku dhawaaqay in meelo muhiim ah, oo ay ku jiraan magaalooyinka Dessie iyo Kombolcha ee gobolka Amhara, lagu soo celiyay gacanta dowladda.

Waxaa kale oo uu sheegay in "lasoo afjaray wajigii ugu horreeyay ee dagaalka".

Shirka

Xigashada Sawirka, PM OFFICE

Ciidamada dowladda federaalka Itoobiya ayaa guulo soo hoyiyay tan iyo wixii ka dmabeeyay markii Dr Abiy Axmed lagu arkay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro xoogagga TPLF.

Waxyaabaha kale ee horseeday in militariga Itoobiya ay dib u riixaan fallaagada ayaa lasoo tabiyay inay ka mid yihiin diyaaradaha drones-ka ee xukuumadda Addis Ababa ay ka heshay dowladda Turkiga.

Shacabka ayaa sidoo kale u hoggaansamay codsiga dowladda oo ahaa inay garab ku siiyaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Tigray.

Wixii ka horreeyay markii uu Abiy Axmed tagay jiidda hore ee dagaalka, waxaa soo baxayay warar sheegaya in xoogagga Tigray ay la wareegeen dhul ballaaran, ayna qarka u saarnaayeen inay gacanta ku dhigaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Ka hor inta uusan billaabanin shirka Turkiga iyo Afrika ee Istanbul, Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida lagu xaqiijiyay bogga rasmiga ah ee xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya uu ku leeyahay Faceboo.

Abiy Axmed iyo Erdogan

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency

Qoraalka sawirka, Abiy Axmed iyo Erdogan

"Xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada waddan waxa uu mar walba ahaa mid sii xoogeysanayay. Wadashaqeynteennu way sii socon doontaa," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhowr jeer horay u sheegay in waddankiisu uu taageeri doono Itoobiya.

Bishii August ee sanadkan ayuu Abiy Axmed booqasho rasmi ah ku tagay Turkiga, xilligaas oo labada waddan ay kala saxiixdeen heshiisyo wadashaqeyneed oo ay ku jiraan kuwo la xiriira dhinaca difaaca.

Shirkadaha Turkiga ayaa Itoobiya ka sameystay maalgashi ku kacaya $2.5 bilyan oo doolar, sida ay tabisay Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu.