Qabriga waxaa loo tagay in la aaso hal qof balse 25 qof ayaa la aasay

Xigashada Sawirka, SAMIRATMAJ MISHRA
Booliska dalka Hindiya ayaa xiray dhowr qof oo loo heysto mas'uuliyadda musiibo ka dhacday magaalada Muradnagar ee gobolka Uttar Pradesh kaddib, taasoo ay ku geeriyoodeen 25 ruux.
Dadka dhintay ayaa ku sugnaa goob qabuuro ah oo ay uga qeyb galayeen aaska meydka nin lagu magacaabi jiray Jarayam, oo xanuun aan la shaacinin waxa uu yahay u geeriyooday maalintii Axadda.
Ka qeyb galeyaasha ayaa dabcan u badnaa qaraabada, asxaabta iyo dadkii dariska la ahaa ninka dhintay.
Sida layaabka leh ee ay musiibadu y dhacday
Isku darka dad kor u dhaafaya 100 qof ayaa ku sugnaa goobta duco dhaqameedka loogu sameynayay meydka.

Xigashada Sawirka, SAMIRATMAJ MISHRA
Markii ducada la dhammeeyay ayuu wadaadkii dhammaan dadkii isugu yimid halkaas ka socdasay in ay ku soo goobta uu meydka yaallay si ay u sameeyaan aamusnaan labo daqiiqo ah "oo lagu qaddarinayo qofka geeriyooday".
Hase yeeshee, nasiib darro waxaa markii uu qof walba halkaas soo istaagay mar qura soo dumay saqafkii kore ee dhismaha, halkaas oo uu khasaare xoog leh ka dhashay. Murugadii geerida halka qof ayaa waji kale yeelatay.
In kastoo dadka qaar ay dirqi ku baxsadeen haddana intii kale waxay u qeybsameen wax dhintay iyo wax dhaawacmay. Qaarkood waxay durbadiiba ku aasmeen burburka dhismaha.
Sidaas awgeed meeshii loo tagay in hal qof lagu aaso ayaa lagu aasay 25 ruux, halka dad kalena isbitaallada lagu daweynayo.

Xigashada Sawirka, SAMIRATMAJ MISHRA
Munni Devi, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Jarayam waxay ku sugneyd guriga oo ay ku wehlinayeen labadeeda gabdhood iyo gabar ay soddoh u tahay.
Waxay sheegtay in xilliga aysan musiibada dhicin ka hor ay moodeysay in tacsida ay gurigooda ka muuqan doont maalmo kaddibna xasuustooda ku hari doonto. "Laakiin waxa hadda dhacay ay tahay dhacdo xanuun badan oo qoyskooda baal madow ka galisay taariikhda".
"Waxaa nagu hareereysan buuro walwal iyo murugo ah. Afar qof ayaa ka geeriyootay qoyskeenna, afar qof oo dariska ahna way dhinteen sidoo kale. Wiilka aan soddohda u ahay wuxuu ku jiraa isbitaalka, kuwo badan oo kalena waa la mid. Dadka qaar baa madaxa ka dillaacay, qaarna gacmaha ayey ka jajabeen. Dad badan oo halkaas ku dhintayna wali xitaa lama aqoonsanin," ayey tidhi.

Xigashada Sawirka, SAMIRATMAJ MISHRA
Warbaahinta Hindiya ayaa soo tabisay in shilkaas mas'uuliyaddiisa loo xiray saddex ruux oo kala ah Injineerkii ka qeyb qaatay dhismaha, maamulihii xarunta aaska ka dhacayay iyo qof kale oo kormeere ahaa.
Magdhow
Wax yar kaddib markii uu dhacay shilkaas, Wasiiru dowlaha gobolka Uttar Pradesh, Yogi Adityanath, ayaa garsooraha degmada iyo maamulka dowladda hoose ku amray in ay u tagaan qoysaska ay dadkooda halkaas ku dhinteen islamarkaana qoys kasta ku caawiyaan dhaqaale magdhow ah oo gaaraya qiyaastii $2,700 oo doolar.
Hase yeeshee qoysaska tacsidu u taallo kuma aysan farxin lacagta loogu yaboohay oo ay u arkaan mid aad u yar.
Maalintii Isniinta oo dhan, qoysaska qaarkood ayaa meydadka la fadhiyay waddada, iyagoo dalbanayay in tallaabo laga qaado dadkii lahaa mas'uuliyadda musiibadaas iyo in sidoo kale loo kordhiyo magdhowga.










