Cabdicasiis Afrika iyo waayihiisii barnaamijka Gungaar

Xigashada Sawirka, Abdiaziz Afrika/Facebook
Allaha u naxariistee waxa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo loo yaqaanay Cabdicasiis Afrika oo xalay weerar qarax loo adeegsaday lagu dilay.
Cabdicasiis Afrika oo sidoo kale ahaa madaxa raadiyaha dawladda ayaa xalay fiidkii isagoo ka soo baxay makhaayad uu u casho tagay, waxa gaarigii uu la socday isku qarxiyay qof soo xirtay jaakad walxaha qarxa ay ku xiran yihiin, waxana soo gaaray dhaawac culus oo uu markii dambe u geeriyooday.
Barnaamijka Gungaar
Cabdicasiis Maxamuud Guuleed(Afrika) oo warbaahinta muddo dheer ku jiray ayaa waxaa uu ahaa nin si wayn ay u yaqaaneen dad badan oo Soomaali ah.
10 sano ee ugu dambeysay waxaa uu ka howlgalayay warbaahinta dowladda sida telefishinka qaranka iyo radio Muqdisho.
Balse Cadi Casiis ayaa sanooyiinkii u dambeeyay si wayn ugu soo caanbaxay barnaamijka lagu magacaabo Gungaar.
Afrika ayaa qaban jiray barnaamijkan lagu magacaabo Gungaar oo lagu wareysto xubnaha Al-Shabaab ee usoo goostay dhanka dowladda ama ay soo qabtaan ciidamada, kaasi oo xog badan ay ku bixin jireen.
Barnaamijka Gungaar ee uu soo saare iyo soo jeediyey ka ahaa alle ha u naxariistee Cabdicasiis Afrika ayaa saameyn badan ku dhex lahaa bulshada islamarkana ay siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen.

Xigashada Sawirka, .
Waxaa ka mid ah barnaamijyadii ugu hadal haynta badnaa ee Cabdi Casiis Afrika uu soo tebiyay mid uu cinwaan uga dhigay "wariyihii dilaaga ahaa".
Barnaamijkan ayaa waxaa uu ku wareystay wariye lagu magacaabo Xasan Xanafi oo sida uu barnaamijka u dhignaa marka la eego ka sheekeynayay sida wariyayaasha ay u dilaan Al-shabab.
Waxaa sidoo kale jiray barnaamij kale oo saameyntiisa lahaa oo uu Cabdi Casiis ugu magacdaray "Maclinkii dilaaga ahaa".
Barnaamijkan ayaa waxaa ka soo muuqday nin magaciisa ku sheegay Maxamed Xaaji Axmed (ilka case) oo sida barnaamijka lagu xusay ka sheekeynayay qaabka ay Shabab u fuliyaan dilalka qorhsaysan.
Maxay ahayd u jeedadii uu ka lahaa Gungaar
Barnaamijkan Gungaar ayaa ahaa mid ay dad badan si wayn dhegta ugu taagaan waxaa uuna ka bixi jiray telefishinka qaranka.
Waxaa sidoo kale barnaamijkan si wayn looga daawan jiray baraha bulshada sida Facebook iyo Youtube oo la soo dhigi jiray.
Mar wax laga waydiiyay hadda ka hor Cabdi Cassiis Afrika waxaa uu uga gol leeyahay soo saaridda barnaamijka Gungaar ayaa waxaa uu sheegay in uu yahay barnaamij uu dadka kaga wacyigalinayo "dhagarta Al-Shabab".
"U jeedkeydu wuxuu ahaa in aan dadka u soo bandhig xogta argagixisada, inaan dadk galiyo feejignaan iyo inay wacyi ka qaataan dhagarta ay sameynayaan argagixisadu si ay barito uga fejignaadaan in dhagar noocaas oo kala ah lagu qaldo," ayuu yiri Cabdi Casiis.
Waxaa uu intaa ku daray Cabdi Casiis Afrika in barnaamijkiisa Gungaar uu "badbadinayo dadka nool" oo uu digniin iyo fejignaan dheeraad ah siinayo.
"Dadka Soomaaliyeed ee nool ayaa waxaa uu u yahay badbaadiye iyo inay fejignaan ka qaataan marka halka aan u soconay waa in inta nool aan ka shaqeyno sidii ay ku badbaadi lahaayeen", ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, AFP
Shabab maxay ka yiraahdeen dilkiisa
Masuuliyadda weerarka lagu dilay alle ha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo loo yaqaanay Cabdicasiis Afrika ayaa waxaa sheegatay xarakada Alshabab.
Sida lagu baahiyay warbaahinada ay maamulaan Al-shabab waxay muddo dheer ku raadjoogeen wariye Cabdi Casiis.
"Wuxuu dilkiisu uu aargud u yahay dhamaan raggii Mujaahidiinta ahaa ee uu ka dambeeyay ama ku lug lahaa dilkooda, raggaas oo uu kamid ahaa Allaha shahaadadiisa haka aqbalee Xassan Xanafi Xaaji", ayaa lagu yiri bayaan ay Al-shabab soo saareen.










