Gabadh Soomaali oo haweenka siisa tababar dhanka jimicsiga ah

Xigashada Sawirka, Starliin Maxamed
Maalmahan dambe waxaa soo ifbaxaya xarumaha jimicsiga ah ee gaarka u ah dumarka si ay caafimaadkooda u ilaaliyaan, waxaana xarumahaas tabbabarka bixiyaa hablo ay ka go'antahay howshaas.
Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa kamid ah magaalooyinka leh xarumo dumarka ay u jimisi tegaan.
Xarunta jimicsi ah ee ku taalla magaalada Gaarisa waxaa tegaa haween badan oo lagu baro jimicsiga si ay u xoojiyaan caafimaadkooda una dhimmaan miisaankooda.
Istarliin Maxamed Cabdi waxay muddo 2 sano ah haweenka bareysay jimicsiga, waa macalimad subixii xaruntaa gaarka ah ku barta jimicsiga koox haween ah.
Waxay sheegtay in waxyaabaha ku dhaliyay barista jimicsiga ay tahay inay dhinto miisaankeeda oo kordhay isla markaana magaalada aysan xilliggaas ka jirin xarun gaar ah oo dumarka lagu baro jimicsiga.
Waxay rumeysan tahay in iyadoo aanan la qaadin biraha jimicsiga uu qofka iska dhimi karo miisaanka.
"Markii hore xarun jimicsi oo u gaar ah dumarka ma jirin, waxaana go'aansaday in xaafaadda aan ku saameeyo , waxaan bilaabay in gabadhaha Gaarisa oo rafaadsan sida hooyo aniga oo kale ah oo amrka ay umulaan kilo badan ku darsamayo iyo si ay isaga dejiyaan miisaanka waxaana bilaabay in aan jimicsiga u baro anigana aan dhaqaale uga helo"
"Wey fiicantahay birta jimicsiga ee la qaadayo, dumarkana waa mid u fiican, aniga miisaankeeda waxaan dhimay aniga oo aanan wax bir ah qaadin" ayay tiri Starliin.
Xarumaha jimicsiga waxaa inta badan tabbabarada bixiyaa ragga iyadoo dumarkana inta badan aysan laheyn xarun u gaar ah.
Inkasta oo ay Starliin howshan ku jirtay in muddo ah waxaa jiraa caqabado soo wajahay oo ay kala kulantay bulshada oo aanu u baran in dumarka ay tegaan goobaha jimicsiga.
"Waxay dhahaan adiga jaamacad ayaa ka baxday, adiga shaqo maad iska raadsatid oo aan wax dhibaato ah kala kulmeynin oo aadan bir ku qaadeynin oo aad ku caatoobeynin"
Starliin ayaa gabadhaha kula dardaarantay inay ka shaqeeyaan ilaalinta caafimaadkooda isla markaana aysan ka fakarin oo kaliya ah quruxdooda.
Gabadhan waxay sidoo kale bixisaa casharrada kubadda koleyga iyo noocyaha kala duwan ee jimicsiga, waxay howshan bilowday kadib markii ay ka qalinjebisay jaamacadda oo ay shaqo weysay, inkasta ay hiwaayadeedu tahay in haweenka ay u tababarto jimicsiga.

Xigashada Sawirka, Starliin
"Soomaalida waxay aaminsan yihiin in gabadha ay qurxoon yihiin marka uu miisaankooda culus yahay marka ay cayilan yihiin ayay u maleynayaan in quruxdooda ay meesha ku jirto balse marka hore waxaa la rabaa in caafimaadkooda ay ka fikiraan"
Gabdhaha yimaada xarunta ay tababarka Jimcisga ka bixiso Macalimad Starliin waxay sheegeen in haatan ay isbaddal xooggan dareemayaan marka loo barbardhigo xilliggii hore.
"Waxaan xarunta yimid aniga oo miisaankeygu yahay siddeetan iyo dhowr kiilo ah hadda waxaa iga go'day ilaa afar kiilo, waan wadaa dhiirigelin fiican bey inoo heysaa macalimaddeena" ayay tiri Faadumo Maxamed Yuusuf oo kamid ah gabadha ay Starliin tababarka jimicsi u fidisa
Starliin waxay aaminsan tahay in tabababarkeeda dhanka jimicsiga uu isku keenay dumar badan oo qabta xirfado kala duwan kuwaas oo ka sheekeysta caqabadaha kala duwan ee heysta.
"Caafimaadka ayay xoojisaa, maskaxda ayaa lagu dejistaa meeshan, gabdhaha soomaaliyeed ee guurka dhibaatada kala kulma, qaar dil ayay kala kulmayaan guurka, marka ay imaadaan Gym-ka waxay u noqon goob ay ku nastaan oo ay sidoo kale goobta ay ku arkayaan gabdho kale oo qabta xirfado kala duwan sida dhakhtarad, ganacsato, halkaas ayay ku wada sheekeysanayaan gabadhii xaafadda iska joogtay waxay goobta ku gaaray go'aan ay nolosheeda ku baddasho" ayay tiri Starliin Maxamed Cabdi.
Arrintani ayaaa noqon kartaa mid dumar badan dhiirigelisa inkasta oo oo ay jiraan caqabado ku gadaaman oo kaga imaanaya dhinacyo kala duwan.











